EX-Wasiir Garas Iyo Masuuliyiinta kale Oo reer Somaliland ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cali-hayste

0
1

EX-Wasiir Garas Iyo Masuuliyiinta kale Oo reer Somaliland ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cali-hayste

Wasiiru dawlihii hore ee wasaaradda macdanta Md. Yuusuf Cismaan Garas, Xildhibaan Omar Ali Obsiiye OO ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda maalliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye, Mohamed Hilow Isaaq Lataliyaha wasaarada waxbarashada. Dhammaan masuuliyiintaasi waxay tacsi u dirayaan waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Saleebaan Cabdi (Cali Hayste) oo ku geeriyooday maanta magaalada Hargeysa, laguna aasi doono berri 22-05-2018-Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

masuuliyiintani waxay si gaara uga tacsiyadaynayaan geeridaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo uu aabihii ahaa marxuumku iyo dhammaan reer Cali hayste.

marxuumka ayaa ay ku sifeeyeen oday guurti ah oo magac ku leh bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada degan.
waxaanay Alle uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

SHARE
Article horeTirada Dadka ku dhintay Roobabka Somaliland ka Da’ay oo Korodhay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here