Ethiopia: Sarkaalkii Hogaaminayay Af-Gambiga Bahirdar Oo La Dilay

0
1

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Sarkaalkii lagu eedeeyay inuu Hogaaminayay Afgambigii Gobolka Amxaarada uu dhintay toogasho lagu  dilay.

Brig-Gen Asaminew Tsige, oo dhuumasho ku jiray 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayaa ciidamada Ethiopia ay  toogasho ku  dileen duleedka Bahardar. Xoghayaha saxaafadda ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Negussu Tilahun, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka sarkaalkaasi baxsadka ku maqnaa.

“Asaminew Tsige – oo dhuumasho ku jiray intii af-gambigu fashilmay kadib toogasho ayaa lagu dilay” ayuu yidhi talaahum, manuu bixin faah faahin intaasi ka baxsan.

Asaminew Tsige, Afgambiga ka hor wuxuu ahaa hogaankii nabadgalyada ee deegaanka Amxaarada.

Asaminew Tsige, ayaa ka mid ahaa saraakiil uu sanadkii hore xabsiga kasii daayay Ra’iisal wasaare abiy Ahmed.

SHARE
Article horeSomaliland oo Mastaafurisey Nin Berbera Ku Fidinayey Diinta Kiristaanka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here