“Go’aanka Adag Ee Ay Somaliland U Badheedhay Dagaal Dhinac Walba Lagala Galo Ayaa Keenay In Caalamku Dhagaha Ka Furaysto Calaacalka Soomaaliya”

0
1

Ambassador Hirad Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Iyo Dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed Ee Geeska

Hargeysa (Hubaal) Safiirka Somaliland ee dalka isutaga imaaraadka Carabta, Xasan Yaasiin Hirad ayaa ka hadlay wadahadalada iyo heshiisyada dhexmaray qaar ka mid ah waddamada geeska Arika iyo dhaqdhaqaaqyada dhanka siyaasadda ee ka taagan geeska.

Ambassador Xasan oo khudbad ka jeedinayay madal ardayda jaamacada New Generation soo qabanqaabiyeen, isla markaasna ay ka soo qaybgaleen, guddoomiyaha jaamacadaasi iyo wasiirka ganacsiga iyo marti sharaf kale, ayaa ugu horreyn waxa uu ku bogaadiyay dawladda Itoobiya, gaar ahaan xukuumadda ra’isal-wasaare Abiy Ahmed eek ala badh dumar yihiin golahiisa wasiirrada, iyo talaabada isbeddelku watay ee lagu xaliyay mashaakilaadkii gobollada dalkaasi qaar ka taagnaa. “annagu hadaanu nahay Somaliland isbeddel ka dhaca geeska Africa waanu ku faraxsan nahay, markuu Possitive yahay, waliba waanu ku amaanaynaa dawladda Itoobiya maamulka xukuumadeeda ee ay ka dhigtay kala badh dumarka, waxaana la odhan karaa waa isbeddelkii u horeeyay ee Afrika ka dhaca in si siman dawladda loo wada yeesho.” Ayuu yidhi ambassadorku

Ambassador Hirad Waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland kala dhexeeya Itoobiya, oo uu tilmaamay inaan la barbardhigi karin Soomaaliya, isagoona xusay dhaqaalaha maaliyadeed ee ay Itoobiya ka hesho Somaliland, “waxaan u sheegayaa Itoobiya, Lix milyan oo doolar bay sanadkii ka helaan Somaliland tijaarada innaga dhexeysa, Xamar kama helaan. Maalin iyo habeen waxa xuduudka ka gudba waad aragtaan, malaayiin doolar oo kaash ah.” Ayuu yidhi Ambassador Xasan

Dhinaca kale Ambassador Hirad waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka iyo dhaqdhaqaaq uu sheegay in dawladda Farmaajo ku doonayso inay ku hor istaagto maalgashiga Somaliland, gaar ahaan DP world.

“Dawladda Imaaraadka waxay fahamtay Somaliland dadka jooga inay yihiin dad lacag haysta, waad maqasheen inay Soomaaliya ka cabatay Somaliland, maxaa ka cabaadiyay? Geesinimada Imaaraadka iyo Somiland ayaa ka cabaadiyay, go’aan qaadashada adag ee ay Somaliland u badheedhay dagaal dhinac walba lagala galo ayaa keentay in maanta Soomaaliya ku calaacasho oo ay cabashooyin u gudbiso caalamka, nasiib-darro se adduunku dhagaha ayuu ka furaystay.”

SHARE
Article horeNuxurka War-Murtiyeed 7 qodob Xambaarsan oo laga Soo Saaray Kal-Fadhigii 36aad Ee Golaha Sare ee SONYO
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here