“Faysal & Cirro Haddii Ay Hoggaamiyayaashii Qaranka Yihiin Waxa Looga Baahan Yahay Inay Waxyaabaha Fidnada & Naca Dadka Ku Dhex Abuuraya ay In Badan Ka Wareegaystaan”

0
1

Madaxweyne Biixi oo ku eedeeyey Hoggaamiyeyaasha Mucaaridka Wiiqidda Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Somaliland

Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ayaa ka hadlay deeqaha waxbarasho ee ardayda reer Somaliland ugu deeqday dawladda Itoobiya oo hannaanka loo qaybiyey ay doodo ku fureen hoggaamiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, waxana uu uga digay inay bulshada u horseedaan xumaan iyo tafaraaruq midnimadooda dhantaalaya, waxana uu yidhi, “Labadii xisbi ee mucaaridka ahaa waxa ay ka hadleen deeqda waxbarasho ee Itoobiya ina siisay, haddii aanad xumaan doon ahayn oo aanay guddoomiyeyaashu meel xun wax ka eegaynin oo ay hoggaamiyayaashii qaranka yihiin waxa looga baahan yahay inay waxyaabaha fidnada iyo naca dadka ku dhex abuuraya ay in badan ka wareegaystaan, mana aha inay iyagu dadka farta ugu fiiqaan oo ay yidhaahdaan balaayaa jirta, waayo umaddii hoggaamiyaashaas daba socotay colaad bay qaadanaysaa, waxana ay kari karayeen inay u tagaan wasiirka waxbarashada oo ay ogaadaan nidaamka wax loo qaybiyey, dabadeedna ay yidhaahdaan halkaasay wax ka qaldantay.” Ayuu yidhi madaxweynuhu

Shir-beeleeddada ay hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ee UCID iyo WADDANI beryahan ku tiraabayeen qabashadiisa, ayuu sidoo kale madaxweynuhu si adag uga hadlay, isaga oo wax laga yaq-yaqsoodo oo sharciga baalmarsan ku tilmaamay shirarka Beelaysan ee ay hoggaamiyayaashaasi bulshada lasoo hor fadhiyaan, “Labada guddoomiye ee xisbiyada WADDANI iyo UCID-ba waxa ay ku dhawaaqeen inay shir-beeleed qabanayaan, guddoomiye xisbi oo ummaddu boqolkiiba afartan (40%) dooratay sida uu shir beeleed ugu dhalanayaa aniga way ila qaldan tahay, ummadayse dhex taallaa, taasna waxan ka taaganahay dadku markay is qabtaan xeerkay ku kala baxaane saddexda guddoomiye xisbi ee aan ka mid ahay kii ku dhawaaqaba waxa ka dhalanaya dambi sharci, annaguna KULMIYE ahaan shir-beeleed xisbi ku dhawaaqaya ma nihin, xisbiga ku dhawaaqana waxannu leenahay kaa qalad oo marxaladdaas waynnu ka gudubnay oo distoor baynnu ka samaysannay, nin walbana Somaliland oo dhan baa isku raacday, shir-beeleedna waa dib u noqosho oo maanta looma fadhiyin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtoyada

SHARE
Article horeMadaxweyne Biixi Oo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka Ku Eedeeyey Carqaladaynta Doorashada
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here