“Go’aankii Madaxweynuhu Wuxuu Ceelalyo U Yahay inay Somaliland beegsato dawlad wanaagga loo ooman yahay”

0
1

‘Fasiraada Shacabku Ka Bixiyey Go’aankii Madaxweynaha’- Waxa wax ka qoray: Cumar Maxamed Faarax

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo  xafiiska madaxtinimada Somaliland fadhiyey  muddo 241 maalmood ah, ayaa Sabtidii toddobaadkan soo saaray wareegto  uu gacanta dawladda dib ugu soo celiyey saddex adeeg oo xukuumaddu  qaban jirtay,  hase ahaatee dawladdii uu xilka tirsaday  ku wareejisay shirkado gaar ah, iyadoo aan loo tartamin.

 

Go’aankaas waxa lagu tilmaamay mid  loo qaaday  dhinaca ku dhaqanka sharciga, balse loo wada joogi doono sida loo fuliyo.

Madaxweynuhu wuxuu  buriyey heshiisyadii lagu bixiyey  Haamaha Shidaalka Berbera,  Adeegga Amniga Madaarka Hargeysa, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, oo ay gacanta ku hayeen Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS. Waxaanu madaxweynuhu ku sababeeyey go’aankiisa  “in il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyey maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah.”

Waxa kaloo uu daliishaday   “In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka.”

Madaxweyne Biixi wuxuu   guddi ka kooban Hay’adaha dawladda u xilsaaray inay xisaabiyaan  dhaqaalaha ay shirkadahani  geliyeen adeegyadii ay hayeen iyo maaliyada ka soo gashay, si loo kala caddeeyo in qaranku qaan ku yeesho sharaa’igaas  iyo in xukuumaddu dabarto haddii ay soo baxdo in lacagtii ay  shirkaduhu ku maalgeliyeen adeegyadaas aanay uga soo bixin muddadii ay gacanta ku hayeen.

Ra’yul-caamka bulshada  ayaa ku macneeyey wareegtadaas tallaabo muujinaysa hal-adaygii madaxweynaha lagu sifeynayn jiray ka hor intii aanu ku guulaysan doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka 13kii November ee kal-hore,  waxaanu ahaa   qoddob  u cuntamay dad badan oo codkoodii u hibeeyey dharaartii codbixinta, xiligii uu ku jiray ololaha waxa shaaricyada magaalooyinka lagu xardhay istiikaro ay ku qornaayeen  “Dooro Madaxweyne Go’aan Leh.”

Waxa kaloo loo fasirtay in go’aankani bilow u yahay qorshe madaxweynuhu ku quwaynayo dawladnimada isla markaana uu ceelalyo u yahay inay Somaliland beegsato dawlad wanaagga loo ooman yahay.

Wareegtadii madaxweyne Muuse Biixi oo sumaddeedu ahayd “JSL/XM/WM/222-178/08201” waxay qabsatay goobaha barkulanka dadweynaha  iyo saxaafadda bulshada, iyadoo  falanqeynteedu  meesha ka saartay hadal haynta isbeddelka siyaasadeed  ee ka socda dalka Itoobiya gaar ahaan kii ka dhacay degaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmahan ahaa qoddobka ugu weyn ee aad u hadhayeeyay  fadhi ku dirirka bulshada.

Falanqeeyeyaasha mowduucani waxay  su’aalo ay iska weydiinayeen sida arrintan loo meelmarin doono, waxaanay u fasirteen inay dhirbaaxo ku tahay wasiirro hore iyo dad kale oo saamayn ku lahaa wareejintii adeegyadan xukuumaddu dib ula soo noqotay.

 

Dadka qaar ayaa  iyaguna aaminsanaa in madaxweynaha looga baahan yahay inuu qalbiga  adkaysto oo uu  ka dabo-tago adeegyo kale oo ay ka mid ahaayeen  wershadihii laydhka ee magaalooyinka dalka  qaarkood oo la dhaxal-wareejiyey iyo shaqooyin  aan xad lahayn oo xukuumadda gacanteeda  ka baxay.

 

Waxaa xukuumadda la gudboon inay ka xarimto  shacaa’ir kasta oo muujinaya  qaraabo-kiil iyo in  qof jeclaysi lagu gacan qabanayo  ashkhaas gaar ah oo xeelad aan xalaal ahayn  iskugu dayda inay uga tijaarto  mashaariicda iyo qandaraasyada dawladda.

 

 

Ugu dambayn, waxa lama huraan ah in madaxweynuhu halkaas ka sii wado inuu gacanta dawladda ku soo celiyo hanti  kasta oo qaranku leeyahay oo lagu bixiyey sifo aan sharci ahayn. Waxa  kaloo shacabiga Somaliland-na la gudboon inay xukuumadda ku barbar istaagaan go’aankan  oo haddii aan la gaagixin magac aan duugoobin iyo dhaxal togan  u soo jiidi doona madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay tahay inuu  yaqiinsado in go’aan qaadashadu tahay furaha koowaad ee isbeddel uu maanka ku hayo, waxaana ugu dhow inuu ku taamilo qaato  geesinimada xad-dhaafka ah ee  Abiy Ahmed-ka  Itoobiya ee aynu jaarka nahay.

 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

SHARE
Article horeSomaliland: Xukuumadda Oo Jawaabtay Eedaymo Loo Jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here