Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Imaaraadku Waqtigan Somaliland ula Macaamilo Dal Iyo Dawlad Madax-Bannaan

0
17

“Soomaaliya Oo Dowlad Sharci Leh Oo Midaysani aanay Ka Talin Ayaa Haddana Dalal Waaweyn Oo Turkigu Kamid Yahay Ay Ka Dhisteen Saldhigyo Milatari.”

Dubia (Hubaal) Gudddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa difaacay heshiiska dekedda lagu maalgelinayo ee ay Somaliland la gaadhay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World. Eng. Feysal Cali Waraabe oo kamid ahaa weftigii madaxweynaha Somaliland u raacay dalka Imaaraadka ayaa sheegay in waqtigan ay dawladda Imaaraadka Carabtu Somaliland ula macaamisho, sidii dal madax-bannaan; “marka xaqiiqda laga hadlayo, laba dal oo isku biiray baanu ahayn, oo lakala odhan jiray (Somaliland iyo Soomaaliya), labadiiba waannu tuurnay oo waxaannu la baxnay Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasina meesha way ka baxday oo 1991-kii Somaliland baa abuurantay, immikana wax Soomaaliya la yidhaa ma jirto.” Sidaasi ayuu yidhi Eng. Feysal Cali Waraabe oo khadka telefoonka ugu waramayay laanta af-soomaaliga ee idaacada BBC-da. Eng. Feysal Cali Waraabe waxa uu intaasi ku daray “Somaliland oo marka hore maaha dalkii u horeeyay ee Saldhig yeeshay, waad aragtay dalka Jabuuti, intaas oo ummadood oo kala jaad ah bay isku keentay. Taas aad sheegayso (Soomaaliya) iyana waad aragtay, Maraykan baa saldhig ku leh oo Bali-doogle ka samaystay, Imaaraadka ku leh, Turkigaa degan oo saldhig Milateri kii ugu weynaa ku leh, markaa yaa u fasaxay inuu Turkigu ka samaysto saldhig Muqdisho iyo dhulka Soomaaliyeed, ileyn dowlad sharci leh oo midaysani kama taliso oo majirto.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here