HUBAALMEDIA.COM
Falanqeynta Buugga “From A Crooked Rib” Ee Uu Qoray Nuruddin Faarax
September 7, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

By.  Mustafa  A. Nuur

Markii ugu horreysay buuggan waxaa la daabacay 1968. Wakhtigaasi waxay ahayd wakhti uu waddan kii Jamhuuriyadda Soomaaliya la isku odhan jiray isku duubnnaa, dal sharaf hagoogan oo muruq leh na ahaa.  Balse dhaqan ka bulshadu ku macaamisho ee dhexmara ragga iyo dumar ku mid keliya ayuun buu ahaa, illaa imaka oo uu gegi madhan oo cid waliba ka taliso yahay na waa sidii uu waagaa ahaa iyo si ka sii daran. Dhaqan ka kharriban ee aan la dhaadin ee Soomaalida waxaa ugu horreeya awoodda uu raggu ku dhex leeyahay bulshada oo si taban loo isticmaalo.

Raggu dumar ka xaq iyo xaq darro ba waxay kaga awood badanyihiin dhinac kasta oo nolosha Soomaalida ka mid ah: qoyska dhexdiisa, iyo dibaddiisa ba. Nuruddiin isaga oo halkaa ka shidaal qaadanaya ayuu buuggan iyo sheekadan caan baxday ka soo diiray  oo mullaaxdeedii oo af qalaad ku qoran adduun weynaha hor dhigay dhaqan ka ay Soomaalidu ku faanto ee lama taabtaan ka ah iyo boogaha aan weli la dhayin ee uu la ildaran yahay. Ceeb kasta oo buuggan loo yeelo waxaa hooyo iyo aabbe u ah dhaqanka ma geydada ah ee gar iyo eexo ba Soomaalida ku khasbay in aanay waajahin xaqiiqada nololeed ee dhexdooda ka jirta.

1

Qisada

   Ceebla oo siddeed iyo toban gu’ jirta waxaa loogu dunxidhay oo loogu ballanqaaday in loo guuriyo Jumcaale—oday 48 gu’ baar ka jaray, islamar ahaantaa, geel badanna laga bixin doono. Jumcaale laba inan oo uu dhalayna Ceebla dushay ka ilaaqan jireen amma way shukaansan jireen ba!  Labada wiil gaar ahaan ka yar ayaa aad ugu hanweynnaa in uu Ceebla hanto, waxaa se hortaagnnaa oo uu dantiisa ugu sheegan waayay walaalkii oo ka weyn oo aan weli guursan.

Kolkii warkaasi soo gaadhay, waxay ka fekertay oo ay nafteeda  gaar ugula faqday in ay fakato oo ka baxsato adeer keed oo qorsheeyay in uu nafteeda iyo hilbbeheeda cuddoon ee darayga ah geel siisto. Ceebli way baxsatay, waxaanay cag-cagta u saartay oo iska raacday awr safar ah oo u sii jeedda dhinaca Beledweyn. Kolkii ay Beledweyne gaadhay waxay ku hagaagtay guri uu deggenaa inaadeerkeed Geeddi. Geeddina wuu soo dhoweeyay waxaanu is baray gabadhiisii Cawrala oo wakhtigaa uur lahayd. Intay Ceebli la joogtay ina’adeer keed waxay qaban jirtay hawsha guriga taalla oo dhan, sidoo kalena lo’ ay reer ku lahaayeenna aad bay u xannaanayn jirtay. Hawsha reerka waxay dhexda si buuxda ugu xidhatay markii ay dumaashideed Cawrala fooshii qabatay, sidoo kalena waxay aad u caawisay intii ay ilmaha dhalaysay iyo kolkii ay dhashay ba.

Gabadh carmal ah oo jaar la ah ayaa maalin kaxaysay Ceebla oo soo tustay dukaanka inaadeerkeed Geeddi. Ceeblina waxay saaxiib dhow la noqotay gabadhaasi jaarka la ahayd; goor walbana way u wareegi jirtay. Ceebli mararka ay isku keliyaysato waxay si gaar ah uga fekertaa waddankii, gurigoodii iyo awowgeed, oo ay kaga soo baxsatay kolkii uu siiyay oday gaboobay.

Gurigii iyo reer kii ay la soo degtay aad bay u dhexgashay, inaadeerkeed waxay ka caawisaa hawlaha kootarabbaanka oo uu ku shaqaysan jiray. Intii ay ku gudo jireen ganacsiga kootarabbaan ka, maalin baa Ceebla loo dhiibay bushqad ka mid ahayd alaab kootarabbaan ah, si ay guriga u gayso. Ceebli kumay guulaysan in ay alaabtii guriga gaadhsiiso, waana lagu qabtay. Nasiibdarridaasi Ceebli waxay ku kasbatay in uu inaadeerkeed Geeddi naco. Wuxuu aamminay in ay tahay qumayo nasiibxun, sidaa oo ay tahayna faraha ay la soo gashay shaqadooda ay sabab u tahay nasiibdarrida iyo khasaaraha ka soo gaadhay fashilka ku dhacay ganacsigoodii kootarabbaan ka ahaa. Aad buu u nacay waxaanu ku qaaday colaad qaawan. Taasina Ceebla waxay ku khasabtay in ay wakhtiga ugu badan la qaadato gabadha carmasha ahayd ee ay jaar ka ahaayeen; oo albaab ka ku xiga uun deggenayd.

Carmashaasi waxay Ceebla is bartay inan ay eeddo u tahay oo la yidhaahdo Cawil. Cawil wuxuu ka shaqeeyaa xafiisyada mustacmaradda Talyaaniga.  Intaa ka dib Ceebli waxay maalin timi gurigii Cawrala, waanay la seexatay. Geeddi oo u xidhnaa kootarabaan kiina wuxuu bixiyay laaluush waana la soo daayay. Lacagtaa uu booliiska siiyay waxaa ugu deeqay dillaalkiisii. Geeddina (Ceebla inaadeerkeed) si uu dayntaa iskaga bixiyo wuxuu dillaal kii ugu ballan qaaday  in uu Ceebla u guurin doono. Carmashiina waxay Ceebla uga warrantay in inaadeerkeed Geeddi bixin doono oo uu siin doono dillaalkiisa. Ceebli na aad bay arrintaa uga murugootay, waxaanay ka fekertay in dumar badan sidan oo kale loo dulleeyay oo addoomo loogo dhigtay. Waxay talo ula tagtay carmashii, Cawralina waa carmashiiye waxay kula talisay in ay inan ka ay eeddada u tahay meher-xaddo si ay uga badbaaddo guurkaa kale ee dillaal ka loo guurinayo. Waxay ku qancisay in inanka ay eeddada u tahay ee Cawil uu wiil fiican yahay, iyadana u qalmo. Ceebla lafteeda waxaa ku waynnaa in Cawil uu u qalmo iyo in uu aqbali doono in uu guursado. Isla wakhtigaasi Cawil wuxuu qorshaynayay in uu Muqdisho tago, Ceeblana wuxuu wayddiistay in ay is guursadaan; Ceebli na way aqbashay, waxaanay qorshaysteen in ay is meher-xadaan berri aroorta ba.

Safar dheer ka dib waxay soo gaadheen Muqdisho, kolkay yara nasteenna habeen kii way wada seexdeen. Habeen kii ba Cawil wuu xoogay Ceebla, Ceeblina way is difaaci kari wayday halkaana waxay ku wayday inannimadeedii. Aroornimadii kolkii waagu beryay na way ismehersadeen. Cawil saaxiib kii Jaamac ayaa ku wargeliyay in uu u safro Talyaaniga. Isna wuxuu ku ballamiyay gabadhii ay guriga kaga jireen in uu maqnnaan doono saddex bilood, sidaasi darteed ay sii dhaqaalayso xaaskiisa Ceebla. Kolkii Cawil waxoogay sii maqnaa, Jaamac waxaa soo gaadhay warqad iyo sawir wada socda. Sawirka waxaa ku wada jira Cawil iyo gabadh caddaan ah, gabadhaasi oo mudh iyo andarriir ahayd, qaawan oo aan waxba xidhnayn, dharka dumarku ku dabbaasho mooyee. Waxaa muuqatay caloosheedii, gacanta Cawil na waxay dulsaarnayd boggeeda oo qaawan (Bg 122). Kolkii ay Ceebli aragtay sawirka cadho ayay cirka ku dhegtay oo furka tuurtay, aadna way u qalbi jabtay.

Caashi (haweenayda Ceebli guriga kaga jirtay)  waxay Ceebla u soo jeedisay in ay la sheekaysato Tiffo. Ceebli na way aqbashay waxaanay guur qarsoodi ah guursatay Tiffo. Tiffo wuxuu leeyahay laba hablood oo Ceebla la da’ah. Waxaa dhex maray xidhiidh aan caado iyo dhaqan toona u ahayn dad is qaba; waxa uu u yimaaddaa habeen kii oo qudha, ka dibna waxa uu siiyaa waxoogay lacag ah, waanu iskaga tagaa oo gurigiisa kale ayuu habeenka intiisa kale ku dhammaystaa oo waagu ugu beryaa.

Ceebla walaalkeed ayaa Muqdisho ugu yimi, isagoo la socda gabadhii carmasha ahayd ee ay Beledweyne wada deggenaayeen. Walaalkeed wuxuu Ceebla u sheegay in awoowgeed kolkii la waayay ee ay soo baxsatay uu shoog ku dhacay sidaana uu ku dhintay, balse Ceebli wax murugo ah may dareemayn illaa markaasi warka loo sheegay. Ceebli waxay walaalkeed u soo jeedisay in uu la joogo, isna wuu diiday, waanu iskaga tegay.

Caashi waxay aad uga cadhootay sida foosha xun ee dugaagnimada ah ee Tiffo ula dhaqmo Ceebla, waxaanay Ceebla mar kale kula talisay in ay Tiffo u sheegto in ay nin leedahay—mid isaga hortii qabay. Ceeblina sidiibay yeeshay waxaanay u sheegtay in ay nin leedahay. Caashina way u xaqiijisay in Ceebli run sheegayso oo ay nin leedahay. Tiffo aad buu uga cadhooday arrintaasi, waxaanu u qaadan waayay in uu nin kale gabadh la waadago, waanu furay Ceebla!

Ceebli kolkii ay nolosheedu dhibaatooyin xidhiidhsan ka bixi wayday, ayay maalin iyada iyo  Caashi u tegeen faaliso qaddarka u eegta. Faalisadii  waxay Ceebla u sheegtay in ay ugu wacantahay dhibaatooyin kan habaar ama in wax loo qabtay. Dhibaatadanna ay kaga bixi karto in ay dabiib raadsato. Maalintii danbe na waxaa u yimi laba wadaad oo dabiibay!

Cawil wuu soo degay oo Talyaanigii ayuu ka soo noqday, iyada oo Caasha iyo Ceebli ay adeeg ku maqanyihiin. Gurigii kolkuu soo galay wuxuu isha ku dhuftay oo uu helay sawirkii isaga iyo gabadha talyaaniga ahi ay ku wada jireen; aad buu ugu cadhooday saaxiibkii Jaamac. Wuxuu is wayddiiyay ‘muxuu kuu kashifay fanto dishay ee uu sawirka u tusay Ceebla’. Kolkii ay soo noqdeen Caasha iyo Ceebli, habeenna soo galay, Caasha iyo Cawil waxay tegeen sariirtoodii waxaanay ku heshiiyeen in mid waliba wixii dhacay ka kale uga warramo intii uu Cawil maqnaa.

Dulucda Buugga: Awoodda uu Raggu ku Leeyahay Dhaqanka Soomaaliyeed

Buugga “From a Crooked Rib”, Nuuruddiin Farah waxa uu qalanjada qisada buugga hoggaaminaysa u qaatay gabadh la yidhaahde Ceebla. Ceebli waa gabadh da’yar oo reer miyi ah. Ceebla wuxuu u qaatay ama ay metelaysaa oo u taagantahay gabdhaha Soomaaliyeed oo dhan. Nolosha cadaabta ah iyo dhibaatooyinka xidhiidhsan ee ay dhex jibaaxaysana waxa uu u adeegsaday si uu adduunka u tuso illaa heerka gabadha Soomaaliyeed ay bilaa qiimo ku tahay bulshada ay ku dhex nooshahay. Ma aha Soomaali oo qudha ee sida in badan oo gabdhaha Afrikaanka ka mid ahi ay ula ildaranyihiin dhaqamada bulshooyinkooda ee dumarka liida. Bulsho waxay ka koobantahay lab iyo dhedig, rag iyo dumar; rag keliyi bulsho meel taagan keligii noqon maayo, haddana raggu bulshada Soomaalieed waxay ku leeyihiin awood iyo itaal aan cidi ugu iman. Awooddaasi waa dhaqan iyo aragti nololeed oo loo tixgeliyo in raggu uu dumarka ka sareeyo, duruuf kastana uu isagu hormood ka yahay. Halka dumarka Soomaaliyeed la aamminsanyahay in ay ragga ka hooseeyaan, isla markaasi, xaqna aanay u lahayn in ay ragga isku dhereriyaan.

Waa aragti-nololeed ay bulshada Soomaaliyeed si qotodheer u rumaysantahay. Nuuruddiin Faarax na wuxuu qisada buuggan sida toosh iftiin  badan dul qabanayaa dhaqankaasi, isaga oo adeegsanaya nolosha Ceebla.

Keli kuma aha Nuuruddiin dhibaatooyinka ka dhasha dhaqanka iyo xeerar ka dumarka liida ee uu doonayo in uu iftiimiyo; qorayaal farabadan oo kale oo Afrikaan ah ayaa iyaguna buugaag ka qoray: Flora Nwap iyo buuggeeda “Efuru” oo la daabcay 1966, islamarkaa ahaa buuggii ugu horreeyay ee gabadh Africaan ah amma Naayjeeriyaan ahi ay qorto. Wuxuu ku saabsanyahay doorka dumarka iyo dulmiga ay bulshooyinkoodu soo gaadhsiiyaan.  Buugga kale ee la yidhaahdo “So long A letter” ee uu qoray Mariam Ba. Isa waa buug aan ka baxsanayn mawdduuca aynu halkan kaga hadalyno. Qoraha buuggani wuxuu ku guulasytay abaalmarino, buuggaasina waxaa loo aqoonsaday in uu ka mid yahay 100 kii buug ee ugu wanaagsanaa ee qarnigii 20aad   ka soo baxa qaaradda Afrika. Waxaa kaloo ka mid ah buugaagta ay qorayaal Afrikaan ahi mawdduucan ka qoreen buugga la yidhaahdo “Joys of motherhood” ee uu qoray Elechi Amadi  iyo buugaag  farabadan oo kale.

Waayaha Ceebli waxa uu ahaa in uu awoowgeed ku khasbayo guur, iyada oo weli caydi ah oo da’ahaan weli 18 jir ah, nin ka lagu jujuubayo in ay guursataanna uu ahaa 48 jir, iyadoo laga qaadanayay geel uu odaygaasi bixinayo. Kolkii ay diidday guurkaa khasab ka ahna waxay ka baxsatay tuuladii ay deggenayd; waxaanay u baxsatay Beledweyne. Kolkay baxsanaysay waxay filannaysay ammaan iyo doorasho xor ah in ay heli doonto, waxaa maankeeda galacyaynnayay oo ka buuxay in ay maanta ugu danbayso noloshii baasayd ee dhibta iyo dulmiga badnayn. Dedaalkaa iyo nafhurnnimadeedaa ay u soo martay in ay xorriyad hesho waxaa beeniyay waayaha cadawga iyo xaqiiqada arxanka daran ee bulshada ay ka soo jeedday ee Soomaaliyeed. Waxay la kulantay meel aan waxba ka duwannayn meeshii ay ka soo firxatay.

Markii ay Beledweyne ugu timi inaadeerkeed Geeddi, wuxuu isna isku deyay in uu u gacangeliyo dillaalkiisii ay kootarabbaanka ka wada ganacsan jireen. Waakaa waayaha ay gabadha Soomaaliyeed dhex jibaaxdo inta ay dunida joogto, waa kaasi sawirka uu Nuuruddiin doonayo in inta uu sawiro uu inoo soo gudbiyo. Dumarka waxaa loola dhaqmaa sidii dhaqanku yidhi;  iyada oo aan la xaqdhowrayn jiritaankooda aadminnimo. Bartaasay qisada buuggu fadhidaa, Ceeblina qiraysaa:  “…haddaanu dumar nahay waxaanu nahay sidii lo’ la iska leeyahay oo kale. Waxaanu ku xidhannahay qof kale dookhii, ciddii la doono ayaa nalagu daraa. Noloshayada oo dhammi waxay ka amar qaadataa oo u qoollantahay kuwa na qaba ama kuwa na dhalay. Waa maxay faraqa imaka u dhexeeya naftayda iyo saca? Imaka waxa uu inaadeerkaa gacanta u dhiibay oo uu kaa gadayaa dillaalkii…waa ninka liita ee TB da qaba nin ka inta waxoogay lacag ah laga qaato gacanta la ii gelinayaa”(Bg80)

Baqihii ay ka baqaysay in nin kaa buka loo xareeyo, Ceebli waxay go’aan ku gaadhay in ay guursato Cawil. Kolkii ay gacmihii Cawil ku dhacday, weli nafteedu ammaan may noqon,  cadaadis iyo dulmi ayaanay waajahday mar kale. Wuu garacaa, xitaa marka ay sariirta la jiifto.

Habeenkii iskugu horreysayba wuu u xoogsheegtay, wuu garaacay. Ceebli waxay isku dayday in ay dibadda u soo booddo oo ay baxsato…way illowday in xitaa uu Cawil ahaa meeshii ugu danbaysay ee ay ku badbaadi lahayd. Xooggiisa oo dhan ayuu ku isticmaalay sida ragga ayaanu ula dagaalamay. Dumarku ragga dagaalka fool-ka-fool ka ah iskama difaaci karaan.  Si ay uga badbaado jugtiisa iyo maqiiqnnaantiisa aanu u tudhayn waxay ku khasbanaatay in ay noqoto oggol oo ay is dhiibto.  Inta uu timaheedii dheeraa dhulka ku musbaaray oo hoos ugu cadaadiyay, ayuu siduu doono ka yeelay […] “waxaad tahay gabadhaydii.’’ Wuxuu ku dul googgooyay dharkii ay xidhnayd, iyaduna sidii qof mayd ah ayay hoostaallay. ‘ma wax baan ku yeelay’ ayuu ku yidhi sidii qof imaka soo hambbabaray,  iyaduna waxay ugu jawaabtay iyadoo baqaysa ‘maya’ (Bg 96-97)

Ceebli waxay magan madluun dhibbanne ah u noqotay waayaha, waxay fahantay in bulshada Soomaaliyeed ee ay si uga tirsantahay ay  ku soo rogtay xukun qiimaheeda ka dhigay in guriga la dhigto laguna shaqaysto, in dhaqanka bulshadu yahay xaynddaab cadaab ah oo aan dhanna looga muruxsan karin. Intaa iyo in kale oo badan ayay fahantay.

Ninku waa kii wax qabay, gabadhuna waa tii la qabay lana furayay. Dabeecadda iyo nolosha Soomaaliduna ma laha xuquuq iyo xeer bulsho oo siman. Saaxiibadu waa in ay sinnaadaan inta aanay saaxiib noqon. Haddii midkood ka kale xaqiro oo liido saaxiib lama noqon karo amma saaxiibbo ma noqon karayaan. (Bg156)

Safarkii Xoroowga

Ceebli waxay u socdaashay oo u safartay si ay u raadiso xorriyad oo ay u xorowdo. Waxay noqotay keenadiid ka dhiidhiday  in ay aqbasho dhaqanka Soomaaliyeed ee nolosheeda ka dhanka ah, iyada oo isku deyaysay in ay ka fogaato nolosha miyiga ee ragga arxanka darani ay awoodda sare leeyihiin.  Waxay u baxsatay ina’adeerkeed Geeddi oo deggenaa Beledweyne . Nasiibdarro gurigii ina’adeer keedna wuxuu ku noqday laba daran mid dooro. Iyadoo dookh ay leedahay aan u baxsanayn ayay dani ku badday naf moodday inay u baxsato jacaylkeedii cusbaa  ee Cawil iyo Muqdisho.

Maalin ba inyar ayay hantiyaysay xornnimadeedii intii ay ku dhex jirtay hayaankeedii xornnimo doon, iyadoo kaashanaysay tallooyinka dumarkii saaxiibka ay la noqotay. Hayaankeedii madaxbannanidu waxa uu baray laba haween ah oo reer magaal ah, kuwaasoo fekrad teeda ka fog ka haystay nolosha. Gabadhii ugu horreysay ee ay la kulanto oo carmal ahayd waxay ahayd mid dhexdhexaad ah oo wixii ay madaxeeda ka hesho ku dhaqaaqda. Carmashaashi kumay sargoyn jirin damaceeda waxa uu dhaqanku ka qabo; taasaana sabab u ahayd in ay carmal noqoto oo la furo. Ceebli waxay ka baratay gabadhaasi dhaqammada silloon ee magaaladu leedahay. Carmashaasi waxay lahayd khibrad (umay oggolaan jirin in dhaqanka iyo bulshadu ay nolosheeda go’aamiyaan ) sida Ceebla oo kale. Ceebli waxa kale oo ay magaalada Muqdisho kula kulantay dumar magaalo! Waxay bareen sida loo noolaado haddii ninku ka maqanyahay! Caashi may ahayn sida carmasha oo kale, waxay ahayd gabadh aad u reer magaal ah oo khaayimad aan dhulka u dhicin ah! Waxay ku noolayd af-miishaarnimo. Waxay jihaysay go’aamadii Ceebla oo dhan. Waxay ku qancisay in ay kaga aarsato ninkeeda oo isku daydo in ay samayso macsi iyo dhaqan faxshi ah. Taladeedii Ceebla waxay ku hagtay in ay garwaaqsato in ragga iyo dumarku u simanyihiin xumaha iyo wanaaga ba. Way ka xorowday carmashii, waxaanay u fahantay in ragga iyo dumarku simanyihiin!

Qoruhu wuxuu ku doodayaa sinnaanta ragga iyo dumarka. Dooddaasi qoruhu waxa uu ku caddaynayaa dhaqanka iyo qalanbaawinnimada Caasha.  Iyada oo gabadh ah waxay leedahay hanti guri ah, waxaanay awooddaa in ay maamusho gurigeeda iyo qofka kaga jira guriga ba. Caashi waxay dhistay garaadkii Ceebla, waxaanay ku shubtay sinnaanshaha ragga iyo dumarka. Caashi waxay Ceebla ka dhaadhicisay haddii ragga loo banneeyay hal gabadh wax ka badan, sidaasoo kale in dumarkuna ay leeyihiin xuquuq ah in ay iyaguna hal nin wax ka badan yeelan karaan!

Qoruhu wuxuu leeyahay, Nolosha Muqdisho ka jirtay ayaanna taasi ka marag kacaysay. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa sidii gabadha kale ee sheekada ku jirta ee Ardo ay ula dhaqmi jirtay ninkeedii Tiffo ee khaayin ka ahaa.

Hablaha Afrikaanka bulshadoodu waxay ula dhaqantaa sidii oo ay yihiin hanti, hanti reerka u soo korodhay oo reer kalena qaadan doono kolka ay korto. Qoraha buuggu arrintaasi aad buu ugu dhex sawiray buuggan. Meelaha qaar wuu ku talaxtegay oo sinnaanshaha ragga iyo dumarka ayuu aad ugu dooday.  Haddana iyada oo ay sidaa tahay, qoraha waa runtii oo Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Gashaanti” oo la yidhi asalka eraygaasi waxa uu ahaa “Gashaa hanti”.  Sidaa cagsigeeda inanka waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay hanti-maguurto ah.

Xaqiiqadu waxay tahay habluhu waa sidii hanti macaash laga doonayo oo kale: Aabbaha iyo innamaduba inantooda ma oggolaan karaan in ay nin ka ay rabto raacdo oo qoys dhisato iyada oo aan hanti laga bixin. Aabbeyaashu illaa ay hubsadaan in inantooda wax ka soo gelayaan, guur uma gacan geliyaan, iyaga oo aan tixgelinayn dareenka inantiisa ee nolosha guurka. Waataa halka ay jiifto xaqiiqada uu buuggu tilmaamayo ee ah: in dumarka loola dhaqmo sidii hanti oo kale.

Waataa sababta uu Ceebla awoowgeed iyada oo raadqaad ah ninka dhalikaraya u doonay in uu gacanta u geliyo, geelnna ka qaato.

Ceebla oo ah qalanjada buugga iyo xiddigtu waxay inoo soo gudbinaysaa oo aynu nolosheeda ka dhex baranaynnaa in dumarka Soomaalidu ula macaamisho sidii alaabta oo kale, ama shay dukaanka khaanaddiisa ku jira: waa la iibiyaa waana la iibsadaa!

“Maxaa dumarka ka nusqaamiyay ragga? Maxaa waajib ka dhigay in habluhu ay adduun u soo hooyaan waalidkood—yarad amma meher? Maxay qoysaska innamada oo keliyi ugu tirsanyihiin” (Bg84) Qalad iyo sax waxay tahay ba, su’aalahaasi ayuu buuggu ina wayddiinayaa!

Khuraafaadka

   Buugga bilowgiisa, Ceebla awoowgeed wuu habaarayaa: “Ilaahay adduunyada kugu cadaab, oo garacyo badan dhal, waxaad damacsantoo dhanna kala daadi” (Bg 6) Buugga qaybtiisa danbe kolka aad eegto, waxay u eegtahay in habaarkaasi Ceebla ku dhacay oo uu sababay nasiibdarrooyinka ku habsaday. Waxay u tagtay faaliye si ay ugu saadaaliso mustaqbalka ka horreeya. Faaliyihii wuxuu u oddorosay in ay dhibaatooyin xidhiidhsan cagaha la geli doonto. Wuxuu yidhi “Way xanuusanaysaa waana la cawryay, ilbaa ku dhacday. Weli may ku raagin oo dhowaan uun bay ahayd, kolkaa waa la dabiibi karaa” (Bg148)  Waxa kale oo uu sheegay in Ceebla dhibaatooyinkeeda uu wadaad uun xallin karo.

Buuggu si dulkaxaadis ah ayuu u dulmaray sida khuraafaadku uu uga midyahay dhaqanka Soomaalida, si gaar ahna nolosha dumarka loogu maareeyo!

Habka uu Qoruhu Sheekada u soo Gudbiyay

   Qoruhu sheekada wuxuu innoogu soo gudbiyay farshaxan heersare ah: wuxuu isicmaalay habka “qofka saddexaad” Qoruhu gabadh ma aha, haddana wuxuu isku deyayaa in uu dhibaatooyinka dumarka Soomaalida haysta ee ka soo gaadha isla bulshadooda uu inoo soo tebiyo. Wuxuu akhristihiisa si waaddix ah u soo hordhigayaa, jilaha ugu mudan buuggiisa oo ah Ceebla.  Wuxuu adeegsanayaa magac-u-yaalka saddexaad ee “iyada”. Wuxuu ina horkeenayaa Ceebla iyo nolosheedii, sheekadu uma taallo sidii qof sheeko ka qayb qaadanaya oo jilaya; waa sidii oo aad Ceebla garanayso, waayaha nolosheedana aad la socoto oo ay midhmidh kuugu muuqato.

Ceebli waa muraayadda laga dhex arkayo duruufaha iyo nolosha haweenka Soomaaliyeed. Iyada oo ay tahay hab ay farshaxanku ra’yigooda ku gudbiyaan, haddana buugga “From a Crooked Rib” si  gundheer ayuu u axadhay dhibta haweenka Soomaaliyeed kala kulmaan bulshadooda. Sheekadu waxay u muuqataa in ay tahay qiso Ceebla ku socota, sababtoo ah qisaska xidhiidhsan ee buuggu ka koobanyahay waa waayo xanuun badan oo ay Ceebli dhex xulayso. Qoruhu dhammaan qisaska iyo dhacdooyinka waxa uu ka soo dheegayaa habaarkii Ceebla ku dhacay iyo noloshaa adag ee ay marayso. Sidaa oo ay tahay, akhristaha laftiisu gudbinta qoraha waxa uu ka dhex arkayaa Ceebla. Qof kasta oo Soomaali ah oo buugga “From a Crooked Rib” akhriyay waxa uu dareemayaa in uu Ceebla garanayo. Sababtaasina waxa ay tahay, waayaha ay Ceebli ku jirto qof kasta oo Soomaali ahi waa la ollog oo wax badan wuu ka garanayaa.  Kolka laga reebo cutubka koobaad oo ku saabsan Ceebla awoowgeed iyo walaalkeed mooyaane, dhammaan qisooyinka buugga ku soo arooray oo dhammi waxay ku bilaabmayaa Ceebla waxaanay ku dhammaanayaan iyada.

Akhristaha Soomaaliyeed waxa uu garnayaa dhammaan dhaqamada jilayaasha kale ee sheekada: wuxuu garanayaa Geeddi—Ceebla inaadeerkeedii ay Beledweyn ugu tagtay, Wuxuu garanayaa Tiffo, Casha, Cawil iyo inta kale ee buugga ku jirta.

Sidaa uu qof kasta oo buugga akhryaa u garanayo noloshan jilayaasha buuggu ay soo gudbinayaan ayuu qoraha laftiisa oo asalkiisu uu Soomaali yahayna aqoon badan ugu leeyahay dadka xanbaaraya nolosha uu soo gudbinayo. Waa sidii qof isku taagay in uu ka warramo wuxuu garanayo oo kale. Sida akhristuhuba u dareemayo si la mid ah ayuu qoruhuna u dhadhaminayaa dareenka hoose iyo waxa uu jilihiisu ka fekeri karo. Ugu danbayn qoraha waxaad mooddaa in uu meelaha qaar xidhiidh toos ah la leeyahay: kolka uu Ceebla awoowgeed urgumada iyo uurxumada la dhimanayo, Faarax, qoraha buugga waxaad mooddaa in uu toos ugu tidcanyahay dareenkaasi.

Qoruhu marar badan waxa uu soo werintiisa in badan ku isticmaalayaa  wax kasta oo ay ku hadlayso Ceebli. Wada hadalka jilayaasha kale waxa uu ku soo gudbinayaa sidii werin oo kale, balse kolka ay Ceebli hadlayso wuxuu ku maqashiinayaa codkeeda oo aad si toos ah u maqlayso! Sababta uu sidaa u yeelayo waxaan u fahmay in uu uga jeedo xorriyad la’aanta haweenka Soomaaliyeed oo aan codkooda la maqal, amma aan helin madal iyo sabab ay codkooda kor ugu qaadaan. Bal dhegayso ceebla oo hoos iskula hadlaysa:  “…haweenku weligood ragga lama dagaallamaan, waa in ay is dhul dhigtaa oo aanay hadal ku celinin. Gabadha wanaagsan xitaa waa in aan oohinteeda la maqal kolka uu ninkeedu garaacayo…waa laga yaabaa in marka aan xaaskiisa noqdo in uu waxa uu doono igu sameeyo anna aanan ooyi doonin” (Bg96)

Sidaa daraadeed, Ceebli dareenkeeda iyo uurgubashadeeda waxay la wadaagtaa nafteeda oo qudha. Qoruhuna sababtaasi ayuu kor ugu qaadayaa codkeeda oo uu hawada u raacinayaa si adduunku u maqlo codka gabadha Soomaaliyeed. Ceebli inta ay uurka ka oydo ayay isla shawrtaa oo ka fekertaa sidii ay dhibaatadan uga bixi lahayd. Waxay ka fekertaa waxa ka khalddan ee waxan oo dhammi ugu dhacayaan. Jawaab aan ahayn in bulshada ay ka dhalatay ugu wacantahayna way waydaa. Dhammaan dareennadaa xanuunka leh, qoruhu waxa uu ku soo gudbinayaa cod toos dhegahaaga ugu soo dhacaya: ‘‘ma garanayo waxaan ragga u khiyaameeyo. Iyaguba way khiyaameeyaan, anna si aan uga aarsado waan khiyaameeyaa. Waxaan ahay daacad. Ma garanayo wax kale oo aan sameeyo. Marar badan way igu gudhaa oo ma aqaanno waxaan falo. Naftayda iyo wadnahayga oo dhan waan u hibeeyaa, kolka aan ogaado in la i khiyaameeyayna, way adagtahay in aan dib uga soo kabto. Nabadgelyodarro iyo hinaase ayaa sabab u noqda isfahan la’aan badan iyo khataro badan oo kale!” (Bg166)

Eekeyn

   Guud ahaan suugaantu kama maaranto murti iyo erayo miid ah oo aan soo mutuxnnayn. Sheeko suugaaneedduna waxay u baahantahay farshaxannimo ku dhisan eekayn iyo qofayn iyo xirfad kasta oo uu qoruhu u arko in uu farriinta uu sido ku gaadhsiin karo akhristihiisa. Qisooyinka is biirsanaya ee buug ka soo dhexbixi karaa mararka qaar fahankoodu wuu adkaan karaa, kolkaa si loo fududeeyo waa in shay lagu metelo shay kale. Sidaa oo ay tahay, Faarax isaga oo buuggan af qalaad ku qoray waxaa cad in uu ugu talo galay in uu adduunka fariin u diro oo uu baro dhaqanka Soomaalida iyo doorka haweenku bulshada ku dhex leeyihiin uu dhaawac weyni ugu yaallo.

Qoruhu, Faarax waxa uu eekeeyaha u isticmaalay xayawaan, lo’, sac ama awr si uu inoo tuso meeqaanka dumarka iyo dhaqanka Soomaalida.   Eekayntaasi waxay u taagantahay meeqaanka dumarka ee qof ahaan ay uu taaganyihiin: waxay buuxiyaan dhammaan baahiyaha ninka oo dhan, maalinta ay wakhtigeedii gaadho na waa la bixiyaa. Ceebli iyada oo hadlaysa waxay odhanaysaa: “waxaan ahay sidii neef xoolo ah oo kale” (Bogga 36aad). Faarax wuxuu aad u qaniinsanyahay oo uu maagayaa sida aynu hablleheenna illaa maalinta ay madaxa la kacaan guriga innooga shaqeeya, ee kolka ay dunida u soo bixi lahaayeen ee noloshooda dhisi lahaayeen aynu nin aanay weligood arag gacanta uga saarno, sidii neef xoolo ah oo sayladda la keenay. Waa taa baytulqasiidka uu qoruhu farta inoo saarayaa.  Ceebli kolkii ay miyigii iyo awoowgeed ka baxsatay si aan odaygii la siiyay guri ula gelin, waxay u timi inaadeerkeed oo magaalo deggenaa.  Halkaana waxaa ka soo gaadhay mid la mid ah tii ay ka soo oroday oo kale. Inaadeerkeed waxay u qaban jirtay hawsha guriga oo dhan, isna wuxuu gacanta u saaray oo uu damcay in uu u guuriyo dillaalkii ay kootarabbaanka ka wada ganacsan jireen oo waxoogay lacag ah ku yeeshay. “[…] waxaa loo iibiyaa sida adhijiruhu u gato ama u gado adhigiisa (bogga 84).  Qoruhu wuxuu ku doodayaa kol haddii dumarka wakhtigii la doono laga iibin karo qof aanay aqoon, ama la soo iibsan karo, saw sida xoolo saylad la keenay oo kale ma aha? Dooddaa wuxuu ku xaqiijinayaa dhaqanka Soomaalida ee sidaa yeela.

Bayaamminta Doorka Jilayaasha (characterisation)

   Sirta farshaxannnimada sheeko suugaanneedku waxay ku jirtaa soo bandhigidda doorka jilaha qoruhu uu xushay uu ku leeyahay sheekada. Sheekada dhexdeeda ficil kasta oo dhacaya waxaa fulinaya qof, qof kaasi door buu ku leeyahay sheekada, sabab baanu doorkaa qoruhu ugu xulanayaa. Sidaa kolka ay tahay, doorka jilahaasi ayuu qoruhuna soo werinayaa. Soo werintaasi kuma dhisna oo keliya ficillo dhacaya, waxay ka soo dheegmaysaa hab-nololeedka  jilahaasi oo dhan: tayadiisa qofnimo, garashadiisa, dareenkiisa dabiiciga ah, ka nafsiga ah, iyo dhammaan dhaqankiisa ku wajahan mid kale oo sheekada kula jira.

Faarax wuxuu soo qaatay qiso ka soo bilaabmaysa miyi iyo xurguf qoys keliya dhex maraysa oo u soo gudbaysa magaalo iyo waddan dhan oo inanyar oo nolol xor ah doonaysa dhammaantood cadaw u noqonaya. Qof kasta oo Soomaali ahi nolosha cadaabta ah ee hablaha Soomaaliyeed ay ku jiraan wuxuu u fahansanyahay in loo abuuray oo ay ka mid tahay doorkooda nololeed. “Gabadhi amma god kaaga jirtay amma guur kaaga jirtay” sidaasay ku maahmaahaan!

Jilayaasha ay Ceebli ugu horreyso qof waliba wuu garanayaa. Ceebla oo kale qof kasta oo Soomaaliyeed wuu maqlay amma wuu la kulmay amma ba duruufaheega gacan buu ka geystay!  Ceeblada uu Faarax ka warramayaa guri walba way joogtaa, waayahaa uu sootebinayo amma way martay, amma dirqibay kaga badbaadday, amma way sugaysaa!

Dhalliilaha Buugga

   Waxsoosaarka qof keliyi soo saaray waa shaki la’aan in ay dhaliilo ka soo bixi karaan. Dunida na wax dhammaystirani ma jiro. Dhaliisha buuggani leeyahay inta aan lagu degdegin waa in la caddeeyo indhaha lagu eegayaa kuwa ay yihiin: ma waxaa lagu eegayaa indho shisheeye oo aan Somaali ahayn, ma waxaa lagu eegayaa indho ku yaalla qof aan dhug badan u lahayn nolosha rasmiga ah ee Soomaali dhexdeeda ka jirta, ma waxaa lagu eegayaa indho wadaad xag jir ah, ma waxaa lagu eegayaa indho iyaguna xag jir ku ah dhaqanka Soomaalida …iwm? Intaasoo aragtiyood haddii buuggan su’aal laga wayddiiyo mid kastaaba si buu u arki lahaa. Si kasta ba ahaatee, buuggan ka faalloodkiisa waxaa wax yeeli karaya caaddifadda oo gadhwadeen ka noqota faaqidaaddiisa.

Dhaliisha buuggu leeyahay waxaa ugu weyn in isaga oo dhaqankii Soomaalida iyo ceebtiisa ka warramaya haddana af kale lagu qoray. Sababtaasi waxaa loo cuskan karayaa in muujinta iyo geesinnimadii qoraha looga baahnnaa in uu wacyigaasi ku soo bandhigo uu hareer maray. Waynu wada ognahay in dadkeenna inta wax akhridaa ay yartahay, balse ugu yaraan haddii uu Afsoomaali ku qornnaan lahaa wuxuu noqon lahaa wacyigelin iyo dardaaran buuxa oo soo gaadhay bulshada Soomaaliyeed. Waa suurogal in ceebo kale loo yeelo: qaawannaanta iyo muujinta dhaqanka macsida ah iyo siduu u dhacayo lafteeda dad baa dhaliil ka dhigi kara. Taasi se noqon mayso dhaliil uu buuggu suugaan ahaan yeelan karo. Asturnnaanta iyo ceebaha oo la dedaa way wanaagsantahay, kolka se mashkilad halis dadka ku ah daaha laga faydayo, in laga badheedhaa waa lagama maarmaan.

