HUBAALMEDIA.COM
Dr. Maxamed Cabdillaai Cumar Oo Miisaan Siyaasaddeed Ku Kordhiyey Safarka Dublamaasiyadeed Ee Uu Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Ku Joogo WAdanka KENYA
March 18, 2017 - Written by Mustafe Faro

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Wasiirkii Hore ee Wasaaraddaha KHAARIJIGA Iyo GANACSIGA Oo Mar Kale Ka Soo Dhex Muuqday Kulamada Uu Weftigu LaQaatay Madaxda Caalamka Ee KENYA Ku Sugan

 1732

Nairobi (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID. Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nairobi, ayaa dublumaasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka, Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan. Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay’adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie. Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato. Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu. Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka dalka Kenya Mr. Justin Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda mudanayaasha aqalkaasi Md. Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida loo sii xoojin karo. Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirkii hore ee wasaaradaha khaarijiga iyo ganacsiga ee xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo Hoggaaminayo oo haatan ah sarkaal QM U Qaabilsan xalinta khilaafaadka wadamada qaaradda Afrika ayaa miisaan siyaasadeed ku leh waddamada qaaradda, gaar ahaanna kuwa geeska afrika, waxaana dadka odorosa dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ay ku tilmaameen in xubinnimada socdaalkiisan uu ku wehelinayo weftiga Muuse Biixi ay saamayn togan ku yeelanayso isbedellada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisbiga talada haya eeKULMIYE ku doonayo in uu kuhanto ama ku kasbado kalsoonida dalalka deriska ah.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews