”Go’aanka Sacuudiga la gu taageeray soomaalida ma matalo” Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

0
96

Iswiidhan waa dal yar oo weligii caan ku ahaa dhexdhexaadnimo uu dunida ku la dhaqmo. Dhanka kalena waa dal weligii la gu yaqaannay in uu u doodo gobannimada dayowga la gumaysto iyo xuquuqda dadka la takooro ama la cabbudhiyo. Raysalwasaare Olof Palme oo toogasho la gu dilay badhtamaha Stockholm sannadkii 1986 ayaa astaan u ahaa dhaqanka siyaasadeed ee Iswiidhan. Waa ta keentay dilka ninkaas oo aan xujadeeda ilaa maanta la furin in la gu tuhmo in ay quwad shisheeye maleegtay.

Iswiidhan waa dalka qudha reer Galbeedka ee qaddiyadda Falastiin ka taagan mowqif dhanka carabta u janjeedha, waana dalka qudha ee reer Galbeed ee Falastiin u aqoonsaday dawlad madaxbannaan. Taasi wax ay kicisay cadhada Israa’iil oo danjiraheedii u yeedhatay, dhanka kalena wax ay wanaajisay sumcadda Iswiidhan ee Dunida Carabta iyo Islaamka.

HawdHaddaba maalmahan Iswiidhan iyo Sacuudiga waxaa ka dhex oogan muran weyn oo diblomaasiyadeed oo keenay in ay Sacuudigu danjirahoodii u yeedhaan, iyo in ay dalkugalka ku adkeeyaan ganacsatada reer Iswiidhan. Khilaafka waxaa keenay Iswiidhan oo Sacuudiga ku dhaliishay ku tumashada xuquuqda bani aadanka, taa darteedna joojisay wada shaqayntii farsamada hubka ee labada dal ka dhaxaysay. Muranku in uu galo arrimaha hubka waxaa keenay Iswiidhan oo uu ka jiro sharci diidaya in hub la ga gado dal dagaal ku jira ama maamul kelitalis ahi haysto. Haddaba xidhiidhka labada dal awalba caadi ayuu ahaaye maxaa maanta isbeddelay?

Xisbiga Socialdemokraterna oo ah xisbiga awalba siyaasadda gudaha iyo debedda ee dalkan qaabeeyay, ayaa muddo dheer ka dib talada dalka ku soo noqday, dabadeed wax uu doonayaa in uu soo nooleeyo dhexdhexaadnimadii dhiirranayd ee Iswiidhan caanka ku ahayd. Dhanka kalena sida la og yahay waxaa jirta cabasho xoog leh iyo eed ay bulshooyinka carabta iyo muslinku u hayaan reer Galbeedka, taas oo daarran taageerada indho la’aanta ah ee ay siiyaan kelitalisyada iyo qoysaska madaxa ka ga fadhiya ummadahooda. Dad badan baa rumaysan mawqifkan cusub ee Iswiidhan in uu yahay tijaabo ama bilaw la gu dhimayo taageerada maamullada carabta ee dulmiga ku dhisan.

Sacuudigu dhaliisha ay Iswiidhan u jeedisay aad ayuu u ga xanaaqay, wax uuna ku sheegay gardarro iyo faragelin la gu sameeyay arrimihiisa gudaha (sidii caadada u ahayd talisyada dulmiga ku dhisan). Intaas uun ma aha ee qaar ka mid ah dalalka carabta iyo muslinka ee saboolka ah ayuu Sacuudigu ku cadaadiyay in ay Iswiidhan dhaleeceeyaan, kuwaasina waa ay yeeleen, Jabbuuti iyo Soomaaliya ayaana ka mid ah. Haddaba wayddiintu wax ay tahay, maamullada Jabbuuti iyo Xamar go’aanka ay Sacuudiga ku taageerayaan kuna dhaliilayaan Iswiidhan ma ku matalaan dadweynahooda ay magaciisa ku hadlayaan?

Sida uu qof wal oo soomaaliyeed og yahay, Sacuudigu waa xabaasha bani aadamnimada iyo xuquuqda dadka. Dulmi shaqo, xabsi xaqdarro ah, masaafurin xadgudub ka buuxo, kufsi, quudhsi iyo tab walba oo dadnimada la gu dulleeyo ayay Sacuudiga ku qabaan weligoodna ku qabeen boqollaalka kun ee soomaaliyeed ee Ilaahay dalkaa baday, xoogsato iyo qaxooti ka ay yihiinba. Boqollaal kun oo soomaaliyeed ayaa maanta iyo weligeedba la seejiyay xaqoodii shaqo, xaqoodii qaxootinnimo iyo xaqoodii bani aadamnimo oo dhan, kuwaas oo aan cid u hadasha iyo dawlad u hiilisa weligood helin.

Sidaa darteed wayddiintaa kore jawaabteedu waa maya. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sh Maxamuud go’aankaa ku ma matalaan dareenka iyo danta soomaalida. Waana go’aan meelkadhac iyo godob ku ah xaqa iyo maamuuska qof wal oo soomaaliyeed oo Sacuudiga ku dulman ama jeer hore la gu dulmiyay.

by Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here