Feysal Cali Waraabe Oo Sheegay In La Gaadhay Xilligii Ay Jamhuuriyadda Somaliland La Jaanqaadi Lahayd Reer Yurub

0
54

“Ingiriisku Waa Danayste Xun Ee Waxaan Leeyahay Aynu La Jaanqaadno Jarmalka Iyo Faransiiska Oo Maanta Ah Labada Dal Ee kala Hoggaaminaya Awooda Siyaasadda Iyo Ta Dhaqaalaha ee Reer Yurub.”

 

Hargeysa (Hubaal) “Wuxuu Jarmal-ku noo sheegay in Hargeysa ay ka dhisayaan iskuul lagu barto farsamada gacanta oo dhawr kun oo qof ay waxka barato. Saddex bay na yidhaahdeen, wasaaradda iskaashiga iyo horumarinta ee Jarmalku, waanu dhisaynaa, saddexdaa mid Somaliland baanu u qorshaynay, labada kalena dowladda Soomaaliya, ayay na yidhaahdeen.” Sidaasi waxa yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Feysal Cali waraabe oo HCTV u uga waramayay safar uu ku tegay dalka Jarmalka. Eng. Feysal Cali waraabe waxa uu soo jeediyay oo sheegay in Somaliland waqti xaadirkan ay haboon tahay inay aad ugu dhawaato oo ay la jaanqaado siyaasadda midowga reer Yurub, isla markaasina Ingiriisku hadda ka baxay midowgii Yurub, ee ay hogaamiyaan Jarmalka iyo Faransiisku, isagoona sabab uga dhigay in dawladda Ingiriisku ay hadda danteeda ka aragtay in muhiimada saarto Soomaaliya; “Ingiriisku hadiyo jeer waa dal wax gumaysan jiray oo wax wuu danaystaa, Soomaaliya in badan buu ka danaystay, innga qudheena Somaliland, markuu dhulkii Resave erea bixiyey, wuu innaga danaystay, markuu NFD sameeyay, wuu innaga danaystay, imikadan lafteedana wuu danaystay oo Baddaa Indian Occean-ka ayaa shirkad weyn oo uu isgagu leeyahay ka samaystay oo uu kheyraadka ku gurto. Balse hadda waxa innaga innoo haboon inaanu abaarno dhinaca Jarmalka, oo technology-giisu sareeyo, waddanka Yurub ugu dhaqaalaha badana ah, iyo wadanka Faransiiska oo isna dhinaca awooda siyaasadda hogaamiya Yurubta, markaa taas ayaynu u baahan nahay. Ayuu yidhi Feysal Cali waraabe

 

Geesta kale Feysal Cali waraabe waxa uu boggaadiyay dadweynaha gobolka Awdal oo uu sheegay inay guntida u xidheen, inay nidaamka iskaa wax-u-qabsada ah ku dhistaan waddo laamiya, waxaana uu sidoo kale xukuumadda ugu baaqay in hannaanka dawladnimada la gaadhsiiyo dadweynaha ku dhaqan degmada Widh-widh oo si rasmiya u fuliyey heshiishkii Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi; “reer Awdal markii horena iyagaa soo saaray Iskaa-wax-u-qabsada, imikana iyagaa ugu horeeyay oo doonaya inay dadku waddo samaystaan. Reer Hargeysa inay isku tagaan, bal wataase ha samayso guddi oo magaalada dhan nadiifisa, car reer Berberi waa kuwaase ha samaystaan, waa waxa dalalku ku hormareen. Reer Widh-widh waan bogaadinayaa, heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland waa kuwaa sida fiican u fuliyey, xukuumaddana waxaan leeyahay, wixii degmadaasi xaq u leedahay in loo hirgaliyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here