“Dugsi  Maleh  Qabyaaladi Wax  Ay Dumiso Mooyaane”- W/Q: A. A. Cumar (Wayab)

0
1

 

Bulsho kasta oo Ilaahay koonkan ku abuuray wuxu dejiyey meel u gaara oo ay  ku noolaadaan, waxayna dadkaasi horumar iyo badhaadhe dhinac kasta ah ku gaadhi karaan waa wada-jir iyo inay u midoobaan danahooda guud ahaaneed. Allah ha u naxariistee Abwaan Cabdillahi Suldaan “ TIMACADDE “ ayaa waqtigii uu noolaa si aad ah uga xumaaday qabyaaladda foosha xun iyo xiqdiga  ka dhex aloosan shacbiga reer Somaliland oo waqtiyadaa dagaal qabiil ka dhex socday beelo ood wadaag ah, dabadeed gabay dheer ayuu ka tiriyey waxyeelooyinka ay qabyaaladdu leedahay iyo sida aanay yoolkooda u gaadhi Karin.

Gabaygaasi oo aan tuduc ka mida  kasoo dheegtay, cinwaana uga dhigay qormada qoraalka, ayuu Timacadda ku yidhi,” Dugsi maleh qabyaaladi wax ay dumiso mooyaane, Haddeynaan xumaanta iyo dilkiyo Deynin kala qaadka, Debedddaan ka joognaa sharciga Daacada Ilaahe.”  Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka nuuxsan kari la’dahay waa qabyaalad oo ay odhan karo waa iin ku taal shacbigeena iyo naxli huursan oo sida dhulgariirka marka la damco dhexdooda laga qarxiyo.  dadku wax kasta ka horreysiiyeen, waxayna kow ka tahay asbaabaha hortaagan inaan gaadhno horumar iyo in dunida aan ka helno Ictiraaf, waayo dalna ku soo degdegi maayo,iskuna halleyn maayo  inuu aqoonsado ummad ku kala qeybsan xagga siyaasadda .

Qabyaalad iyo Dawlad meel ma wada galaan, waxayna isku yihiin dab iyo dhagax laysku dhuftay, bulsho meel ku wada noolna laba midkood ayaa u bannaan, in qaab qabiil isku hoggaamiyaan iskuna maamulaan oo ah dariiqa halaagga iyo inay mid dawladeed doortaan oo ah jidka horumarka.

Bilowgii hore ee aasaaska hoggaaminta iyo maamulka ee dunida ayaa ku bilaabmay hannaanka qabyaaladda, iyadoo ay  qabiilooyinka meel wada deggan uu mid walba gaarkiisa u sameystay hoggaan wax u kala maamula, isla markaana difaaca danahooda iyo degaankooda.

Dadkii wada degganaa ee nabada ku wada noolaa, ayaa markii uu qabiil kastaa yeeshay hoggaan iyaga u gaara oo u taliya, ayaa hoggaamiye kasta si uu u muujiyo cududda iyo sarreynta qabiilkiisa uu duulaan ku qaaday qabiil kasta oo  kale oo uu  u arkay inuu  itaal iyo tiroba kaga awood badan yahay, kaasoo uu u geystay xasuuq cidhib-tir ah, si uu  xoog ugu hanti dhul iyo hantiba wixii ay lahaayeen ka kale ee uu tunjilicsaday

Sidoo kale waxa gam iska siiyey kuwii tunka weynaa oo iyagiina aakhirkii iskaga horyimid xuduudo daaqsimeed, biyood iwm, waxayna dagaalladaa dhexdoodu socdeen muddo dheer oo boqollaal sannadood ahayd, taasoo natiijadeedii noqotay, in  qabiil kasta oo kibirsanaa uu kibir-jabo, kadib markay naafeeyeen dagaalladii xidhiidhka ahaa, isla markaana uu qabiil walba dhinaciisa awood iyo itaal uu ku weerarro ka kale u waayey, kadib markay dadkii qabiilkiisu intii kasoo hadhay dagaallada  la daateen macluul iyo gaajo. tab dembena dagaal u qaadi kari waayeen.

Aragtidii ku dhisaneyd nidaamka qabiilka ee hoggaaminta iyo maamulka, ayaa noqotay mid lagu hoobtay oo lagu hoogay, dib u dhac mooyee wax kalena  ku soo kordhin dunida, sidaa darteed markii lasoo taabtay,lana xaqiiqsaday inaan qabiilna ka kale ku hoggaamin Karin, kuna maamuli Karin reernimo, ayaa  la bilaabay in laga fekaro nidaamyo kale oo lagaga bixi karo, lagagana badbaadi karo dagaallo iyo colaado dembe oo sida kuwii hore lagu riiqdo.

Waxa ay dad aragti dheere curiyeen aragtiyo hoggaamineed iyo maamul oo ku dhisan  nidaamyo kala duwan oo ku saleysan hannaan dawladeed oo aasaaskeedu yahay caddaalad loo wada siman yahay, iyadoo qof walba loo eegayo aqoontiisa iyo kartidiisa.

Qaabka nidaamyada dawladnimo ayaa dedaalo badan kadib loo arkay inuu yahay  qaabka kaliya ee u wada cuntami kara ummad kasta oo meel ku wada nool, waana ka illaa maanta lagaga wada dhaqmo caalamka ha ahaato dawladdaasi mid ku dhaqantay nidaamyada  Boqortooyada, Shuuciga, Dimoqraadiga ama Islaamiga, waxayna markii lagu beddelay nidaamyadii qabaliga ahaa wax weyn ka  beddeleen noloshii dadka iyo dalkaba,sidoo kalana   noqdeen kuwo lagu wada gaadhay bashbash iyo badhaadhe.

Nidaamyadan dawladeed si kasta oo ay ugu kala duwan yihiin dhinacyada hoggaaminta, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasaddaba, haddana muran kama taagna in dunida ay mugdigii kasoo saareen, inkastoo haddana weli tabashooyin kasoo yeedhayaan dunida dacalladeed ee ku kala dhaqma nidaamyada kala dunida ee wax lagu kala hoggaamiyo laguna maamulo.

Waxa haddaba cajiib ah in dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku nool waqtigan aan joogno marayaan halkay dunida dadkeedu taagnaayeen boqollaal sanno ka hor, waayo markaad u fiirsato waxad mararka qaarkood is-odhaneysaa malaha dadkan hal dareen oo qudha ayaa shaqeeya oo ah ka qabyaaladda.

Haddaan wax allaale iyo waxa kale oo dhan iska dhaafo, waxan halkan idiinka muujinayaa hal tusaale oo aan markhaati uga dhigayaa odhaahdeyda ah dareenka qabyaaladda oo qudha ayaa shaqeeya. Caalim kasta oo u dhashay dalkan hadduu waxa ugu wanaagsan ku hadlo ama soo bandhigo cilmi anfacaya dalka iyo dadkaba, way ku adag tahay dadka intooda ugu badan inay taageero ku siiyaan qawlkiisaa fiican ama aqoonta uu u soo bandhigay si looga wada faa’iideysto illaa iyo inta ay ka ogaanayaan qabiilka uu ka soo jeedo.

Tusaale labaad, laba maalmood kahor waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magaacaabay xilal muwaadiniin reet Somaliland, mar allaale markii la akhristay magacyadoodii, ayaa iyadoo aan la isweydiin inay leeyihiin aqoon iyo khibrad ay ka dabooli karaan hawlaha loo magacaabay, ayey markiiba isla dhex qaadeen hebel yaa garanaya qabiilka uu yahay, hadduu noqon waayo meeshay wax ka fadhfadhayeena, ay haddana mar labaad odhanayaan yaa u reer abti, iyadoo ujeeddadoodu tahay inay xajiimeeyaan mas’uuliyiinta laga magacaabay, isla markaana ay Madaxweynaha ka bixin sawir xun oo ah eexeysi iyo wax la mid ah.

Waxan kusoo gunaanadayaa qormadan, inaan kala doorrano qabyaalad iyo dawladnimo innagoo isbarbar dhigeyna mid walba faa’iido iyo khasaare waxa ay innoo leedahay, kuna xisaabtameyna wixii shalay tagay ta maanta taagani waxay wadaagi karaan, waxna ku qaatay tixdan oo aan idiinka soo dhex xulay gabeygii Cabdillaahi Suldaan Timacadde ee [ Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.]

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here