Gefafka Diineed Ee Ku Jira Xeerka Kufsiga (Lr78 / 2018).

0
1

Inaga oo ah dad Islam ah oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana hubaal ah ujeedada inay tahay in la baddalo oo la laalo axkaamtii shareecada iyo ciqaabihii ilaahay u jideeyay fal danbiyada waaweyn, sida Sinada, cabitaanka khamriga, isticmaalka daroogada, qadafka iyo wixii lamida, iyadoo lagu bedalaayo xeerar lagasoo dheegtay xeerarka dalalka aan muslimka ahayn, kuwaas oo xanbaarsan mabaadii iyo dhaqamo xun xun oo ka horimanaya dhaqankeen ku dhisan islaamnimada.

Hadaba waxa inagu cusub xeer si degdeg ah loo marsiiyay golayaasha qaranka, xeerkaas oo lagu Magacaabay Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ( xeer LR 78 / 2018) Balse dalalka aan muslimiinta ahayn ee laga soo xigtay inta badan looga yaqaano Sexual Act. Waxaana la soo dhex mariyay ururoda bulshada qaar kood sida ururka Nagaad,ururka health caucus oo ay ku bahoobeen xildhibaano ka tirsan G/wakiilada iyo qaar ka mid ah ururada bulshada.

Waxa xoog iyo aduun ba la saaray xeer kaasi in la mariyo jidka toosan ee xeerarku mariyaan,cidii dabada ka riixaysay way ku guulaysatay waanay marisay.Inkasta oo G/guurtidu ka biyo diiday,culimadu ka biyo diiday,shacabka intiisa badinina ka biyo diiday hadana dheg waa loo dhigi waayay.Waxa geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulay xeerkan sidii loo joojin lahaa oo soo bandhigay qaladaadka ku jira ururka Qareenada ee JSL,una lafo guray qodobada xaaraanta ah kuna lidka ah shareecada,dastuurka iyo dhaqanka suuban ee dadkeenu leeyahay.

Hadaba muwaadin si deggan u akhriso qodobada ugu muuqashada badan ee muujinaya gefafka iyo khaladaadka ku jira xeerkan ee waajibinaya in la buriyo lana laalo,lagana toobadkeeno :

 

1 – Xeerkani wuxuu masabiday kuna been abuurtay shareecada islaamka waayo iyada oo ay cadahay sida uu lidiga ugu yahay shareecada islaamka axkaamteedana uga fogyahay, ayuu ku daray ujeedooyin ka xeerkan loo dajiyay inuu yahay xeer waafaqsan shareecada islaamka , dastuurka qaranka jsl , mabaadida guud ee cadaalada, qiyamka, iyo dhaqanka suuban ee ummadu leedahay ( eeg qodobka 3aad faqrada koowaad ) .

Waxaynu ogsoonahay ku been abuurashada ilaahay lagu been abuurto iyo shareecada in loogu abtiriyo waxaan kamid ahayn inuu yahay danbiyada ugu waaweyn ee ilaahay laga galo , siduu ilaahay yidhi:

( ولا تقولوا لما تصف ألسنتكم الكذب هذا حلال وهذا حرام لتفتروا على الله الكذب إن الذين يفترون على الله الكذب لا يفلحون, متاع قليل ولهم عذاب أليم ) النحل / الاية 116 – 117وقال تعالى (انظر كيف يفترون على الله الكذب وكفى به إثما مبينا ) النساء / الاية 50

2 – Xeerkani wuxuu afka ka dhawray inuu adeegsado areyga shareecadu u isticmaasho, muslimiintuna fahmi karaan oo ah ( Sino ) wuxuuna badalkeeda adeegsaday areyo kale sida : galmo iyo kufsi oo ah (sino loo isticmaalay awood iyo jujuub), waxuuna hoos geeyay wax aanay shareecadu Sino u aqoon, sida xubinta taranka oo lagu isticmaalo meel ka baxsan xubinta taranka iyo dabada , taas oo ula jeedadeedu tahay in ummada laga dhaadhiciyo in sinada foolxumada ahi ay tahay ta ku timaada si khasab iyo jujuub ku dhisan sida kufsiga , isla markaana sinada lagu kala raali yahay aanay ahayn denbi ciqaab lagu mutaysan karo. ( eeg cutubka koowaad , qodobada guud , qodobkiisa koowaad ee ku saabsan erey bixinta) .

3 – Xeerkani wuxuu ku koobay Sinada fal danbiyeedka ah ta ku dhacda ogolaansho la’ aan ama lagula kaco qof aan ogolaansho bixin Karin ama lagu khiyaameeyay nooca sinada ama cida uu la sinaysanayo iyada oo sinada laysla ogolyahay aanu ku sheegin fal danbiyeed wax ciqaabana aanu u jaan goyn , waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay ( eeg qodobka 4 aad faqradiisa koowaad xarafka b)

4 – Xeerkani wuxuu laalay ciqaabtii shareecadu u dejisay qofka Sinaysta , si khasab ah ama qofka kale la ogol yahay ciqaabtaas oo ah :

A – hadii qofka sinaystay guur sharci ah soo maray in la arjumo ( dhagax lagu dilo).

B – hadii qofka sinaystay aanu soo marin guur sharci ah in lagu dhufto boqol jeedal sanadna laga mastaafuriyo deegaanka uu ku sinaystay.

J – Hadii uu ku sinaystay weerar hubaysan wuxuu mutaysanayaa in la mariyo ciqaabta shareecadu u dejisay budhcadnimada ee ku xusan aayada 33 ee suurada maaida.

