DR Abiy oo markale loo doortay Guddoomiyaha EPRDF

0
1

Addis ababa(Hubaal)- Shirweynaha 11-aad ee Isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya, ayaa maanta dib ugu doortay Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed inuu sii  ahaado Guddoomiyaha xisbal-xaakimka.

Siday faafisay  Fana News,  waxa kaloo shirweynahan dib loogu doortay Guddoomiye ku-xigeenka EPRDF  Demeke Mekonnen  oo ah Raiisul-wasaare ku-xigeenka dalkaas.

Warku wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ay u coddeeyeen  inuu noqdo Guddoomiyaha  Isbahaysiga EPRDF 176 xubnood oo ka mid ah 177 ergay oo shirweynahan oo maanta la soo gabogabeeyey  codkooda ka dhiibanayey.

EPRDF ayaa  Guddoomiye  xisbal-xaakimka iyo Raiisul-wasaaraha dalkaas  u doortay Abiy Axmed bishii March ee sannadkan, ka dib markii uu iscasilay Guddoomiyihii hore Hailemariam Desalegn. Waxaanu Mr.Abiy ka hirgalayey Itoobiya isbeddelo waaweyn oo dhinaca siyaasadda ah.

SHARE
Article horeMagacyada Iyo Dalalka Ay Kasoo Jeedaan Labada Qof Ee Ku Guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize Ee Sannadkan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here