FALANQAYN: IS-DIIDDOOYINKA MIISAANIYADDA 2018

0
1

W/Q. Cabdifataax Rashiid Maxamed “Arsenal”

Email: crm661@gmail.com

 

Waxaan falanqayn kooban ka bixinayaa miisaaniyadda qaranka 2018 ee ay golaha Wakiillada Somaliland dhowaan ansixiyeen. Waxaan si guud mar ah u soo bandhigi doonaa sida aanay miisaaniyaddani uga turjumayn baahida bulshada iyo adeegyada ay u baahan yihiin. Tusaale ahaan, maanta waxay ahayd in wasaaradaha wax-soo-saarka iyo kuwa bixiya adeegyada bulshada miisaaniyadahooda la xoojiyo, sida wasaaradaha biyaha, beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga, macdanta iyo tamarta, deegaanka iyo ganacsiga & warshaduhu ugu yaraan ay noqdaan 25% miisaaniyadda ah. Sidoo kale cadaaladda, waxbarashada, caafimaadka, arrimaha bulshada, jidadka, ciyaaraha, duulista, diinta iyo awqaaftuna ay 25% miisaaniyadda noqdaan. Laakiin arrinku sidaas wuu ka duwan yahay. Qodobbadan hoose ayaa ka mid ah is-diiddooyinka horumarka iyo miisaaniyaddeenna:

  1. Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda oo 13% ka ah miisaaniyadda guud oo u dhiganta 22 Milyan oo dollar. Waxay noqonaysaa maadaama wasaaraddu dakhliga miisaaniyadda masuuliyaddeedu tahay, waa inay qayb libaax iyaduna qaadataa!
  2. Deyn 5% ah oo miisaaniyadda ku jirta iyada oo Dawladdii hore sheegtay in aanay wax deyn ah ku wareejin Madaxweynaheenna. Tani waxay noqon kartaa in si hoose laysugu wareejiyay deyn aan shacabka loo sheegin.
  3. Dal kastaa waa muhiim inuu yeesho kayd qaran, siiba mid maaliyadeed. Haddaba miisaaniyadda 2018 haba yaraatee ma laha Kayd Qaran. Taas oo keeni karta haddii masiibooyin meel ka mid ah dalka ka dhacaan (ilaahay kama dhigee) waa in aynu haysannaa kayd qaran oo lagula tacaalo dadka dhibaatooyinku saameeyaan sida dagaal, abaar, macluul, xanuuno i.w.m.
  4. Hawshii Shaqo-qaran oo Wasaaradda Maaliyaddu fulinayso. Taas oo muujinaysa in ay si sharci-darro ah barnaamijkaas ula wareegtay iyada oo ay hoos iman lahayd Wasaaradda Waxbarashada, Ta dhalinyarada ama ta arrimaha bulshada.
  5. Mashruucii Buugaagta oo ay ku baxaysay 1.8 Milyan oo kala badh lacagtaasi aanay miisaaniyadda ku jirin. Tani waxay ka soo hor jeeddaa balanqaadkii madaxweynuhu u sameeyay dhammaan ardayda dalka ee iskuullada dawladda dhigta.
  6. Dal kasta wuxu horumarkiisu gaadhsiisan yahay halka ay waxbarashadiisu gaadhsiisan tahay. Sidoo kale dal kasta wuxu horumarkiisu yahay hadba sida uu waxbarashadiisa u maalgaliyo. Haddaba innaga oo ka duulayna fikirkaas, si aynu horumar u gaadhno, waxa muhiim ah waa inaynu waxbarashada u qoondayno ugu yaraan 20% miisaaniyadda qaranka ah.

Aynu u soo noqonno miisaaniyaddeenna 2018 oo waxbarashada u qoondaysay 8%, taas oo waliba dhawr madax u qaybsan, sida: waxbarashada aasaasiga ah; tacliinta sare iyo guddida tacliinta sare. Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan laba agaasime guud oo aan loo baahnayn marka baahida wasaaradda la eego, kaliya miisaaniyad iyo xil shakhsiyaad looga dhigay, iyada oo tacliinta sare noqon lahayd waax ka mid ah wasaaradda uun.

Waxa kale oo jirta in aan Kaalmada dugsiyada lagu salayn baahi iyo muhiimad toona. Tusaale ahaan Iskuulka SOS iyo Iskuullada farsamada gacanta ee Burco iyo Hargeysa oo aan ku jirin miisaaniyadda, halka dugisyo gaar ah ama bilow ah lagu soo daray ama ay ku jiri jireenba. Sidoo kale iyada oo waxbarashada Xirfaduhu ay muhiim u ahayd barnaamijkii Xisbiga Kulmiye iyo qorshaha qarankaba haddana wax miisaaniyad ahi uguma jirto misaaniyadda.

Iga raalli ahow akhriste, qodobkan aad baan u dhexgalay waayo macallin ayaan ahay, si gaar ahna waxaan u danaynayaa miisaaniyadda waxbarashada.

  1. Isugaynta miisaaniyadda wasaaradaha Beeraha, xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga, Biyaha, Macdanta iyo tamarta, Deegaanka, Ganacsiga iyo warshadahu waxay noqonayaan 5.3% miisaaniyadda waxaana ka miisaaniyad badan xafiiska madaxtooyada (Ex Wasaaradda Madaxtooyada) oo noqonaysa 7.2% (SLSH 120,671,383,042). Miisaaniyaddan madaxtooyada loo qoondeeyay waxay sidoo kale labanlaab ka badan tahay tii sannadkii 2017 ee Wasaaradda Madaxtooyada oo ahayd (SLSH 56,534,978,865).
  2. Iyada oo Maalgashigu muhiimad weyn u lahayd madaxweynaha, isla markaasna ay tahay markii ugu horraysay ee wasaarad goonni ah laga dhigo, iyada oo DP world iyo maalgashiyada caalamiga ahina ay toos u hoos imanayaan wasaaraddan, haddana waa wasaaradda ugu miisaaniyadda yar dhammaan wasaaradaha. Miisaaniyaddeeduna waxay ka tahay miisaanayadda guud ee qaranka 0.27% oo u dhiganta SLSH 4,488,067,648. Taas oo u ekaanaysaa in dadka lagu jaho habaabinayo oo aanay wasaaradda maalgashigu awoodi karaynin in ay soo jiidato maalgashi gudeed iyo mid dabadeed, diyaarin karin xeerar, siyaasado, istaraatiijiyado abuuraya jawi maalgashi. Illeen Soomaalidu waa ta tidhaahda Ilaahay haddaad wax weyn ka doonayso weelkeeda ayaa la samaystaa AMA hu’gaaguna wuu kula baryo tagaa!
  3. Waxa aan si cad u muuqan 34% kii mashaariicda horumarinta ahaa ee xukuumaddu sheegtay in ay miisaaniyadda ka mid tahay. Waxa ka sii daran haddii keli ah laysku geeyo labada madax ee kharaska shaqaalaha iyo kharashka isticmaalka adeegga hawsha (48.3% + 21.1% = 69.4%), tani waxay madmadow badan galinaysaa jiritaanka mashaariicaha horumarineed ee xukuumaddu sheeganayso inay fulinayso.
  4. Miisaaniyaddu waxay u samaysan tahay qaab sida ugu fudud loola bixi karo ama waxyaabo aan qiimo lahayn lagula baxayo sida gunnooyinka, shidaalka, alaabta la soo iibsanayo, jaraa’iddada, martiqaadyada, munaasabadaha, i.w.m.
  5. Waxa Miisaaniyadda ku jira dhowr iyo labaatan hay’adood oo madax bannaan oo wax la taaban karo oo ay qaranka u qabtaanna aanay jirin, marka laga reebo naasnuujinta iyo xilalka mujaahidiintii xisbiga Kulmiye u soo halgantay!
  6. Waxa kale oo miisaaniyadda sidoodii loogu qoondeeyay ama loo kordhiyayba wasaarado la baabi’iyay, sida Wasaaraddii madaxtooyada, Wasaaraddii duulista iyo hawada, iyo Wasaaraddii dib u dejinta. Waxa la inoo sheegay in wasaaradihii la soo koobay oo baahidii meesha ka baxday ama aanay jirinba. Laakiin marka la eego miisaaniyadda loo qoondeeyay, waxay u eg tahay in micnuhu sidaas ka duwan yahay oo baabi’intoodu filin bulshada loo dhigayay uu ahaa.
  7. Waxa aan iyaduna caddayn deeqaha dibadda inooga imanaya iyo sida loo maamulayo. Waxa miisaaniyadda ku jira mashaariic Baanka adduunku inoogu deeqay oo afar mashruuc ah oo noqonaya SLSH 49,097,459,880. Laakiin waxaa isweyddiin leh deeqahan ma si toos ah ayaa loogu shubayaa khasnadda dawladda, mise waxaa maamulaya Baanka Adduunka ama cid uu u igmaday? Maxaa loogu soo dari waayay sanduuqa SDF, lacagaha sida tooska ah laynoogu deeqo ee caafimaadka, waxbarashada, xannaanada xoolaha iyo caddaaladduba ay ka mid ka yihiin ee ay bixiyaan Qaramada midoobay, DFID, Midowga Yurub, USAID, i.w.m.
  8. Waxa iyaduna ku jirta kharashka daabacaadda lacagta oo ah (SLSH 3,500,000,000), taas oo ka soo horjeedda dedaalladii iyo qorshayaashii la-dagaallanka sicirbararka ee uu madaxweynaheennu ballan qaaday.

GUNAANAD:

Marka aad dhinac kasta ka eegto waxay isugu soo biyo shubanaysaa in miisaaniyaddani la mid tahay uun miisaaniyadihii KULMIYE ee 5 tii sano ee la soo dhaafay. Waxa qudha ee ay kaga duwan tahay buunbuunin xad-dhaaf ah iyo indho-sarcaad badan oo aan sinnaba uga turjamayn nolosha dhabta ah ee bulshada.

Guntii iyo gebagebadii, aqoonyahanka iyo waxgaradka bulshada waxaan kula talinayaa: in goobaha cilmiga iyo aqoonta lagu lafoguro miisaaniyadda dawladda; in ardayda dhaqaalaha iyo ganacsiga barataa ay maqaallo cilmiyaysan ka diyaariyaan miisaaniyaddan iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka. Taasina waa sida keli ah ee horumar iyo fikir xor ah lagu gaadhi karo, bulshada wacyigeeda kor loogu qaadi karo, Dawladdana lagu toosin karo. U-adeegidda bulshadu way soconaysaa!

Cabdifataax Rashiid Maxamed

Hargeysa, Soomaalilaand

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here