Xeerkani xadkii sinada wuxuu ku bedalay xeer ciqaabeed kale oo laga soo dheegtay xeerarka ay samaysteen gaaladu sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo u badan xadhig . ( eeg qodobada 4 aad ilaa qodobka 15 aad ) .

 

5 – Xeerkani wuxuu fasaxayaa galmada dhex marta laba qof oo kasta oo isku jinsi ah ama kala jinsi ah, marhadii ay raali iskaga yihiin oo ogolaanshana bixin karaan , waayo wuxuu faldanbiyeed ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigayaa galmada ku dhacda ogolaansho la’ aan , ama lagula kaco cid aan ogolaansho bixin Karin , isagoo marnaba fal danbiyeed ku sheegin ta raali lays kaga yahay oo aan wax ciqaab ahna aan u sheegin ( eeg qodobka afraad faqradiisa koowaad xarafkiisa b , qodobka 7 aad faqradiisa koowaad xarafka b iyo t , qodobka 8 aad faqradiis koowaad , qodobka 9 aad faqradiisa koowaad .

Tani waxa markhaati cad u ah xeerarka xeerkan laga soo dheegtay oo iyagu arin kan si cad u sheegaya oo aan u maldahin sida xeerkani u maldahay .

6 – Xeerkani wuxuu faldanbiyeed ka dhigayaa galmada iyo fara kaciyaarka dhex mara labada lamaane ee is qaba hadii ay u dhacdo si aan midkood raali ku ahayn , waayo wuxuu fal danbiyeed ka dhigay galmo iyo fara kaciyaar kasta oo ku dhacda ogolaansho la ‘aan, isaga oo aan kala qaadin ta dhexmarta lamaanayaasha is qaba iyo ta dhex marta dadka aan xalaasha isu ahayn , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecadu fal danbiyeed ka dhigtay hadii labada lamaane midkood kasoo bixi waayo galmada ka kele xaq ugu leeyahay iyada oo aanu haysan wax cudur daar ah oo shareecadu tix galisay ,waxaa rasuulkeena suubani yidhi :

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( إذا دعا الرجل امرأته الى فراشه فأبت عليه فبات غضبانا عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح ) متفق عليه.

( eeg qodobka 8 aad faqrada koowaad )

7 – Xeerkani wuxuu si duuduuban oo aan kala qaadis lahayn faldanbiyeed uga dhigay in qof loo guuriyo iyada oo aan ogolaansho laga hayn taas oo macnaheedu yahay hadii waligu uu guuriyo gabadh aan qaan gaadhin inuu ku kacay faldanbiyeed uu ciqaab ku mutaysanayo, waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay , iyada oo aynu ognahay in shareecadu ogoshahay in loo guurin karo qof yar ama waalan hadii dantiisu ku jirto . ( eeg qodobka 9 aad ).

8 – xeerkani wuxuu yidhi waxa caruur looga jeedaa qof da’diisu ka yartahay 18 jir sida ku cad boga erey bixinta , taas oo macnaheedu yahay in qofka ka yar 18 jir aanu qaan gaadh ahayn , iyada oo la ogyahay in shereecadu qaan gaadhka iyo ka gudubka axkaamta caruurnimo ku xadaysay in uu dhamaysto 15 sano oo dayax tirsi ah, sida ku cad xadiiska ibnu cumar, mad-habka shaaficiyaduna dhigayso , sidoo kale xeerkani wuxuu meesha ka saaray calaamadaha kale ee qaan gaadhka ee ay ka mid tahay:

inuu qofku arko biyaha taranka ama

dhiigga caadada ku waas oo la heli karo inta aanay u dhamaan 15 sanadood .

Arintana waxa ka dhalanaya waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in laga rido waajibaadkii qofka qaan gaadhka ah shareecadu saartay , lana marin ciqaabta ka dhalata fal danbiyeedyada uu galo iyo in la lumiyo xuquuq uu yeelan lahaa marka uu qaan gaadho sida masuuliyada ka saaran naftiisa maalkiisa iyo cida kale ee uu masuul ka noqon lahaa.

9 – Xeerkani wuxuu ka dhigay qofka sharci daro ku xidhan ee khiyaarkiisa kula sinaystay qof kale mid khasban oo ka mid ah dadka aan ogolaanshaha bixin Karin , sidoo kale wuxuu ka dhigay qof khasban oo aan ogolaansho bixin karin qofka khiyaarkiisa kula sinaystay qof ka meeqaan iyo awood sareeya . iyada oo aynu ogsoonahay in qofka qaan gaadhka ah ee miyirkiis iyo maankiisa qaba uu ogolaansho bixin karo mar hadii aanu khasbanayn , inuu xidhanyahay ama laga meeqaan sareeyaana ka dhigi mayso mid khasban .( eeg qodobka 1aad ee erey bixinta ).

10 – Xeerkani wuxuu ku soo koobay is qaawinta anshax darada ah ee ciqaab lagu mutaysanayo inuu dadka dhexdiisa si ula kaca isugu qaawiyo ( mudug iska dhigo ) ama uu ka faydo marada xubnihiisa taranka . ( eeg qodobka 14 aad ) .

Taasi oo macnaheedu noqonaya in hadii qofku muujiyo qaar ka mid ah xubnaha ay shareecadu cawro u taqaan marka laga reebo xubnaha taranka oo kali ah , in aanay ahayn anshax daro ciqaab lagu mutaysan karo , waana sida ku cad xeerarka gaalada ee xeerkan laga soo dheegtay.

LA SOCO QAYBTA 2aad…

 

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

badmah100@hotmail.com

SHARE
Article horeSOMALILAND: Aragtida Xisbiyada Mucaaridku Ka Qabaan Dib-U-dhac Ku Yimaadda Doorashooyinka March 2019
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here