Buugga waxaa kale oo dhaliil weyn ku ah arragtida qoruhu ka qabo xidhiidhka ragga iyo dumarka. Qoruhu wuxuu xidhiidhsiinayaa aragtida reer Galbeedka ee wadadhaqanka ragga iyo dumarka iyo ta Soomaalida ama diinta Islaamka ba. Halkaa waxaa ka soo muuqanaya gefaf meelaha qaar loo fahmi karo in uu sinnaanta ragga iyo dumarka ee jinsi ahaan uu qoruhu ku doodayo. Miisaanka uu dhaqankaa xun ee uu ka warramayo saarayo sidiisa uma ganayo ee wuxuu sii dhexmarayaa aragti dhaqan oo reer Galbeed ah.

Buuggu wuxuu leeyahay dhaliil kale oo weyn: haddii aannad garanayn magaca qoraha waxaad moodi lahayd in ay gabadh, weliba nasawiyat (feminist) ahi ay buugga qortay. Buuggu waa xag jir, dhanka haweenka boqolkiiba boqol xiga. Iyadoo dhibaatada buuggu ku saabsan yahay ay guud ahaan tahay mid gabadh ku dhacaysa, haddana dhexdhexaadnnimadii nolosha labka iyo dheddiga aad buu uga fogyahay.

Buugga waxaa la qoray 1968. Wakhtigaa Nuuruddiin Faarax da’diisu waxay ahayd 23 jir. Wuxuu ku jiray sannad kii labaad ee jaamacadda Panjab, oo ku taalla waddanka Hindiya. Buuggu darajo sare ayuu kaga jiraa suugaanta Afrikaanka, gaar ahaan buugta dhinaca haweenka u doodda. Kolkii buuggan daabicddiisa ay aqbashay shirkadda daabacaadda buugaagta ee Heinemann oo asalkeeda laga leeyahay Biritan, tifaftirihii shirkaddan ee buuggan quraarayay wuxuu moodayay in qoruhu uu gabadh yahay. Kolkii loo sheegay in uu yahay wiil Soomaaliyeed wuu rumaysan waayay, waxaanu dalbaday in qoraha buuggu uu sawirkiisa soo diro!

Qoraha buuggu door la sheego kumuu yeelan habab kale oo uu ku wacyi geliyo bulshadiisa uu dhaqankooda ka dayriyay. Waxaad mooddaa in uu buugaagtiisa ku madaddaaliyo shisheeyahaya, islamarkaa xooggiisa iyo caqligiisaba ku caawiyay kor u qaadista suugaanta shisheeye. Buugtiisu waxay ka mid yihiin kuwa ugu wanaagsan ee shaeeko faneedda dunida lagu akhristo, taasina waxaa ka faa’iidaystay suugaan ahaan dad badan oo aan Soomaali ahayn.  Ugu dabnayn dhaliilaha buuggu qof ba waa dhankuu ka joogsado.

Gebgebo

   Qorista iyo akhrisku waxay aasaas u yihiin horumarka iyo dhaxalreebka bulsho kasta. Kuwa aan dhankaa ka horumarinna waxay la dersaan dhibaatooyin iyo caqabado  noloshooda ku taxnnaada inta ay noolyihiin. Dhaqanka ay ummadi leedahay ma wada wanaagsana, in xun iyo in wanaagsan ba wuu leeyahay. Si kasta ha ahaatee, Soomaalida dhibteeda ugu weyni waxay tahay dhaqankooda ma rumaysna in dhibic xumaan ahi ku taallo. Taasi waxay ka dhigtay dad qab weyn oo xumo iyo wanaagba wixii hortooda yaallay ku qancay. Cid kasta oo giraantaa ku wareegsan wax ka sheegtana waxay la beegsadaan weerar qaawan oo aan tudhaale lahayn.

Burbrukii dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed ka dib maalin kasta waxaa hoos u sii dhacaya noloshii miyiga iyo xoolo raacato da, sidaa cagsigeedana waxaa sii kordhaya noloshii magaalada iyo dhibatadeedii. Magaalooyinku waxay wataan dhaqan aan suurogal ka ahayn ka miyiga oo aad u faracyo badan.

Dakharada ay magaalooyinku gaadhsiiyeen noloshii Soomaalida ee koobnayd waxaa ka dhashay xorriyad xad dhaaf ah oo xadhkaha goosatay. Qofna dhaqanka magaalooyinka ka aloosan ee fusuqa ah kama doodo oo ma diidi karo. Haddii se buug laga qoro noloshaa wuu ka dhiidhiyaa oo wuxuu aqbali waayaa dhaqanka isaga oo nool hortiisa maalin kasta yaalla in uu buug ku dhignnaado! Taasi waxay keentay saamayn weyn oo gacan siisay xumihii. Waxaa guulaystay xumihii. Kama hadlayo in buuggan la taageero, guud ahaan dhaqankeennu wuxuu u baahanyahay in intiisa xun bulshada laga wacyi geliyo; gaar ahaan dhaqanka haweenka liida oo dhan in dhan looga soo wada jeesto. In hablaha loo oggolaado inay ka soo baxaan waajibaadkooda nololeed oo dhistaan oo ku noolaadaan riyooyinkooda iyo hammigooda.

Waxaan ku soo gunaanadayaa talo aan siinayo dhallinyarada: Waxaad adiguba ogaan karto yaan cid kale kaaga warramin. Ka sarriigo xumaha oo maankaagana xor u noqo.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews