“Farmaajo Waxan Xasuusinayaa Reer Hargeysa Iyo Siyaad Barre Waxa Isugu Dambaysay 14-kii March 1988 Maalin Khamiisa, 5-tii Galabnimo”

0
1

Hargeysa (Hubaal) Boobe Yuusuf Ducaale oo u waramayay Zaab tv, ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu Farmaajo ka sheegay Wadahadalada Somaliland & Soomaaliya. Boobe waxa uu ka hadlay maalintii reer Hargeysa iyo Maxamed Siyaad Barre isugu dambaysay.

“Farmaajo wuxu ka hadlayay wadahadalada, ereyo kooban oo dhumuc iyo qotton midnaba lahayn oo si sar-ka-xaadis ah uu u yidhi waanu jecel nahay midnimada ummadda soomaaliyeed iyo hadalo uu raacraaciyay oo ahaa,wixii tabasho ah ee aad qabtaan diyaar baanu u nahay inaanu idinka guddoono, wax caynkaas ah. Ma aha markii u horraysay een maqlayo ereyadaas ah wixii tabasho ah, nin xafiiska ra’iisal-wasaaraha ka hadlayayna habeen sii horaysay isna sidaasuu lahaa. Nidaamkii Siyaad Barre waa laga cawday, waxbaa laga tawday, wuu maqli waayay, nidar iyo axdi baa la galay dabadeed madfac baa dhegaha laysugu furay. Dhegihii daboolnaa hadday ii daloolaan damqashaa ku dhalisay’ AHUN Gaariye ayaa lahaa. Nidaamkaasi wuu dhammaaday waa lakala calaf qaaday, waa lakala guulaystay maantana annaganaa Hargeysa joogna. Farmaajo waxaan xasuusinayaa Siyaad Barre waxa Hargeysa ugu dambaysay 14-kii March 1988 oo maalin khamiisa ahayd, shantii galabnimo ayuu halkaa ka dhaqaajiyay oo reer Hargeysa iyo Siyaad Barre isugu dambaysay. Markii Stadium-ka ka baxay hadalkii ugu dambeeyay ee uu ka yidhi waxa uu ahaa; ‘reer Hargeysoow waa I erideen’ cajalad bay ku duuban tahay oo way taalaa, laga yaaba maalmaha dhaw ee soo socda inaad maqasho, sidaas baanu nidaamkaa ku kala tagnay. Maanta iyo Soomaali danteeda, soomaalidu way badan tahay oo shan baynu nahaye, midno ereyga la yidhaa marka laga hadlayona shan (5) baynu nahay, markaynu israaca ka wadahadlaynana laba (2) nahay.” Sidaasi waxa yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo jawaab ka bixinayay hadal uu Farmaajo ka sheegay Wadahadalada Somaliland & Soomaaliya

SHARE
Article horeSomaliland Oo Ka Jawaabtay Dacwad Soomaaliya Ka Gudbisay Socdaalkii Madaxweyne Biixi Ku Tagay UAE
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here