HUBAALMEDIA.COM
Dowladda Ethiopia Oo Ka Hadashay Tirada Ku Dhimatay Isu-soo-baxayada Qowmiyadda Oromiya Ee Dalkaas Ka Socda
October 2, 2016 - Written by admin

mudaharadka-ethiopia

Bishoftu (Hubaal):- Dowladda Federaalka Ethiopia (Itoobiya), ayaa shaaca ka qaadday  inay tiro dad ahi ku dhinteen Muddaaharaadyo rabshada watay oo ka dhacay duleedka magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Isgaadhsiinta Dawladda Itoobiya shalay, ayaa lagu sheegay in fawdo ka dhacday Duleedka Caasimadda Addis Ababa ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad dhawr ah. Inkasta oo aan Bayaanka Dawladda Itoobiya lagu  faah-faahin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay Muddaraadyadaas ka dhacay magaalada Bishoftu oo ka tirsan gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Hase-yeeshee, Mucaaradka ayaa ku eedeeyey Ciidammada Boolisku in ay sababeen dhimashada dadkan oo ay ku sheegeen in ay tiradoodu gaadheyso 50 ka tirsan Qoomiyadda Oromada oo toddobaadyadii u dambeeyey muddaharaadyo ku jiray.

Merera Gudina, oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Orobomada ee OFC ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay gaarayaan 50 ruux kuwaasoo u geeriyooday isbuursi goobta ka dhacay, kadib marki ay ciidamada booliska rasaas cirka u rideen si ay u kala eryaan dadkaan oo mudaaharaad ka dhan ah Dowlada ka sameeyey meel uu ka socday dabaaldag.

Banaanbaxyada sanadihi dhawaa ka dhacayey gobolka ay Oromada degto ee Orimiya, waxay markoodii ugu horreeyey ka bilowdeen mashruuc horumarin ah oo ay Dowlada ku rabtay in ay caasimada ku balaariso sanadki 2014-kii. Tallaabadaas oo loo arkayey mid khatar ku ah Dhul-beereed ay Oromadu leedahay.

Dad fara badan ayaa lagu dilay tan iyo dhamaadkii sanadki tagay ee 2015-kii bannaanbaxo daba socday qorshahaasi, oo ay Dowladu ku dhawaaqday in ay ka laabatay horraantii sanadkaan. Dowlada ayaa ku eedeysay mucaaradka iyo muwaadiniin dibad joog ah in ay kicinayaan bannaanbaxayaasha si ay wadanka uga abuuraan fawdo.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews