Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiillada Oo Waajibkooda Ka Gutay Mudane Sharci-dejintii Uga Digo-rogtay Waaxda Fulinta

0
94

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Oo Hal Dabo La’ Ku Aqbalay Istiqaalladda Uu Xildhibaankan Oo Waayo Arag Ahaa Uu U Soo Gudbiyey Shirguddoonka

 

Hargaysa(Hubaal)- Fadhigii shalay ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada baashe Maxamed Faarax ayaa cod loogu qaaday is casilaad uu soo gudbiyay xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Dhawaan Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi U Magacaabay Wasiirka Horumarinta Biyaha somaliland. Fadhigan oo ay ka soo xaadireen Shan Iyo Afartan xildhibaan Ayaa Cod Aq-labiyadleh is casilaadii kaga aq Baleen xildhibaan Saleebaan Cali Koore. Guddoomiyaha golaha wakiiladda baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay gacantaagii ay sameyeen mudanayaasha golaha wakiiladu natiijadda ka soo baxday waxaana uu yidhi. “fadhiga golaha wakiiladda waxa fadhiya shan iyo afartan mudane waxa ogolaaday istiqaaladda uu dalbaday xildhibaan saleebaan cali koore laba iyo afartan mudane waxa ka aamusay laba mudane guddoomiyahuna muucodayn sidaas ayuu golaha wakiiladda kaga baxay xildhibaan saleebaan cali koore…sidaas ayaa uu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here