Faaruqiinta Faysbuugga Iyo Fidinta Xumaanta W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

0
1

Sandadan dambe waxaa soo kordhay aalad casri ah oo bulshda u sahlaysa in ay wada xidhiidhaan si dhib yar meelkasta oo ay dunid ka joogaan aaladan oo ah shabakadda faysbuugga loo yaqaan (facebook)  ayaa waxa qabatimay  soomaali badan kuwaas oo hadh iyo habeenba ku foogan isticmaalkiisa oo ay qarkood ku dhiig beeleen kadib markii ay mudo badan kusoo jeedeen isticmalkiisa ,

Hadaba shabakadda faaysbuug oo faaiido iyo khasaaraba leh taas oo ku xidhan hadba dhankii loo adeegsado ayaa waxa jira soomaali badan oo si faaruqnimo ah  u adeegsada kuwaas oo qaababkan kala duwan u isticmaala.

Qayb ka dhex caytanta

Waxa jira kuwo inta ay si toos ah u soo galaan ka caytama oo caaya hadba cidii qancin wayda sida madaxda, qabiilo, dawlado, siyaasi, cuqaal, iyo hadba cida ay sanifaan kuwaas oo ku caaya hadba wixii afkooda ku soo dhaca iyagoon u aabo yeelayn.

Qayb anshaxa ku tumata

Waxa kale oo jira kooxo iygauna anshaxa ku tunta oo waxay doonaan ku sheekeeya mar marka qaarna soo dhiga sawro dad caan ah oo lagu dhajiyey dad qaawan mar marka qaarna ku baahiya sawirada  lamaane aan is qabin oo ay sheegaan in ay isguursan doonaan mustaqbalka dhaw.

Qayb waxay doonaan sheegta

Waxa kale oo jira kuwo iyaguna  waxay doonaan sheegta iyagoon aqoon u lahayn  sida dhakhtar, siyaasi, qoraa, suxufi, fanaan, aqoonyahan, injineer,  abwaan, iwm

Qayb ka dhex ooyda!

Waxa kale oo  jira kooxo aad moodo inay xaga maskaxda yihiin oo ka dhex ooya Mararka qaarna ku tartama oohinta

Qayb xumaanta ku fidisa

Waxa jira qaar iyaguna ku fidiya dhammaan wax kasta oo xumaan ah sida anshax xumada jinsiga, cayda, qabyaalada, isku dirka dadka, beenta, buunbuuninta wax aan jirain, marmarka qaarna ku baahiya muuqaalo  dad saxaradooda cunaya !

Waxa cajiib ah xiligani faysbuugga in uu kajiro wax  loogu yeedho iskooxaysi kaas oo halis badan marka aad eegto dhaanka soomaalida u deegsanayso oo hadii ay mawduuc yar  ay baahiiyan dhamman soomaalida kale  uu gilglayo wax kasta oo ay soo bandhigaana ay soomaalida kale  run ay u qaadanasyo xataa heer ay la gaadhay inay falaasadaha shaaha ama darmuusyada jajabiyaan Soomaali badani oo war been ah  loo sheegay.

Iskuwada dar oo waxaan kula talin lahaa bulshada in  dhanka wanaagsan loo adeegsado aaladan iwm ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Fb: cabdiraxmaan rashiid dalmar

SHARE
Article horeMa Xeerkii Kufsigaa Abuuray Khilaafka Kulmiye
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here