Faysal Cali-waraabe Oo Sharraxay Dhadhanka weedh o Uu Dhawaan U Diray reer Awdal & Macnaha Ay Xambaarsanayd   “Hadalkaygu Wuxuu Ahaa Oo Idhi ‘Reer Awdaloow……..”

0
1

“Cidda Hadalka Bedesha Ee Illaahay Qur’aankiisa Ku Sheegay Waa Yuhuudda, anigana Hadalkaygii maalintii dhawayd la badalay”

********************

“Waxaan Ka mid Ahay Dadkii Ka Shaqeeyey Daminta Dagaalkii Cigaal Lagu Qaaday, Raggii  xaglo-toosiye & Khaatumo soo xero-geliyey Ayaan Ahay oo aniga iyo aabahayba nabadda ayaanu ku suntannahay ee reer Puntland ha la laayo ma odhan”

HArgeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali WAraabe ayaa meesha ka saaray hadal uu sheegay in laga been abuuray kaasi oo ujeedadiisii la  badalay, macnihiisina la dhalanrogay. Faysal Cali Waraabe waxaa uu naqdiyey dad uu ku tilmaamay in ay dhaqanki Yuhuuda ku sifoobeen oo ay bedeleen hadalkiisa.

“Hadalkaygii maalintii dhawayd la badalay, horta wax hadal badala waxaa jirta Yuhuuda, Illaahay baana quraankiisa ku sheegay inay hadalka badasho, laakiin hadalkaygu waxaa uu ahaa oo aan idhi ‘reer Awdaloow, innagoo intaas oo qof oo reer Garoowe iyo reer Boosaaso  ahi ay inala joogaan ayay [Puntland] hal milyan oo dadkii tabaaladu ku dhacday loogu talo galay ay inoo quudhi waayeen, markaa waxaan is barbar dhigayay wanaageenna iyo xaasidnimadooda.” Sidaasi ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo qaar kamid ah wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa saaka markii laga soo baxay saalada ciiddul fidriga, halkaas oo uu guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo daray farriintii salaanta ciida ee ay masuuliyiinta qaranku shacbiga u dirayeen.

Guddoomiye Faysal Cali waraabe wuu sii watay hadalkiisa oo waxaa uu intaa ku daray oo uu haba yaraatee meesha ka saaray in uu ku baaqay in la laayo dadka reer  Puntland eek u sugan Somaliland, “Anigu reer Puntland ha la laayo ma odhan. Anigu raggii Xaglo—toosiye raggii SSC kala shaqeeyey [soo xero-gelintiisa Somaliland] ayaan ahay, Khaatumo raggii ka shaqeeyey ayaan ahay, dagaalkii Cigaal lagu qaaday dadkii ka shaqeeyey ayaan ahay, markaas nabada uun baan ka shaqeeyaa oo aniga iyo aabahayba nabada ayaanu ku suntannahay. Markaas waxaan leeyahay hadallada yaan la badalin ee illaahay hala baqo”.

Geesta kale waxaa uu farriin u diray dadka kicinta dadweyne ka wada gobolka Sool, isaga oo reer Laascaannood kala doorran siiyey inay nabada iyo horumarka ku faro adaygaan iyo in ay qalalaanse iyo qaxootinnimo gacantooda ku sababaystaan “ Weli Adduunka lama arag dad la leeyahay guryihiina soo guba oo garoowe ku soo qaxa, dadka leh reer Laascaannoodoow ka kaca, waxaan leeyahay Laascaannood ma waxa ay doonayaan inay qaxoonti noqoto, Illaahay SW qaxoonti idinkama yeello. Tobankii sanno ee ay Somaliland gacanta ku haysay waydinka arka sida ay Laascaannood u horumartay ee ay caafimaadka u yeellatay, Jaamacadaha ku yeelatay, qabiilna lagu dagaalami maayo ee waxa lagu dagaallamayaa waxa weeye dhul fidsi ay reer Puntland doonayaan, kaasi oo ay gaallada ku yidhaahdeen waxaanu doonaynaa oo u baahannahay illaa 30Km oo dhul fidsi ah, dee 30-kaas dadkii ahaabaa  daafacaya”. Ayuu fAysal yidhi.


A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here