Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Ceel-afweyn U Tegay Si Uu Uga Qaybqaato Dadaallada Lagu Daminayo Colaadda Labada Beelood

0
1
????????????????????????????????????

Ceel-afweyn (Hubaal) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaaa saaka  gaadhay Deegaanka Ceel Af-wayn Ee Gobolka Sanaag, halkaasi oo uu qeyb ka noqonayo Dadaalada lagu daminayo Colaadda Soo noq-noqotay ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Deegaankaasi .

Gudoomiyah Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hadalo ka jeediyay, Shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxman C.laahi Saylici, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Xubno kale oo wasiiro ah .

Waxaanu Gudoomiyhuu carrabka ku adkeeyay sida cadawgu uga faa’idaysan karo colaadda ka dhex oogan gudaha Dalka, isagoo beelaha dirirtu dhex martayna ugu baaqay in aanay daminta coladdan iyo wada hadaladda aanay ku xidhin wax shuruud ah .

Gudoomiyaha ayaa geesta kale hoyga ay Ceel afwayn ka degen-yihiin Culimada waawayn ee ka qeyb qaadanaysa Nabadeenta ku booqday, waxaanu alle uga baryay in uu alle ku guuleeyo hawlaha nabadeenta ee ay ceel afwayn u yimaadeen Culimadaasi  .

Ugu dambayn Waxaa uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Galabta ka qeyb galay kulankii kowaad ee ay isugu yimaadaan, ergada isaga kala timid Gobolada Somaliland ee isugu jirta Culimada iyo Madax dhaqameedka iyo Guddida Nabadeenta Ceel-afwayn .

 

 

 

SHARE
Article horeAKHRI: Afar Qodob Oo Lagu Adkaynayo Nabad-gelyada Looguna Gogol Xaadhayo Shirka Nabadaynta Deegaanka Ceel-afweyn
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here