Faddeexad Usoo Hoyatay wasaarada Caafimaadka Iyo Bahda HUBAAL Oo Helay Nuqul kamid ah Magacyada shaqaalaha ku liistaysan mushaharka UNICEF Ee Uu wasiirku Ku taxay dad Gaar ah

0
33

Hargeysa (Hubaal) -Waxa maalman-ba muran iyo buuq hadheeyay habsami u socodkii hawlaha wasaarada uu ka taagnaa Lacagtii Gunnada ahayd ee ay Hay’adda UNICEF siin-jirtay Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, taasoo ay sheegeen shaqaalaha wasaaradaasi in Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi ay u qorsheeyeen Shaqsiyaad aan ka tirsanayn wasaaradda Caafimaadka.

Musuq-maasuqan faraha goostay ee wasiirka iyo agaasimaha wasaarada caafimaadku ay kula kaceen lacagaha gunada ah ee hay’adda UNICEF bixiso ayaan ku eekayn shaqaalahan dhawaan ka gadooday ee qaarna ay u xidhan yihiin,balse waxa jirta shaqaale badan oo ka hawlgala gobolada dalka oo sidan iyo si kasii daranba ugu dulman wasaarada caafimaadka,waxaana jiray shaqaalaha gobolada qaar oo sheegay inaanay mushahar arag muddo bilo ah islamarkaana kujira shaqaalaha baaxada leh ee wasaarada caafimaadka uga hawlgala gobolada dalka ee gunnada iyo mushaharkaba hore u qaadan jiray.

Lacagta ay hay’adda UNICEF u soo shubtay wasaarada caafimaadka ayaa dhan $344,331 oo ah lacagahii ay hay’adda UNICEF ku bixinaysay istaraatijiyada horumarinta caafimaadka ee sanadkii 2012 ilaa 2016 loogu talagalay oo ay wasaaradu ku leedahay bishii Julay ee sanadkii 2013-ka ilaa bishan imika oo lacagaheedii ay hay’addu soo shubtay

Arrintan ayaa meel khatar ah maraysa iyada oo wasiirkii iyo agaasimihii wasaaradaasi aanay kasoo agwareegin xarunta wasaarada oo beryahan-ba ay shaqaalahan lacagahu ka maqan yihiini hor tubnaayeen.

Madaxtooyada ayaan iyana warba ubahayn waxa ka dhacaya wasaardan,waxaana aamusan madaxweyne Siilaanyo iyo hay’addihii la odhan jiray waxay la dagaalamaan musuqa oo ilaa hadda aan ka hadal musuq-maasuqan dul hooganaya wasaarada caafimaadka ee uu wasiir Xaglo toosiye iyo agaasimihiisu ku kaceen,waxaana jirta in mudooyinkii u dambeeyayba ay shaqaalahan cabanayaa kusoo noqonoqonayeen wasaarada oo ay ilaa imika hortaagan yihiin,sida la sheegayana ay shaqaalahani maalinta Berri ah ay ku balan yihiin wasaarada,hadii ay sidaa kusii socotana ay sababi doonto gadood dhibaato keena oo ay sameeyaan shaqaalahan xaqoodii la dafiray oo dabcan la odhan karo inay masuuliyadeeda dusha u ridan doonto xukuumada madaxweyne Siilaanyo

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa nuqulo cadaynaya liiska shaqaalaha asal ahaan gunnooyinka ku qaata hay’adda UNICEF ee ay wasaaradu kusoo saartay iyo codsiga ku lifaaqan ee ay u qortay islamarkaana ay ku cadaynayso ujeedada iyo xadidka lacageed ee ay hay’adda UNICEF kaga codsanayso inay usoo shubto ee halkan hoose ka daallaco

0001 0002 0003 0004 0005

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here