Fikrad Cusub Oo Muwaadin Reer Somaliland Ah La Yimid Oo ay Bulshada Ku Dhaqan Hargaysa Aad Ula dhaceen

0
1

Weligaa ma ku fekertay in dayaarad weyn oo nooca rakaabka ah, laakiinse dhaqan-ka-bax ah laga dhigi karo makhaayad cunto wanaagsan leh?

Hargeysa (Hubaal) Fikradaas waxaa magaalada Hargaysa la yimid Khadar Xasan Daa’uud oo ka mid ah dadka qurbaha ka soo laabtay. Dayaaradaas oo beri ahaan jirtay mid ka shaqaysa Hargaysa iyo waddamada kale ee gobolka, ayuu Khadar sheegay in fikraddan ay ku dhalatay “markii ay dayaaraddu cilladowday”, isna uu London ku lahaa xafiis tikidhada gooya oo uu axwaasha diyaaraddan la socday. “London markaannu joognay maraakiib ayaa makhaayado laga dhigi jiray, maadaama aan taas soo arkay, waxaan ku fekeray ‘dayaaradii aad tikidhada u goyn jirtay maad makhaayad ka dhigtid'” ayuu yidhi Khadar. Wuxuu intaa ku daray Khadar in uu ku sameeyo makhaayadda raashin u badan kan “waddaniga” loo yaqaanno, laakiinse noocyada kale ee cuntooyinkana aanay meesha ka madhnayn.

Khadar Xasan Daa’uud oo ah ninka fikradan keenay ayaa ka mid ah dadka qurbaha ka soo laabtay

Qaar ka mid ah dadkii makhaayadaas tegey waxay la dheceen fikradaas. Saynab Muuse oo xilliga uu weriyaheennu booqanayey makhaayadaas joogtay, caruurna wadatay waxay tidhi “waa markii labaad ee aan la kulmo dayaarad makhaayad laga dhigay. Addis Ababa ayaan markii hore ku arkay, markanna waa anigan dhex fadhiya Hargaysa, waxayna ka mid tahay horumarka uu waddanku gaadhayo”. “Waxaan doonayaa in ay ogaadaan qurbajoogta in ay ogaadaan in dalka la maalgashan karo” ayuu Khadar ku yidhi BBC.

SHARE
Article horeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here