Fu’aad Aadan Cadde: Han-fogaan……..Kal-furnaan- Qormada 1aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
21

“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

 Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

 Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

 Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

 Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

 Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

 Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

 Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”fu'aad aadan cadde

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

19/7/20015ka, Hargeysa,

Qormada 1aad

Waa qormo aad u kooban. Waa mid aan ku qasbanahay oo aan marnaba I dhaafi karin, Ilaahay oo si kale qaddara ha joogto e’. Waa gole-ka-fuul oo waqti badan oo aan isku diyaariyo uma aan helin. Geerida naxdinta leh ee Fu’aad Aadan Caddena wax laga aammuso ma aha. Kolley nin rag ahi ka aammusi maayo, qof kale se mooyaan.

15kii bishii saddexaad ee Marj, 2014kii, aniga oo ka hadlayay ama qormooyin aad u koobnaa ka qorayay geeridii naxdinta lahayd ee Maxamed Saleebaan Tubeec, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, waxaan idiin dareeriyay:

“Geeriyaha qaarkood isu ekaa…….Xilligu isu ekaa…….Sida la isu gaasirayaa isu ekaa……Sida foolaadka mujtamaca loo illoobayaa isu ekaa…….Maansada tuduca aynu qormadan ku ballaysinnay ka soo qaadannay, waxa tiriyay Cali sugulle Dun-carbeed. Wuxu ka dul tiriyay xabaashii Maansayahankii, Xiddigiyihii, Murti-dhaadhigii, Far-horseedihii, Taariikhyahankii, Dhaqan-dhaadkii, Hidde-dhowrkii, Macallinkii Muuse Galaal, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Waxaan filayaa in ay ahayd bishii Diisambar 1980kii iyo magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre, wuxu ka mid ahaa madaxdii aaska ka soo qayb-gashay. Cali Sugulle maansadan baroor-diiqda ah wuxu ka dul tiriyay aaskii. Maanta oo aynu geeridii Maxamed Saleebaan Tubeec u joogno, waa maalin maalintaa iyo qaar badan oo ka dambeeyay aan la kala sooci karin. Maalmuhu isu ekaa.

Muuse Galaal ayaa magaalada Muqdisho ku xanuunsaday. Dhinac walba waa loo orday oo kacaan-sheegatadii xukunka maroorsatay waa loogu taag waayay in Odeyga dhakhtar dibadeed la geeyo. Wuxu ka tirsanaa Akaademigii Cilmiga, fanka iyo suugaanta. Waxa kale oo uu xubin ka ahaa Guddidii Af Soomaaliga. Muuse Galaal waxa kale oo uu ka tirsanaan jiray Guddi ay UNESCO u saartay qoraalka ’Encyclopedia’ qaaradda Afrika loo diyaarinayay. Mar dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dahceen ayay Deeqa Colujoog oo Akaademiga ka madax ahayd ku guulaysatay in Muuse Galaal dibadda loo qaado. Dayuuraddii oo hawada ku jirta ayuu dhintay, ka dibna waxaan u malaynayaa in magaalada Jedda laga soo celiyay.   

Ma Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) ayaynu ogeyn……Ma Qaybe ayaynu ogeyn…….Ma Maxamed Saqadhi Dubbad ayaynu ogeyn……Ma Xuseen Aw Faarax Dubbad oo reero muskood lagu aasay ayaynu ogeyn…..Ma Xasan Diiriye ayaynu ogeyn…….Ma Cumar Dhuule ayaan loo barooran……Ma Faadumo Xirsi Cabbane ayaynu ogeyn…..Ma Faa’isa Xaaji Cabdillaahi ayaynu ogeyn, Guddoomiyihii Ururkii Alla Aammin, waa Faa’so-dheer e’. Immisa hebel oo kale……Immisa heblaayo oo kale ayaa madaxiinna iyo xiskiinnaba ku wareegaysa. Maye geesiyaashii….Maye intii dal iyo dadba u soo dhaamisay….. Intii u soo halgantay….Intii haydaarta iyo hadimada u soo mudatay…..Intii u soo dhaawacantay.

Bal u fiirsada kumaankunka doollar ee sannad walba xukuumaddeenna Dhagax-dhiga Dhul-jecel kaga baxa daabulka Qurba-joogga iyo dibad-bixinta qolqol-joogga. Miyaydaan dareemin sannad-guuro kasta oo Meey inta dibadaha laga keeno ee hudheellada loo kireeyo iyo inta kale ee mar-dhoofka ah ee gacan-mariska loo geeyo dibadaha. Markaa ay maqasho halyay qaran ayaa xijaabtay ayay aas-qaran iyo guddiyo-samayn ku meeraysataa.

Maansho e’ Timacadde lahaa:

“Dambarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay,”

Sow tii Gaarriye inagu yidhi: Aas qaran waxa ka horreeya aroos qaran. Qof noloshiisii la qiimayn waayay, maxay qiimaynta aaskiisu macno samaynaysaa. Sow tii uu Gaarriye lahaa:

“Ha laguu ilmeeyee,

 Horto dhimo af maahee,                    

 Eeggoo la noolyiyo,

 Ifkaan kaaga baahnahay,              

 Wax yar oo aqoonsiya,

 Oon aad u buurnayn,                              

 Oo weliba eegeey,

 Igu sii amaahoo,

 Ictiraafka buuxee,

 Aakhiro markaan tago,

 Iilka igu sugaayiyo,

 Ayaantaan xabaal galo,

 Oohintaan mutaystiyo,

 Akowntkayga laga jaro,”

 

Xigashadaa kooban aan ballaysin ka dhiganno. Wax kale ugama gol lahayn e’, geeriyaha ayaa isu ekaa. Geesiyaal galbaday oo ku geeriyooday geyi shisheeye. Meydkoodii oo diyaarado lagu keenay, aas-ku-sheeg qaran oo loo smaeeyay iyo Guddiyaal aasaskaa loo magacaabay. Hadda waa geesiyaal qaran oo aan noloshoodii dheerayd waxba la gashan, bal se la gaasiray. Waxba yaan gocoshada naftan gaatin-socodka guhaadinnine aan uga gudbo geesiga hoyday oo wax aan sidaa u badnayn oo xus iyo xusuusba ah ka soo garoocdo sooyaalkiisii nololeed inta aan ka gaadhi karo.   

Maqalka ka-sokow, Fu’aad Aadan Cadde barashadiisa waxa iigu horreysay 1993kii. Waa maalmihii aynu ku jirnay Shirweynihii Guurtida ee Boorame. Ergooyinka Shirweynaha fadhiyay 151 ayay ahaayeen. Siddeed ayaa ahaa Shir-guddoonka oo aan cod lahayn. Waa maalmihii ay Guurtidu, Guurtida ahayd. Ergooyinka rasmiga ah ka sokow, waxay magaaldu la ciir-ciiraysay dadkii kale ee dul-joogta ahaa. Da’ walba waa ay lahaayeen. Gobollada oo dhan waa la iskaga yimid. Xubno qurbaha ka yimid ayaa iyaguna joogay.

Dadka muddakarka ah ee fagaarahaa ka muuqday ee magaalada joogay waxa ka mid ahaa Fu’aad Aadan Cadde oo ka tirsanaa mudanka odayaashii ka socday gobolka Sool. Shirweynahaas Guurtidu in kasta oo uu si rasmiya uga socday Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jowhar, haddana xaqiiqadu waxay tahay in ay shirarku inta badan ka socdeen magaalada gudaheeda. Waxa la adeegsanayay maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda: “Talo goonyaha ayay ka go’daa.”

Madasha Shirweynuhu ka socday ka-sokow waxa jiray dhowr fagaare oo kale oo saamayntooda ku lahaa Shirweynahaas. Iyada oo guud ahaanba la fadhiisan jiray meelo badan oo magaalada Boorame ka mid ah oo Ajendayaashii Shirweynahaas lagu falanqayn jiray, haddana saddexda goobood ee ugu mudnaa waxay ahayeen guryihii ama saldhigyadii ay kala degganaayeen: Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Cumar Carte Qaalib oo ahaa murashixiin u trtamayay jagada Madaxweynennimo.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here