HUBAALMEDIA.COM
Fadeexad: Mudane Guurtida ah Oo Bayaamiyey Xidhiidh Laf-jab Ku Ah Shuruucda Dalka Oo Wakiillada Iyo Xukuumadda Dhexmaray Iyo Xeerar La Kootarbaaniyey
April 10, 2017 - Written by Mustafe Faro

Gudaha Ka Akhri Tirada Iyo Magacyada Xeerar La Baalmariyey Guurtida Oo Xukuumadda iyo Wakiillada Oo Kaliya Lagu Koobay Ou Xildhibaanku Sharci-darro Ku Tilmaamay

“Xeerarka hore ee ina dhaaafay bulshada laguma dhaqi karo, sababtoo ah aqal dhan oo Baarlamaankii ah  baa laga boodsiiyey oo  ah golihii eegi lahaa ee ansixin lahaa…”Xildh. Sahal Iidle.

xildhibaan sahal

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo katirsan mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa daaha ka fayday dariiqyo qaldan oo lafjab ku ah distoorka dalka, kaas oo ay golaha wakiillada iyo xukuumaddu ku duudsiyeen doorkii guurtidu ku lahayd ansixinta xeerarka kasoo baxa xukuumadda talada haysa, waxana uu tiriyey tiro xeerar ah oo ay xukuumadda iyo wakiilladu iska kaashadeen sidii aan golaha guurtida loo marin lahayn, isla markaana sidaas ku dhaqan galay.

Xildhibaan Sahal oo shalay fadhigii golaha guurtida ka hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay tallaabadaas lagu duudsiyayo doorka guurtida ee la xidhiidha ansixinta iyo ka doodidda xeerarka xukuumadda ka yimaadda ee soo mara wakiillada, waxana uu ku baaqay in la joojiyo xeerarka la fool eryayo ee guurtida dhinaca laga dhaafinayo.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo arrintan ka hadlay, ayaa ugu horrayn xaqiijiyey jiritaanka xeerarka aanay guurtidu arkin ee xukuumadda iyo wakiillada oo kaliya lagu koobay, waxana uu yidhi, “Xeerar baa jira la kootarabaaniyey oo golaha wakiillada intay soo mareen aan golaha guurtida lasoo marin, waxana aan qabaa inay xeerarkaasi si aan sharciga waafaqsanayn inagu dhaafeen.”

Isaga oo si gaar ah u magaca dhabay xeer ay dhawaan wasaaradda macdantu u gudbisay wakiillada oo isaga laftiisa la doonayo in guurtida lala dhinac maro, waxana uu caddeeyey inaanay xeerarkaasi ahayn qaar dhaqangal noqon kara, “Xeerarka ilaa imika ina dhaafay waxa kamid ah afar xeer ooh ore la inoo dhaafiyey iyo mid imika socda oo isagu jira xeerkii shidaalka, kii macdanta iyo kii maaliyadda shidaalka kasoo baxda lagu maamuli lahaa, nabadgelyo darro ayaana ka iman karta, lamana odhan karo wax la odhan karo golaha wakiilladaa iska leh, dabadeedna aqal dhan oo guurti ah inta la dhaafiyo la iskama gudbin karo oo ma dhaqan geli karo,” ayuu yidhi xildhibaan Sahal Iidle Dirir.

Xildhbaan Sahal waxa uu sheegay inaan xeerarkaas bulshada lagu dhiqi Karin, maadaama golihii xaqa u lahaa oo guurtida ah si badheedh dacal looga dhaafiyey, waxana uuu yidhi, “Xeerarka hore ee ina dhaaafay bulshada laguma dhaqi karo, sababtoo ah aqal dhan oo Baarlamaankii ah  baa laga boodsiiyey oo  ah golihii eegi lahaa ee ansixin lahaa xeer boqolaal sanadood oo soo socda umadda lagu dhiqi lahaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu mid mid u magacaabay ugu yaraan afar xeer oo lagu ekeeyey gacmaha xukuumadda iyo wakiillada, isla markaana aan guurtida lasoo marinin, kuwaas oo haatan dhaqangal ah, “Xeerarka la ina faadhiyey ee aan ina soo marin waxa kamid ah Xeerka maamulka maaliyadda qaranka xeer/ no:75/2016, xeerka hanti-dhawarka qaranka Xeer/no:76/2016, xeerka Baanka Islaamka Xeer/no:55/2012, Xeerka maamuuska madaxweyne-ku-xigeenka iyo mudaneyaasha Baarlamaanka iyo kan macdanta ee imika golaha wakiillada yaalla,” ayuu yidhi xildhibaan Sahal.

Xildhibaan Sahal Iidle waxa uu dalbaday in dhammaanba xeerarkaasi dib loogu soo celiyo golaha guurtida, isaga oo xusay in kuwa kale ee soo socdana aanay sharci noqon Karin ilaa inta la hor keenayo guurtida xaqa u leh, waxana uu maxkamadda sare ee Distooriga ah ka codsaday inay arrimaha noocan oo kale fasiraad ka bixiso, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dhammaan xeerarkaasi waa inay soo maraan golaha guurtida, waana xeerar uu distoorku guurtida siiyey, haddii la leeyahay maaliyad bay dhinac ka galaanna waa inay maxkamadda sare ee distooriga ahi caddaysaa, weliba xeerarka macdanta ku saabsani waa xaasaasi waana waxyaabaha muranka iyo is qabqabsiga keena.”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews