Faysal Cali-waraabe Oo Si Qaawan U Weeraray Madaxweynaha Somaliland

0
1

“Dib-u-dhaca Doorashada Annaga Xil Nagama Saarna Ee Madaxaweynaha Ayaa Eeda Qaadaya, haddii uu waqtigeeda ku qaban waayana……”

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay si qaawan u weeraray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ku hanjabay inuu xilka ka xayuubin doono.

Guddoomiye Faysal oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa shalay, waxa uu ku tilmaamay Madaxweyne Biixi dagaal-ooge caalamka laga yaqaan. “Uma ogolaanayno inuu Muuse dalkayaga burburiyo, waannu ka hortagaynaa.” Ayuu yidhi guddoomiyaha Ucid oo si cadho leh uga jawaabay eedeymo madaxweynaha Somaliland ku xidhiidhiyey hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarid, inay abaabulayaan shir-beeleedyo dhan ka ah dimuqraadiyadda iyo qaranimada jamhuuriyadda Somaliland iyo mas’uuliyadda dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka mas’uuliyadeeda iskaga riixay dhinaca madaxweynaha oo uu sheegay in isaga lagala xisaabtamayo “annaga xil nama saarna ee isaga [madaxaweyna] eeda qaadaya.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ku dooday in aan wax xil ahi ka saarnayn hawlaha doorashooyinka “haddii uu waqtigeeda ku qaban waayo doorashooyinka, baarlamaankaasina fadhin maayo, isagana [Madaxweynaha] hoggaankiisa waannu ka tashanaynaa.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa

SHARE
Article hore“Nin Maayir Baloodh U Diiday oo leh Hala Soo Yareeyo Tirada Lagu Eryo Xeerka Looma Sameeyo ee…”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here