HUBAALMEDIA.COM
Gaadhi Ambulance Ah Oo Hay’adda UNFPA Ugu Tallo-Gashay Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo La Lunsaday (SAWIRRO)
May 11, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa: (Somaliland Report news) Gaadhi cusub oo noociisu yahay hard-top Ambulance ah, ayaa la waayey meel alla meel uu ku sugan yahay muddo haatan laga joogo 32-maalmood,  kaasoo ay dadka jabaan deeqdaasi ay ugu soo marisay Ha’yadda Sanduuqada Dadweynaha Qaramada Midoobay ee loo yaqaano  United Nations Population Fund (UNFPA) oo ku wareejisay Wasaarada caafimaadka jamhuuriyada somaliland, 9 bishii April- 2017-ka.

wasiiru dawlaha2

Waxa ay dadka jabaan gaadhigan ambulanceka ah ugu tallo-galeen qaybta umulaha cusbitaalka guud ee hargeysa, kana soo qaado degmooyinka hooyooyinka dhalaya ee ay hayntoodu yar tahay, isla-markaana loo badbaadiyo hooyooyinka u dhinta umul aroorka dadlka Jamhuuriyada Somaliland.

Wakiilka Ha’yada  (UNFPA) u fadhiya Somaliland Mr. Nikolai Botev aayaa ku wareejisay furaha gaadhigaas wasiiru dowlaha wasaarada caafimaadka mudane. Maxamuud Aadan Jama, kaasoo isla-goobtaas ku sii wareejiyey ku simaha agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Faysa Axmed Ibraahim, tixraac xaqiijinta warkan war-bixintii ay ka soo saartay ha’yada UNFPA:   http://somalia.unfpa.org/en/news/unfpa-donates-ambulance-people-japan-somaliland

wasiiru dawlaha

Dhinaca kale, sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan waaxda kaydka daawada ee wasaarada caafimaadka, waxa ay noo sheegeen in gaadhigaasi uu ka kaxeeyey goobtaas, Agaasimihii hore ee wasaarada caafimaadka, Cusmaan Xuseen Warsame, kaasoo ku xareeyey gaadhigaas guri ay leedahaya Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaarada Caafimaadka oo markaasi ahayd ku simaha agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka, gaadhigaas oo illaa iyo hadda aana lahayn meel uu ku sugan yahay, isla-markaana, aan lagu wareejinin  Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Dhanka kalena, si aanu u xaqiijino arrintaas ayaan noo suura galin in aanu helno masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, ka dib, markii ka garaacnay tele-phone’da gacanta lagu qaato ee ay sitaan oo xidhnaa, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintaas, sida Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiru dowlaha wasaarada Caafimaadka iyo Agaasimaha cusbitaalka guud.

Arrintan oo fadeexad ku noqonaysa wakhti madax-weynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku dhawaaqay in la illaaliyo hantida qaranka maadaama lagalayo doorashooyin, si aanay u dhicin takri fal iyo xatooyo hantida qaranka mudada lagu jiro kala wareega xukuumada, ayaan haddana dhag jalaq loo siinin.

Tixraac: Mareegta wararka ee ha’yadda UNFPA,  http://somalia.unfpa.org/en/news/unfpa-donates-ambulance-people-japan-somaliland

  wasiiru dowlaha1 unfpi

Xigasho:  Somaliland report news.com

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews