“Eddegayn: Erey Loo Sadburiyey! Ereyga “Globilization” Tarjumadiisu Ma Ku Saxan Tahay “Eddegayn”? Hamse A. Khaire

0
205

(abdeeq2005@hotmail.com), Hargeisa Somaliland.

 

 TOP-SECRET1

Hordhac:

Tan iyo markii u horaysay ee idaacad afka Soomaliga ku baxdaa ay hawadda soo gashay afartameeyadii, turjumada ereyadda qalaad waxay ahayd mid ay la legdemaan hawl-wadeenadda idaacadaha iyo warbaahinta kale ee Soomaalidu. Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, tusaale ahaan, ayaa wararka caalamka ee ay baahiso marka hore warka isagoo af-ingiriisi ah ka hesha xafiiskooda  wararka ee dhexe kadibna u bedesha Afka Soomaaliga. Ereyaddaas qaar baa ah kuwo af-soomaaliga in turjumaad loogaa helaa ay adag tahay oo aan dhaqanka ama xadaaradda Soomaalida aan ku jirin halka kuwo kalena ayna kuba haboonayn dhaqanka Soomaaliga. Kuwa hore waxaa ka mid ah “Globalisation” oo aan maqaalkan ku eegi doono sidii loo turjumay iyo gol-daloolada ka soo if-baxday. Kuwo dambe, ereyadda dhaqanka Soomaaliga aan ku haboonayn,  metelan, waxaa ka mid ereyga  “ Saaxiibaddii” oo dhawaan aan ka maqlay idaacadda BBC-da mar ay ka waramaysay kiiskii ninkii xidiga ahaa Oskar Bistooriyas ee reer  Koonfur Afrika iyo gabadh ay isku cindanaayeen oo la yidhaa Rifaristiin Kaam oo la leeyahay wuu dilay. Warkaasi wuxuu wariyuhu sidan “…..Waxaa magaaladda Biritooriya dib uga furmay  dhegaysiga kiiskii Oskar Bistooriyas iyo Saaxiibaddii…” . Saaxiibkay oo aan gaadhigiisa saarnaa kana dhagaysnayay ayaan waydiiyay adeegsiga ereyga Saaxiibadiis iyo ku-haboonaantiisa in la dhegaystayaasha idaacadaas oo isku-jira dad waawayn, dhalinyar iyo caruurba?  Dood dheer kadib waxaanu isku qancinay in loo baahan yahay in warbaahinta guud ahaan iyo gaar ahaan idaacadda BBC-da oo Soomaalidu aad u dhagaysto ay xil badan iska saaraan soo-tebinta ereyadda qalaad oo qaarkood xambaarsan yihiin arrimo gef iyo meel ka dhac ku ah dhegaystayaashooda.

Maqaalkan waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah ereyadda gadaal-soo-baxa ah, waa “Globalisation” iyo sida ay turjumaadiisu u hantaaqantay balse ilaa iyo hadeertan aanay dhegaystaayaasha iyo hawl-wadeenadda warbaahintu ka warqabin ama ku baraarugsanayn. Ereygan “Globalisation” oo lagu tarjumay “Edeggayn”  maaha ereyga keliya tarjumaadiisu isku-keen rogtay balse waxaa jira xayn kale oo ku dhex dhuumalaysanaysa af-soomaaliga loona baahan yahay in laga daba-tago, lana saxo.

 

Soo If-bixistii Ereyga “Globalisation” iyo Aragtida ku Ladhan:

Ereyga “Globalisation” asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa “Globe” oo ah khariiddada dunida sidoo kale wuxuu ereygu tilmaamayaa qaabka kubadda oo kale ah ee aduunku u samaysan yahay. Aragti ahaan waxaa “Globalisation/Edeggayn” lagu soo koobi karaa “…is-dhexgalka iyo isku-socodka shacab, dhaqan, dhaqaale,ganacsi, siyaasaadeed ee manta dunida ku sii xoogaysanaya”. Si kale haddii loo dhiga fur-furnaanta, lib-dhista xuduudihii siyaasadeed iyo kala-qaloosha dhaqamadda  iyo dadyowga dunidu beryahan dambe qabitimeen ee ay fududaydsay isgaadhsiinta casriga ah, gaadiidka cireed, baddeed iyo dhuleed iyo  warbaahinta casriga ahi.

Inkastoo isdhex-galka iyo isku-furmidda umadaha adduunka ay bilaabantay barri sii horeysey (xili hore) haddana waxaa xusid mudan in intii u dhaxaysay 1870-1914-kii uu si gaar ah  dardar ugu dhaqaaqay is-dhexqaadka ganacsi iyo dhaqaale ee dunidu. Intii u dhexaysay labaddii dagaal ee dunida ee koowaad iyo labaad ayuu xoogaa hakad ah ayaa galay isu-socodkii dadka iyo dalalka. Kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay “isu-socodku” wixii ka dambeeyay 1945-kii iyo ilaa imika oo uu marayo meel sare.

Dadka ka soo hor-jeeda aragtidan isku-furfuranka dunnida oo u badan waddamada dunnida saddexaad oo qaarada Afrikina ku jirto waxay leeyihiin, aragtidani waxa weeyi gumaysigii reer galbeedka oo magac cusub iyo waji kale wata. Dhinaca kale kuwo taageersan oo u badan waddamada reer galbeedka ayaa ku doodaya in hirgelinta isku-dhexgalka dunnidu haddii uu guulaysto uu horseedi doono barwaaqo iyo korniin dhaqaale oo dunidu guud ahaan ku naalaato iyadoo gaar ahaana wadama dunida sadexaad ka bixi doonaan saboolnimada iyo dib-u-socodnimadda daashatay.

Waa maxay “Edeg”?

Si buuxda uma hubo cidda erreyga “Edegayn” ku turjuntay “Globalisation” iyo goorta la turjumay toona balse waxay dhowr qof oo looga qaateen ahi ii sheegeen idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaligu dedaal ay ku turjumaysay hormo ereyo qallaad ah uu ka mid ahaa. Cid kastaa ha turjuntee runta biyo-kama-dhibcaanka ahi waxa weeyi in hadda ereygaasi aad loo adeegsaday loogana baahiyo warbaahinta kale duwan.

Si haddaba aan u fahano halka sartu ku qudhunsan tahay aan is xasuusino wuxuu eddegu yahay siduu ugu dhigmo ama aanu ugu dhigminba ereyga lagu mateeneeyay afka Ingiriisiga – waa “Globalisation-ka’e”. Ereyga “Edeg” wuxuu ka soo jeedaa dhaqanka xoolo dhaqatanimadda ee Soomaalidu leedahay. Xeradda xoolaha lagu xereeyo (fiiri sawirka hoose) ayaa qaab-dhismeedku wuxuu ka kooban yahay (1) xerada wayn (2) iyo xerro-yar oo ku sii dhex-taala tan wayn oo la yidhaa “Edeg”.  Agabka eddega dhexdiisa laga helo karo ee muhiimka u sii ah waxaa ka mid ah mareegta iyo qoolalka. Mareegta iyo qoolasha oo ku taxan waxaa qoorta loo galiyaa maqasha iyagoo ku dhex sugan edeggooda.

Tusaale hadaan u soo qaadano xeradda adhiga oo kale, edegga waxaa lagu xereeyaa maqasha madaama da’dooda oo yar awgeed aanay xeradda la wadaagin Karin adhiga intiisa kale. Edeggu markaa waa dhisme gaar ah oo loo qaabeeyay inuu daboolo baahiyaha u gaarka ah neefku marku uu yar yahay. Baahiyahaas waxaa ka mid noqon karta in  madaama looga sii dhex sameeyo xeraddu waxay weeyi in lagaga ilaaliyo hirdinta iyo garbinta  adhiga waawayn, in la hubiyo in maqasha lafteedu aanay jiqin, iyo in qabowga, kulka iyo roobkaba laga xafido madaama neefku wali aanu dhogoraysan isla markaana aanu yeelin xamilka duruufahaa kala duwan. Waxaa xusid mudan in neefku aanu ku waari doonin ku hoyashada edegga ee ay u soo wareegi doono xeradda wayn marka uu da’ tirsado.

 

 

Siddee Turjumaadu Isku  Seegan Tahay ?

Ujeedadu maqaalku ma ahayn in si qoto dheer aan u sharaxno macnaha labadda erey gaar ahaantooda balse waxay ahayd inay isku dhigmayaan ama isku turjumanyaan.  Haddii aduunku noqon lahaa xero wayn, laba boqol (200) ku dhawaadka dal ee dunida manta ka jiraa waxay noqonayaan edegyo mid walba ku dhex jira xeradda  wayn. Si kale haddii aan u dhigno,  haddii xeradda xoolaha soomaliddu lahayd hal edeg, aduunku manta waa xero leh  laba boqol (200) oo edeg – aduunku waa xero gee lama adhi leh edegyo badan. Haddii arrinku sidaas yahay edeggayntu waxay noqonaysaa sii kordhinta tiradda edegyadda amabase sii kale qoqobida aduunka taas oo si ereyga “Globalisation” aan noqonayn dhigeedda (turjunkeeda) balse ku ah ‘liddi’.

Inkasta oo ay tahay in la bogaadiyo isku-dayga cid kasta oo isku dayday inay af-soomaaliyayso ereyadda doorka ka qaadanayo fahanka dhacdooyinka iyo aragtiyaha ka jira dunida aan manta ku nool nahay, hadana waxaa la qawaddi karaa feejignaanta  warbaahiyaha iyo dhagaystaha Soomaaliyeed oo aan ku baraarugin isa-seega iyo iska-soo-horjeedka labadda erey iyo aragtiyood. Haa labada aragtiyoodna way isku lidi oo ujeedaddu edeggu waxay si toos ah uga soo horjeeda ta “Globalisation-ka” oo ah isku-furfurida, iyo isku-sii-daynta umadaha, dhaqamada, ganacsiga,siyaasadda iyo isku-socdka taas oo laga yaabo inay curdan-dhadhiso dhaqaalayowga iyo dhaqamada dunida sadexaad iyo afrika taas oo dhan ka ah ujeedada edegga ee ah ilaalinta iyo dhowrista maqasha ama nirgaha oo aan u babac dhigi karin duruufaha cimilada iyo hirdinta kuwooda koray.

Haddii edegayntu aanay “Globalisation”  dhigeeda ahayn, ma ku doodi karnaa inay ku turjunmayso ereyga kale ee ah “Regionalism” oo lala xidhiidhiyo aragtideenii hore ee “Globalisation-ka” oo ah in dhowr dal ama edeg oo ood wadaag ah la isku furo iyaddoo wali lagu dhex jiro xeraddii waynd ee dunida aynu ku misaalnay? Tusaale ahaan wadamada galbeedka Afrika waxay samaysteen edeg la yidhaa “ECOWAS”, halka dalalka reer yurub qaarkoodna samaysteen edeg la yidhaa “Midawga Yurub” halka Baraasiil, Raashiya, Hindiya, Koonfur Afrikana ay samaysteen edeg la yidhaa “BRICS”. Dhamaan edegyadaasi waxaa wali ku dhex jiraan xeraddii waynayd ee aduunka, afrika amabase yurub kolba intaad xeradaada ka dhigato ayayna ku xidhan tahay.

Soo-jeedinta  Erey Dumaala “Globalisation” Oo Af-Soomaali ah ?

Mid ka mid ah ujeedooyinka qoraalkan ayaa ahayd in akhristayaasha Af-soomaaliga ku hadla  loogu  yabooho inay keeneen erey dumaala “globalization” oo erey iyo aragti ahaan la mug ah macnihiisa. Sidaas oo ay tahay hadana waxaan soo gole joojin dhowr erey oo kale oo ah murashixiin:

a)      Made-beel/Edeg-tir: ereyga asalkiisa waa “made” oo ah xuduuda u dhaxaysa laba beerood ama booto. Ereygan ceebtiisu waxa weeyi in laba arrimood oo midi tahay in ay ku eg tahay Soomaalida beeralayda ah halka mug ahaan ay aan laga dhandhaminayn isku-furanka dhaqan, ganacsi iyo bulsho. Haddii laga tagi waayo, oo maduhu ku yaraado wali waxaynu adeegsan karnaa ereygii hore oo xoogaa la dhalan-gadiyey lagana dhigay “Edeg-tir.”

b)      Qalo-beel: Ereygu waa “qalo” oo muujinaya is ururinta dhaqan iyo bulsho oo lagu daray “beel” si macneheedu loogu rogo dhinaca kale. Ereyga qalo, si la mid ah ereygii hore madda-beel, wuxuu ku dhacayaa dhinaca mugga aragtida isagoo taabanayaa dhinacyada is-dhexgalka dhaqanka, diimaha iyo isiradda kala duwan balse aan sinaba u sarayn isku-socodka ganacsi, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo arrimihii kale ee aragtida la bedelayaa xambaarasanayd.

 

c)      Ilo-furka Dunida: Ereygani wuxuu ka soo jeedaa aqal soomaaliga oo leh qayb la yidhaa ilo-xidh taas u dhiganta jiifka guriga. Marka laga dhigo “ilo-fur” waxay soo tebinaysaa isku-furka docda iyo ilo-xidhka oo dhigmi kartaa ujeedada “globalization-ka”.

 

d)     Qoqob-tir: Ereygani waa musharaxa ugu dhow marka loo eego dhamaan ereyadda kale ee aan soo taxay madaama qoqobku yahay erey si guud u tusinaya qoqobka dhaqan, qoqobka ganacsi, qoqobka dhaqaale, ka siyaasadeed iyo juquraafi oo meesha ka baxo.

 

Afarta erey ee aan kor ku taxay waa soo-jeedin shaqsiya mase aha gunaanad ereygii bedeli lahaa edeggayn marka la turjumayo ‘Globalisation’. Waxaan aad u xiisaynaya, sugina kari la’ahay erey ugu haboon oo imika qof Soomaali ah oo meel ku nool, maqaalkanina si uun u gaadhi doono.

Gebo-gabo

Waxaan maqaalkan kusoo af-meeri lahaa in marka aynu dhagaysano warbaahinta si aan u fahano taasi waxay keenaysaa inaynu war-fidiyeenadda, qorayaasha iyo sokeeyaha af-somaaliga u ehelka ah aan ku warcelino taas  oo ugu dambaynta hore u socodsiin karta afka baadi-soocdeena ah. Dhinaca kale, si Soomaalidu ugu fahanto dhacdooyinka dunnida ka jira si dhuux leh waxaa loo baahan yahay maaha keliya in la af-soomaaliyeeyo aragtiyaha gudaha iyo dibadadaba balse waa in si dheeraad ah loogu dhug yeesho isku-dhigmida ereyadda la isku-bedelo/tarjumo iyo aragtiyaha ay xambaarsan yihiinba. Fahanka laga dhaxlo fahankaas saxani waxay in dhexalsiin doontaa in aynu ka qayb noqono doodaha aqooneed ee dunida iyo dalka isla markaana meel cad ka istaagno haboonaantooda iyo waxtarkooda. Tusaale ahaan haddii edeggayntu tahay hooy dan u ah daryeelka maqasha, nirgaha iyo waylaha isla markaana “globalization-ku” lagu tarjumay  “edeggayn”, wuxuu qofka Soomaaliga ahi is waydiin karaa maxay Afrika iyo dunnida saddexaad u diidan yihiin arrin iyaga dan u ah madaama ay u baahan yihiin inay qaan-gaadh noqdaan si ay ula tartami karaan dunida kowaad?

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here