Erdogan Oo Ku Hanjabay In Turkiga Uu Joojin Doono Isticmaalka Doolarka

0
1

Ankara (Hubaal) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xadhiga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xidhiidha argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in aanu ku ganacsan wax doolar ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xidhan, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xidhiidhkoodu aanu u xumaan sababo la xidhiidha xadhigga baadarigaasi.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.

Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.

SHARE
Article horeGodey: Shacabka Aan Soomaalida Ahayn Oo Hantidii Laga Dhacay Loo Celiyey
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here