Falan-Qeynta Khudbadda Iyo Fajaca Bulshada- Warbixin: Wariye, Siciid Khadar

0
18

Madaxwaynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo Maalintii Maanta Khudbadii Sannadka 2015 ayuu ka hor jeediyey Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) waxay ahayd Khudbadii Dastuuriga ahayd oo Distuurku u jideeyey. Waxay ahayd mid si wayn loo sugayay inkasta oo ay waqtigeedii ka dib dhacday, ahaydna inuu jeediyo Sabtidii Todobaadkii hore. Waxay ahayd Khudbad dheer oo ka kooban Sideed Bogg una badan balan qaadyo kala duwan.

KHUDBADA MADAXWEYNE SIILAANYO EE GOLAHA BARLAMANKAWaa run, Madaxwaynuhu wuxu goobta ka sheegay waxyaabo badan oo ay Xukuumadiisu qabatay, waxa ka mid ahaa Dhismayaasha cusub ee Wasaaradaha, Waddooyinka cusub ee la sammeeyey iyo Safaradii uu ku gaalaa bixiyey Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Balse, waxqabadyada uu Madaxwaynuhu ku faanayaa waa Safar, Dhismeyaal iyo Waddooyin. Waa waqti ay Iskuuladii Dawladu Haawanayaan, Dekedii Berbera laga guuray oo ay ku dhaw dahay in Albaabada loo xidho, Siyaasadii Arimaha Dibadu ay isa soo xidhay oo Wasiirkii Arimaha Dibadu Xafiis ka dhex furtay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa, Shaqada ugu wayn ee uu hayaana noqotay ka war bixinta Wafdiyada Madaxwaynaha Xafiiskiisa soo booqda. Madaxwaynuhu wuxu ku faanay waxqabad, Xilli Xukuumadiisu tahli wayday, Dhammaystirka Diiwaan-gelinta Madaniga ah, meel kastana ay ka soo yeedhayso Dadkii la Diiwaan-geliyey oo aan kaadhadh haysan, meel ay ugu hagaagaana garanaynin.

Madaxwaynuhu waxyaabihii uu ka hadlay, waxa ka mid ahaa Aqoonta oo aynu ka war hayno siday Dugsiyadii Dawladu u baaba’een. Waxbarashada Somaliland waxay Maanta taagan tahay halkii ugu hoosaysay, Dugsiyadii Dawladuna ay Dhammaantood haawanayaan. Waxay taasi timid markii Xukuumada Siilaanyo ay bilaash ka dhigtay Waxbarashada Dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe,hasa yeeshee aanay la socon Qorshe muuqda oo lagu tayaynayo Waxbarashada isla markaana si joogto ah kor loogu qaadayo Dhaqaalaha Macalmiinta. Bilaashkii aan la mahadin ee Iskuuladu wuxu meesha ka saaray tayadii waxbarashada oo Macalimiintu markii ay lacagta qaadan jireen, waxay la xisaabtami jireen Ardayda arintaasi oo imika meesha ka baxday. Macalimiinta Aqoonta lahaana u wareegeen Dugsiyada gaarka ah oo Lacagtoodu qaali tahay, sidaana ay ku istaagtay Aqoontii ay baran lahaayeen Dadka Masaakiinta ah oo Bulshadu u badan tahay.

Khudbadii Madaxwaynuhu waxay ku soo beegmaysaa waqti Dekedii Berberi ay ku dhaw dahay in Albaabada loo xidho ka dib markii ay ka guureen, Ganacsatadii Allaabooyinka kala soo degi jiray ay Ganacsigoodii u wareejiyeen Dekedaha kale ee Boosaaso, Jabuuti iyo Muqdisho. Waa markii ay xamili waayeen Cashuurtii Xad dhaafka ahayd ee Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mr.Samaale uu ku soo rogay Allaabooyinka Dekeda ka soo degaya. Waxana ugu dambaysay tii Maalinta dhawayd kaga qaylisiisay Ganacsatada Gawaadhida Dekeda kala soo dega oo Baabuurkiiba lagu xukumay Boqol Doolar inuu bixiyo. Madaxwayne Siilaanyo, waxa Khudbadiisa ku jirtay in Xukuumadiisu ku hawlan tahay sidii ay Dekeda Berbera ugu raadin lahayd Maalgeshi Caalami ah, Maalgeshiga waxa ka horeeya in meesha laga saaro Sababta keentay inay Ganacsatadii Allaabta kala soo degayay ay ka guuraan. Hadii Dekedu haawanayso, Maalgeshi shisheeye Muxuu qabanayaa? Waa iga su’aal, balse, jawaabteeda, Dadwaynahaan u dhaafi doonaa?

Madaxwaynaha Khudbadiisa waxa kale oo ku jiray, Wada-hadalada ma dhalayska ah ee labada Wadan (Somaliland iyo Soomaaliya) waxay soo socdeen Seddex Sanno, waxaan filayaa in labada dhinac ay yeesheen ilaa Siddeed Sagaal kulan. Midna waxba kama soo bixin, dhamaantood, waxay ahaayeen, waa la kulmay, waxana lagu heshiiyey in mar kale la kulmo. Qodobadii ka soo baxayna midkoodna ma tis qaadin oo waxba kama soo bixin ama kama dhaqan gelin. Aynu qayb ka soo qaadano Khudbada Madaxwaynaha ee uu Wadahadalada kaga hadlayay, wuxu yidhi “ Arrimihii ugu muhiimsanaa ee kulamadaa lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in lays ixtiraamo, in aan la carqaladayn mashaariicda horumarineed iyo Maalgashiga ka socda labada dal, iyo in la abuuro Guddi Madax-bannaan, fadhigeedu yahay Hargeysa oo si wada jira u maamusha, ugana hagta Mashruuca Hawada Somaliland iyo Somalia ee ay wakhtigan Qaramada Midoobay gacanta ku hayso. Wixii dhaqaale kasoo baxana, loo qaybsado si siman oo xaq ah.” qodobadaasi dhammaantood, waxay ahaayeen kaliya wixii shirka lagaga hadlay, wax ka fulayna ma jiraan. Horta aynu is waydiinee, Xukuumada Soomaaliya, maxay tahay Ixtiraamka aynu uga baahanay? Waxa kaliya oo aynu uga baahanahay waxa weeyi, ictiraaf, taana lagama wada hadlinba.

Madaxwaynuhu wuxu ku faanay in Xukuumadiisu ay xoogga saartay dhismaha waddooyinka gudaha magaalooyinka iyo kuwa isku xidha Gobollada Dalka, waa waqti Dhallinyaradii Reer Somaliland ay ku madheen Badaha Waawayn ee Adduunka isla markaana ay Tahriib Miciinsadeen markii ay waayeen Qorshe lagu meeleeyo Malaayiinka Ardayda ah ee Sannad walba ka qalin jabiya Jaamacadaha, Macaahiida iyo Dugsiyada sare ee Dalka. Su’aashuna tahay kee Mudan in Xooga la saaro: Dhisme Darbi, Dhisme Waddo iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada Somaliland.

Geesta kale, waxa la diiday inay Mudanayaasha labada Gole ay Madaxwaynaha Su’aalo waydiiyaan. Dhacdadii cajiibka ahaydse, waxay ahayd Shaqaalihii Madaxtooyada oo Xirsi ka maqan yahay ayaa Madaxwaynaha soo daba fadhiistay Sacabkana u tumayay. Arintaasi oo ahayd tii uu ku Caayi jiray Madaxwaynihii Xukunka uga horeeyey ee Daahir Rayaale Kaahin. Waliba Rayaale, Rag bay ahaayeen Kooxda Nacamlayaasha u ahiye, Siilaanyo sawkan ilaa Dumar Golaha keenay oo ay Sacabka u tumayaan, Cajab.

Waxaan Qoraalkan ku soo koobay, Qodobka ugu wayn ee Madaxwaynaha laga filayay inuu Khudbadiisa ku soo daro, waxay ahayd arinta Doorashada, taana wuxu eedeeda ku leexiyay Dad uu sheegay inay soo bixi doonaan. Bulshada Reer Somaliland cidda ay Tallada u dhiibteen, waa isaga oo ah Madaxwaynaha Somaliland. Dadkan soo bixi doonana ma garanayaan, Soomaaliduna waxay Maah maah u leedahay, Falaadhi gilgilasho kaagama go’do.

Warbixin: Wariye, Siciid Khadar Aw Cabdillaahi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here