HUBAALMEDIA.COM
Duullimaadyadii U Horreeyay Ee Diyaaradaha Qaadka Kasoo Waaridi Jiray Kenya Oo Ka Degay Muqdisho
September 14, 2016 - Written by Mustafe Faro

diyaaradahajaadkaMogadishu (Hubaal) Duulimaadyadii u horreeyay muddo ku dhow todobaad oo shixnado qaad ah sida ayaa shalay   barqadii ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo shixnado qaadka miirooga loo yaqaan kasoo qaaday dhinaca dalka Kenya.

Dawlada taagta daran ee Somalia ayaa dhowaan joojisay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray dalka Kenya, kuwaas oo xayirnaa muddo ku dhow todobaad.

Hase yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa dorraad  ku dhawaaqday inay dib u fasaxday qaadkii laga keeni jiray Kenya, kadib wada hadalo la xidhiidha arrimahaa dhex mareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo qaadkii Ganacsiga ee Kenya laga keeni jiray, kaasoo dhibaato iyo culeys dhaqaale ku keenay Ganacsatada qaadka ee Kenya, kadib markii ay mamnuucday dowladda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay oo loo diyaar garoobayay shirka madaxda IGAD ee   lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay In la joojiyo diyaaradaha Soomaaliya ka duulla ee sii mara Garoonka Magaaladda Wajeer, halkaas oo loogu hakiyo si loogu sameeyo baadhitaano dheeraad ah, waxa kale oo qodobada labada Madaxweyne ku heshiiyeen ka mid ahaa In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo visaha dal-kugalka Kenya iyo In Bangiyada Kenya ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, iyadoo arrimahaa loo saarayo guddi sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews