Dooxato Ku Lebisan Dirayska Ciidanka Oo Khaarajiyay Madax-dhaqameed reer Muqdisho+Alshabaab Oo Ka Dhabaysay Ballanteedii

0
1

Nabaddoon Shalay Lagu Dilay Degmada Hawl-wadaag+Askar Ciidan Ah Oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Toogtay Degmada Xamar-weyne

 

Muqdisho(|Hubaal)-Koox hubeysan oo aan la aqoonsan, ayaa shalay  ku dilay degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho Oday dhaqameed nabadoon ah oo magaciisu ahaa Xuseen Jimcaale Geedi kadib markii kooxdu ku weerrartay gurigiisa oo ku yaala degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho.  Ilaa hada lama aqoonsan kooxda  fulisay dilka Marxuumka, Isla markaana lama oga sababta loo dilay, waxayna kooxda weerrarka fulisay ka baxsadeen goobta Dilka ayaa kusoo beegmay, iyadoo sidan oo kale shalay galinkii dambe ay ahayd markii la dilay nabadoon la odhan  jiray macalin Daahir Cali Tiifoow, iyadoo ay koox hubaysan ku dishay degmada Wadajir ee isla magaalada Muqdisho. Dhanka kale shalay askari ka tirsan dawladda hoose ayaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqaysta Mooto- bajaaj ku dilay degmada Xamarweyne sida ay sheegeen dad goobjoog ah. Wiilka dhalinyarada ah iyo askariga ayaa is af dhaafay dabadeedna askariga ayaa rasaas ku riday wiilkii bajaajta watay halkaas ayuuna ku dhintay. Dilalkan ayaa ku soo badanayay Muqdisho tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan waxana qaarkood sheeganayay kooxda Al-shabaab halka qaar kalena ay geysanayeen rag dareyska ciidamada dawladda ku lebisan oo aan la aqoonsan. Al-shabaab, ayaa hore u balanqaaday in ay khaarajinayaan Odayaal dhaqameedkii soo xulay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay in badan oo ka mid ah khaarajiyeen.

SHARE
Article horeDawladda Ethiopia Oo Ku Dhawaaqday in Ay Wadahadal Nabadeed U Furayso Xukuumadda Ereteria
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here