Ex-wasiir CADDAANI Oo Cirro Iyo Cali Waran-cadde Ka Difaacay Dhaliilo Loogu Jeediyey Ajendaha Shirka Gacan Libaax & Dhadhanka Talo Uu Sheegay Inay Xoojinayso Midnimada Garxajis Oo Uu Soo Jeediyey

0
1

Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (CADAANI) Oo Shaaciyey Han Hoggaamiyenimo Oo Uu Ku Hamiyeyo Mustaqbalka Dhow

 

“Anigu Ninkan Shakhsiyadiisa Iyo Dadnimada Uu Leeyahayba Waan Aqaanaa, Waa Nin Mooday Inuu Cayda Haldoorka Uu Cabdiraxmaan Cirro Ama Cali Warancade Ka Mid Yahay Ku Shaqaysan”

=========

“Waxaan Leeyahay Han Siyaasadeed, waxaanan qabaa inaan qaranka wax badan ku kordhin karo waayo waxaan ka mid ahay Ragga KULMIYE abaalka badan ku leh, cid iga xigtaana ma jirto’e Keliya waxaan ka warsugayaa Madaxweynaha”

 

 

 

 

Hargeysa(Hubaal) -Wasiirkii hore ee warfaafinta somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani” ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo shirka beeshiisa uga socda deegaanka Gacan Libaax. Ex Wasiir Cadaani oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay qoddob uu sheegay inuu jecel yahay in laga soo saaro shirkaasi, kaas oo uu tilmaamay inuu dan u yahay beeshiisa.

 

Ugu horayn Ex Wasiir Cadaani oo ka hadlaya shirka Gacan Libaax ayaa waxa uu yidhi “Shirka wali maan tagin laakiin waxa ka socda oo dhan waan ka war hayaa, shirkana waxa loo xulay ergooyin madax dhaqameedka ah, markaa anigu waxaan door biday mar haddii ergooyin la magacaabay oo ay  arrin reerka u taala tahay oo madax dhaqameedka iyo haldoorku shirayaan maaha qasab in qof waliba tago, laakiin waxa ka socda oo dhan waanu ka war haynaa, si fiicana shirku wuu u socdaa.” Sidaas ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), waxaanu intaa ku daray oouu soo bandhigaya qoddob uu jecel yahay in laga soo saaro shirkaasi iyo waxyaabaha laga filayo “Umadda Somaliland oo dhan waxay shirka ka filaysaa inuu ka soo baxo wax qarankan faa’iido u leh, waxa kale oo aan anigu jecelahay oo in laga soo saaro ay tahay in reerka loo sameeyo guddi rasmi ah oo salaadiinta guud iyo wixii cuqaal lagu darayo iyo wixii haldoorka reerka lagu darayo oo aanay noqon maalin walba in nin kastaa waxa uu doono ku dhawaaqo, oo  haddii shir la qabanayo iyo haddii kalaba ay noqoto wax guddidaas ka soo baxa oo uu reerku yeesho meel wax laga sameeyo oo adag oo raga  iyo hablaha ay wax moodayaan loo dooro kuwaas oo reerka taladiisa iyo jihayntiisa ka qayb qaata.”

 

Sidoo kale Ex Wasiir Caddaani waxa uu sheegay in shirka looga baahan yahay inuu wax ka qabto rag uu ku eedeeyey inay ku shaqaysanayaan magaca reerka waxaanu yidhi “Raggan ku shaqaysanaya magaca reernimada iyaga oo cadow u ah Somaliland oo ay ka mid yihiin rag soomaaliya wareegaya oo uu ka mid yahay Martin Maxamed kaas oo wareegaya Puntland iyo meelo kale waa in  laga qabto oo aanay noqon wax reerku qaato isaga oo magacii reerka ku gabanaya kana soo horjeeda qaranimadda Somaliland.” “Anigu waan aqaanaa Martin, shakhsiyadiisa ayaan aqaanaa, dadnimada uu leeyahay ayaan aqaanaa, waa nin maanta wax mooday inuu ku shaqaysan karo duminta qaranimada Somaliland iyo cayda haldoorka Somaliland ee uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cirro ama Cali Warancade oo uu caayey kuwaas oo aanu midkoodna cididooda gaadhayn.”

 

 

Dhinaca kale Wasiirkii Hore ee Warfaafintu Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) waxaa  uu markii ugu horreysay ku dhawaaqay in uu leeyahay Han siyaasaddeed isla markaana ay u qorsheysan tahay in uu isu taago hoggaaminta xisbiga KULMIYE,  hasayeeshee waxa uu shuruud ku xidhay hankiisaasi siyaasadeed, waxaana uu yidhi  “Waxaan Leeyahay Han Siyaasadeed, waxaanan qabaa in aan qaranka wax badan ku kordhin karo, Maantana Guddoomiyaha Xisbigu Waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wakhtigeeda marka ay gaadho ayaan arrintaasi ka hadli doonaa. Arrintaasna marka uu madaxweynuhu yidhaahdo [tartama] waan gudbinayaa,  waayo waxa aan ka mid ahay Ragga xisbiga Kulmiye abaalka badan ku leh, saaxiibo badana ku leh,  Kulmiyena ma jirto cid xigta in aan guddoomiye ka noqdo, keliya  waxaan ka war sugayaa Madaxweynaha marka wakhtigeeda la gaadho” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid.

SHARE
Article horeTirakoobka Shaqaalaha Dawladda oo ku soo Dhammaaday Xog waafi ah iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo soo Xidhay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here