Ergadii Hargeysa Ka Ambobaxday Oo Gaadhay Ceel-Afweyn

0
1

Magaalada Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag Halkaasi Oo Ay Ka Furmi Doonaan Shir-weynaha Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Degaanka Ceel Afweyn Ee Gobolka Sanaag.

 

Ceel-afweyn-(Hubaal)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  gaadhay magaalada ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,halkaas oo ay laba beelood ku dhexmaraysay muddooyinkii u danbeeyey colaadaad gaamurtay oo deegaankaasi ka taagnayd.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin tiro badan ayaa madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay magaalada ceel-afweyn.

Madaxweyneku-xigeenka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madax dhaqameedkii ka kala yimi guud ahaan gobolada Somaliland ee nabadgelyada u joogay Ceel-afweyn hadalo kooban oo uu madax-dhaqameedka u jeediyay madaxweyne ku-xigeenku ayuu ku yidhi “Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabadgelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan, waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnaynayn, hadana waa nasiib daro dagaalka dhex marayaa, hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican”

Sidoo kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Soomaalidu degto oo magaalada ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabadgelyo ee ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka waddo deegaanadaas, culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaasi.

SHARE
Article horeReysal-wasaaraha Itoobiya Oo Ka Degay Caasimada Eritrea Ee Asmara
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here