HUBAALMEDIA.COM
Dr. Bulxan Soo Bandhigay Saddex Sababood Oo Ay Xukuumaddu Dabar Uga Dhigtay Safarkiisii Uu Muqdisho Ku Tegi Lahaa Ee Baaqday
May 7, 2017 - Written by Mustafe Faro

Wada-hadalladii Muqdisho Iyo Hargeysa Iyo Gabaabsiga Cimriga Xukuumadda Oo Safka Hore Kaga jira fashilka Safarkii Dr. Bulxan

Bulxan Oo Ku Qancay Diidmada Xukuumadda, Balse Aanu Qaddiyadda Gooni Isu Taagga Somaliland Ka Daali Doonin

Dr.Xuseen-Cabdilaahi-Bulxan

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Jaamacadda FFU oo ku taalla magaalada Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixiyey asbaabta rasmiga ah ee keentay inuu fashilmo isku daygiisii ahaa inuu magaalada Muqdisho ugu baxo safar uu kula doodayo aqoonyahano Soomaaliyeed oo kasoo horjeeda gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu si adag u difaaco.

Dr. Bulxan oo shalay u warramay wariye Faysal Fiifa oo katirsan Telefishanka Somali Cable, ayaa ugu horrayn sheegay inaanay dawladda Soomaaliya casuumin, balse ay jireen dad aqoonyahanno ah oo isaga Muqdisho ku casuumay, waxana uu yidhi, “Waxan caddaynayaa dadka I casuumay inaanay xukuumad ahayne ay ahaayeen aqoonyahan aanu wada hadal yeelanay oo xaggayga sharaf kale, macquulna ah, xal-raadin dhab ahna ku jira, xukuumad sheekadeeduna may soo gelin.”

Mudane Bulxan waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland si cad ugu diiday inuu safarkaas doodda ah uu galo, waxana uu taxay asbaabo dhawr ah oo xukuumaddu u daliishatay diidmadeeda, kuwaas oo ay ku jiraan wada-hadallada labada dawladooda u dhexeeyaa,“Xukuumaddu way tidhi arrinkani waa mid ugub ah oo aan hore u dhicin, nin inta uu isa soo taago yidhaahda Xamar baan ka hadlayaana waa arrin cusub, waxana uu horseedi karaa mushkilado badan oo noo muuqda oo ay qaar badani sidaas iskaga dhaqaaqaan, waxa kale oo ay yidhaahdeen wada-hadalkii xukuumaddii baa gacanta ku haysa inay ku ekaato oo ay hawsha waddo ayaana nala quman, marka saddexaadna waxa la joogaa waqti gabaabsi ah oo waqti habboon ma aha, haddii aad tegi lahayd oo aad soo noqon lahaydna wax kale ayey noqon lahayd, Hargeysa-na toos baad uga tegaysaa,” ayuu yidhi Dr. Bulxan.

Dr. Xuseen Bulxan oo hadalkiisa sii wata uu sheegay inaanu safarkiisu ahayn mid uu xukuumadda amaba cid kale ku metelayey, balse uu kaligii aragtidiisa kusoo bandhigayey, waxana uu yidhi,“Anigu waxan ku idhi dhuudhuumasho kuma wado, waxayguna waa caddaan, xukuumaddana hore waan ugu sheegay inuu arrinkaasi iman doono, aqoon yahankiina waan la tashaday, masuuliyaddana anigaa qaatay oo inaan cid kale idhaahdo waan metelayaa ma jirto, laakiin mar haddii ay xukuumaddii masuulka ka ahayd garatay inaanan samaynin bulshaday u taallaa, waqtigeedana way iman doontaa oo waa la fahmi doonaa.”

Waxa uu si cad u sheegay inuu qaddiyadda Somaliland raadinteeda sii wadi doono oo aanu weligii ka hadhi doonin,“Anigu qaddiyadda Somaliland waa wax aan aaminsanahay, cidnaba ka haybadaysanayo ka hadalkeeda, cidnaba fasax kama qaadanayo oo adduunyada meeshii aan tegayoba waan la tegi, sida aan mustaqbalka ka yeelayo iyo sida ay wax iigu suurtoobi doonaanna waqtigeedaan sheegi doonaa,” ayuu yidhi Dr. Xuseen Bulxan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews