Fadeexad Ka Dhalatay Lacag Loo Qoondeeyey In ay Ku Arrad-baxaan Bileyska Kenya oo Kabo la’aani soo Foodsaartay

0
120

Waxa Qorsuhu Ahaa In Ciidanka Bileyska Loosoo Iibiyo 26,500 oo kabo, balse waxa La Ogaaday In hay’addii u xilsaarnayd ay soo gadatay keliya 78,000 kabood

Nairobi (Hubaal)- Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa lumisay lacag ka badan 1.7 milyan oo dollar, ka dib musuq maasuq ka dhashay kabo loo iibinayay booliska dalkaasi, sida lagu ogaaday baadhitaan rasmi ah oo la sameeyay. Warbixin uu soo saaray hanta-dhowrka guud ee Kenya, Edward Ouko, ayaa lagu sheegay in qaar badan oo ka mid ah booliska Kenya ay ka arradan yihiin dhinaca kabaha iyaga oo xidhan   kabo dhammaad ah, halka qaar kalena ay iskood usoo iibsadaan kabaha, arrintaasi oo khilaafsan sharciga booliska. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in si weyn sare loogu qaaday qiimaha ay wasaaraddaasi kusoo iibsatay kabaha, ayadoona rasiidhada lacagtaasi lagu bixiyaya ay u badannaayeen kuwo been abuur ah. Diiwaanka wasaaradda ayaa laga ogaaday in qorshuhu ahaa inay soo iibsato 26,500 oo kabo, balse ay soo gadatay 78,000 kabo. Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sheegay in kabaha dheeraadka ah ay ugu talagaleen booliska cusub ee aan tababarka dhamaysan. Kenya ayaa sanadkan waxaa ka dhacay fadeexado  waaweyn oo musuq maasuq ah, sida uu wargeyska HUBAAL kasooxigtay warbixin lagu daabacay bogga ay BBC-du ku leedahay internetka oo soo bandhigtay fadeexadan, illaa haddana ma jiraan mas’uuliyiin sarsare oo loo maxkamadeeyay arrintan ayaa warbixintu tidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here