Eritrea Oo Ciidammadeeda “Kala Baxday” Xadka

0
1

Asmara (Hubaal) Dawladda Eritrea ayaa ciidammadeeda kala baxday xadka ay la leedahay Eritrea, iyada oo muujinaysa taageerada ay u hayso dib u heshiisiinta, sida ay Facebook ku baahisay warbaahinta Eritrea Press oo dawladda la jeel ah. Haddii ay run noqoto ciidammada lala baxay, waxay noqon doontaa hormar wayn oo laga sameeyay hannaanka nabadda ee labadaas dal u saamaxay in ay soo afjaraan colaaddii dhex taalay labaatanka sano. Dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux ayaa ku dhintay dagaalkii labadaas dal dhexmay 1998 ilaa 2000, kaas oo salka ku hayay cidda gacanta ku haynaysa Badhume. Guddi xadayn oo taageero ka haystay Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay 2002 in Itoobiya ay Eritrea ku wareejiso Badhume.

Itoobiya ayaa arrintaas diiday intaas wixii ka dambeeyayna labada dal waxay galeen xaalad aanay dagaalna ka dhex jirin, nabadina dhex oolin. Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ballan qaaday in uu ku wareejin doono deegaankaas, balse ma cadda goorta ay arrintaasi dhici doonto iyo goorta ay dib u bixi doonaan ciidammada Itoobiya ee xadka ku dhereran.

SHARE
Article horePutin Oo Weeraray Dadka Dhaleeceynaya Kulankii Uu Trump La Yeeshay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here