HUBAALMEDIA.COM
“Fadhigii Labada Gole Heshiis Lama Keenine Meeshu Saylad Bay Ahayd Wax Lagu Kala Iibsaday, Heshiis Saldhig Oo Hirgelayaana Ma Jiro…..”
February 20, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Saldhigga Axmed Siilaanyo-na uma suuq doonin, Saleebaan-na uma suuq doonine wixii Axmed Siilaanyo lasoo dhex mariyey khasab bay ku noqotay in Saleebaan-na lasoo dhex mariyo…..”Siciid Sulub

 

Siciid Sulub Oo  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyey Hoggaan  Jilicsan, Wax Ka sheegga Saleebaan-ka Ka Habraday

sulub.jpg

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland haatanna kamid ah saraakiisha sare ee xisbiga WADDANI  Md, Siciid Sulub Maxamed, ayaa  ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxana uu cambaareeyey hannaankii ay labada gole xukuumadda ugu oggolaadeen inay dawladda Imaaraadka Carabtu saldhig militeri ka samaysato magaalada Berbera.

Siciid Sulub oo u warramay shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa sidoo kale is-barbar dhig ku sameeyey xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale ee uu wasiirka ka ahaan jirey iyo xukuumadda waqtigan ee madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inay xagga hoggaaminta ku kala duwan yihiin.

Waxa uu sheegay in xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale wixii ay xumayso lagu eedayn jirey madaxweynaha, balse xukuumadda xilligan cid kale oo aan madaxweynaha ahayn la eedeeyo, amaba la amaanno,“Madaxweynaheena maanta cidi ma eedayso oo saldhig lagu eedayn maayo, dekedna lagu eedayn maayo oo Maxamuud Xaashi baa la haystaa, shalayna Xirsi baa la haystay oo wuu ka tegay, wasiirkii maaliyaddaa la haystaa oo wakiilladeenii dibadda ayaa la haystaa oo la leeyahay wax bay bi’iyeen”ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.

Siciid Sulub  isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Dalkan madaxweynaa loo doortay oo waa madaxweyne Siilaanyo haddii ay eedi timaadona isagaa leh, haddii wanaag iyo waxqabad yimaaddana isagaa leh waadse aragtayoo dadku afkay ka dhawrayaan oo mar qudha odhan maayaan madaxweynihii waxaas buu qarribay ama uu hagaajiyey, haddii waddo la ammaanayona  wasiir baa lagu ammaanayaa, haddii cid la haystona wasiir baa lagu haystaa xukuumadda jirta ammaantii iyo eeddiiba dad kale ayaa yeeshay, laakiin wakhtigii Daahir Rayaale ciddii la eryayey ee dhengedda lala horjoogay waxa ay ahayd madaxweynihii markaa shaqaynayey.”

Dhinaca kalena waxa uu naqdiyey hannaankii ay labada gole dhawaan xukuumadda ugu oggolaadeen inay Imaaraadka heshiis kula gasho, waxana uu ku tilmaamay kulan wax lagu kala iibsaday oo saylad ahaa, “Fadhigii labada gole heshiis lama keenine meeshu saylad bay ahayd wax lagu kala iibsaday, gacantana sidaas baa lagu taagay oo ilmaha carruurta ah baa og, heshiis saldhig oo hirgelayaana ma jiro, waxanina haddii ay heshiis noqoto cidda xaqa u lahayd waxa ay ahayd golaha wakiillada, waxana muuqatay in golaha wakiillada iyo shirguddoonkooda lagala cararayey, Imaaraadkuna caloosheena yaanay la hadline caqligeena halla hadleen”ayuu yidhi Siciid Sulub.

Siciid Sulub waxa uu sheegay inuu lug ku lahaa xilka guddoomiyenimo ee uu Saleebaan Maxamuud Aadan ka hayo golaha Guurtida, isaga oo xusay in heshiiskaas isaga iyo madaxweynahaba la dhex mariyey oo aanu midkoodna u suuq doonin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Raggii guddoomiye Saleebaan golaha geeyey kamid baan ahaa, had iyo goorna ragga eediisa lagu soo daro ayaan ahay, laakiin waxan ogahay inuu madaxweynaha u tegay oo uu yidhi saldhigan dalka dani ugu  jirtee inaga daa oo ergo loogu yimi oo uu diiday, markii taas lagu diidayna  Axmed Siilaanyo-na uma suuq doonin saldhigga Saleebaan-na uma suuq doonine wixii Axmed Siilaanyo lasoo dhex mariyey khasab bay ku noqotay in Saleebaan-na lasoo dhex mariyo.”

Isaga oo sharraxaya awoodda uu Saleebaan u lahaa inuu rabitaankii mudaneyaasha is hortaago iyo sida ay ula muuqatay qaabkii uu fadhigaas u maamulay, ayaa waxa uu yidhi, “Saleebaan waxba muu qaban karaynin, laakiin waxa ku dheeraad ahayd cunfigii, waji-xumadii iyo hadal adaygii uu isticmaaleyey oo dhaqankii iyo asluubtii madaxeed uun baa ka maqnayd, aniguna sida ragga qaar u caayayaan u caayi maayo”ayuu Siciid Sulub Maxamed.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews