Gaadiid Dekeda Berbera Ka Qaaday Raashinka WFP Oo Ku Xaniban Jig-Jiga

0
1

Hargeysa (Hubaal) Gaadiid tiro badan oo Dekeda Berbera ka qaaday Raashinka Mucaawimada ah ee Hay’ada WFP, ayaa muddo todobaad ah ku xaniban Magaalada Jigjiga halkaasoo ay u wadeen raashinkaa, kaddibna markii ay geeyeen laga rogi waayey wakhti ka badan lix maalmood.

Qaar kamida Gaadiidleyda ayaa sheegay inaan wali laga dejin Raashinka, sababtana waxay ku tilmaameen xarumihii lagu rogi lahaa raashinka oo buuxa, iyadoo taasina caqabad dhanka shaqada ah ku keentay.

“Baabuurta qaarkood 6 Casho ayey raran yihiin oo wali aan laga dejin, waxaana lagu jiraa wakhtigii Xoolaha la soo rarayey, markaa dhibaato weyn ayaa naga haysata”sidaas waxa GNA u sheegay mid kamida gaadiidlayda Baabuurtu ka xaniban tahay.

Waxa uu intaa ku daray “Dawladdu ilaa iminka wax talaabo ah may qaadin, maanta ayaanu doonaynaa inaan cabasho u gudbino Wasiirka Gaadiidka ee Dawlad deegaanka” ayuu raaciyey. “Baabuurtii Jabuuti ka soo qaaday Raashinka qaarbaa laba jeer noqday intii aanu joognay”.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dawladda oo la xidhiidha cabashada gaadiidlaydan, hase ahaatee warku wuxuu intaa ku daray in bakhaarada lagu rogo raashinkaasi ay buuxsameen, isla markaana ay wali socoto daabul lagu banaynayaa.

Gaadiidka xaniban ee raashinka siday ayaa badankooda waxa laga leeyahay Somaliland, waxaanay sida caadiga ah markay soo laabtaan soo qaadaan Xoollo nool oo laga dhoofiyo Dekedda Berbera.

SHARE
Article horeSawirkii Faysal Cali-waraabe Iyo Farmaajo Wuxuu Jawaab U Yahay Sawirkii Muuse Biixi Iyo Ismaaciil Buubaa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here