Faysal Cali-waraabe oo Xalay Saacadihii Dambe hadlay, Muxuu Ka Yidhi Xadhigga Madaxada WADDANI iyo Qorshahooda Maanta?

0
1

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali-waraabe oo xalay goor dambe waraysi siiyay Bulsho tv, ayaa hadlay kulan uu xalay ugu tegay madaxweynaha somaliland, Muuse Biixi, kaasi oo sida uu sheegay ay kawada hadleen xaaladda jirta iyo xadhigga saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo xalay fiidkii ciidanka boolisku xabsiga dhigeen.

Guddoomiyuhu waxa ugu horreyn bulshada somaliland, gaar ahaan shacabka Hargeysa ku dhaqan ugu bushaareeyay in aanay wax dhibaato ahi jirin, isla markaana ay nabad ku seexdaan, kuna soo toosaan

Guddoomiye Faysal waxa uu xukuumadda madaxweyne Biixi ku dhaliilay xadhigga masuuliyiinta Waddani oo uu sheegay inay ahayd tallaabo lagu degdegay.

Waxa kale oo uu Eng Faysal Cali waraabe ka hadlay, bannaan-bax guddoomiyaha xisbiga Waddani ugu baaqay taageerayaashiisa inay isugu soo baxaan Isniinta maanta xarunta xisbiga ee Hargeysa.

SHARE
Article horeDhallinyarada Bariga Hargeysa Oo Ganafka Ku dhuftay Baaqii Cirro ee Isku soo Baxa Xisbiga WADDANI
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here