Duqa Caasimada Oo Sheegay In Guddooomiye Cirro Qaadi Doono Masuuliyada Wixii Ka Yimaada Isku soo baxa Uu Ku Baaqay

0
5

“Waxan leeyahay, Mudaharaadkaa Wixii Ka Yimaada Iyo Dhibaatada  Halkaa Ka Dhacda Waxa Masuuliyadeeda Qaadaya  Guddoomiyaha Xisbiga Waddani”

Hargaysa(Hubaal) Maayarka  Magaalada   Caaasimada   Hargaysa  Cabdiraxmaan   Maxamuud   Caydiid   Soltelco  ayaa   sheegay  in wixii  ka  yimaada  masuuliyadeeda  uu  qaadi  doono   Mudaharaadka  uu     Guddoomiyaha  Xisbiga  Waddani  Cabdiraxmaan  Maxamed  Cabdilaahi  Cabdiraxmaan  Ciro  ugu  baaqay in  Taageerayaashiisu    ay  iskugu  soo baxaan  Maalinta  bari ah    Magaalada  Hargaysa. Cabdiraxmaan  Maxamuud  Caydiid  oo shalay  Warbaahinta la hadlay  ayaa  waxa  uu sheegay in  Magaalada  Hargaysa aanay u baahanan  Mudaharaad iyo isku soo bax laga sameeyo,is  la  markaana  aanay qaadi karin  Dhibaatooyin laga abuuro  Magaalada.

Cabdiraxmaan  Maxamed  Cabdilaahi  oo  Arimahaasi  ka hadlayayna  waxa  uu  yidhi; “Waxa nasoo gaadhay in Guddoomiyaha  Xisbiga  Mucaaradka ah Waddani  Cabdiraxmaan  Maxamed  Cabdilaahi Cabdiraxmaan Ciro  uu Taageerayashiisa ugu baaqay in ay   Taageerayaashiisa  Hargaysa  isku soo baxaan,waxa  aanu leenahay anagoo qadarin u hayna  Guddoomiyaha  Waddani  Magaalada  Hargaysa  waa  Magaalo  ganacsi oo  dahab   keeda  lacagteedu  suuqa yaalaan  oo  Ganacsigeedu xoog u socdo uma  baahna  isku  soo bax  iyo  dhibaato.cidii   doonaysa in ay samayso Mudahaar wado Sharci ayaa jirta  oo ay u marto   wixii waxa ka sakeeya  anagoo  ilaalinayna  amaanka  dadka Caasimada Ummaddadanyarta ahi  ma  qaadi  karto  Mudaharaad, wixii  Mudaharaadkaa  ka  yimaada  iyo  dhibaatada  halkaa  ka dhacda  waxa  Masuuliyadeeda  qaadaya  Guddoomiyaha Xisbiga   Waddani  waxa  aanu  leenahay  Guddoomiye  ka noqo Go,aankaa  aad ku dhawaaqday Hargaysa  uma baahna rabshad   mana  qaadi karto  wixii  Sharciga ka baxsana  ee  ka yimaada  Guddoomiyaha Xisbiga  Waddani Cabdiraxmaan   Maxamed  Cabdilaahi,”.

SHARE
Article horeGuddoomiye CIRRO Oo Isku Soobax Ugu Baaqay Taageerayaasha WADDANI Ee Gobolka Maroodi-jeex
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here