HUBAALMEDIA.COM
Gobol Ku Yaalla Shiinaha Oo Gadhka Iyo Xijaabka Laga Mamnuucay
April 1, 2017 - Written by Mustafe Faro

Xinjiang (Hubaal) Shiinaha ayaa mamnuucis gadhka iyo xijaabka ah ku soo rogay gobolka ku yaalla galbeedka fog ee Xinjiang, wax lagu tilmaamay olole lagula dagaallamayo islaamiyiinta xagjirka ah. Talaabooyinkan waxaa ku jira in la mamnuuco in raggu gadh “aan caadi ahayn” ay labaxaan, xijaabka oo lagu xidho goobaha dadweynaha iyo in la diido daawashada TVga. Xinjiang ayaa ah meel ay ku badan yihiin dadka Uighurs, oo ah dad Muslimiin ah oo sheega in la faquuqayo. Waxaana gobolkaas Sanadihii u dambeeyey ka dhacay dagaallo uu dhiig ku daatay.

_95415838_gettyimages-606025432

Xukuumadda Shiinaha ayaa rabshadaha ku eedeysay mintidiin islaamiyiin ah iyo gooni-u-goosato. Laakinse kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in deganaansho la’aanta ay keeneen siyaasado cabbudhin ku dhisan, kuwaasoo ku jiiday xagjirnimo qaar ka mid ah dadka Uighurs. Xannibaadyo adag ayaa horeba uga jiray Xinjiang. Wakaaladda Reuters ayaa sheegaysa in shuruucda cusub ay sidoo kale mamnuucayaan:

  • In aan loo ogolaan carruurtu inay iskuullada dawladda aadaan.
  • In aan la adeecin siyaasadaha qorshaynta qoyska.
  • In si ula kac ah loo waxyeeleeyo dukumenti dawladeed.
  • In guurka lagu saleeyo diinta.

Shuruucdu waxay kaloo sheegayaan in shaqaalaha ka shaqeeya goobaha dadweynaha sida saldhigyada iyo garoomada dayaaradaha looga baahan yahay inay ka hor joogsadaan kuwa gabi ahaanba qariya jidhkooda oo wajiguna ku jiro inay soo galaan, ayna u gudbiyaan booliska. Xayiraadaha waxaa ansixiyey sharci-dejiyeyaasha Xinjiang, waxaana lagu soo qoray barta internetka ee gobolka. Maamulayaasha Shiinuhu waxay horeba ugu soo rogeen tallaabooyin uu ka mid yahay in aan dadka Uighurs la siinin baasaboor.

Uighurs iyo Xinjiang

Uighurs

  • Uighurs waa muslimiin Turkic ah.
  • Dadka ku nool Xinjiang waxay ka yihiin 45%, 40%-na waa Shiine Han ah.
  • Shiinaha ayaa gacanta ku hayey tan iyo 1949, ka dib markii la jabiyey dalkii muddada yar jiray ee Bariga Turkestan.
  • Wixii wakhtigaas ka dambeeyey waxaa u soo hayaamay dad badan oo shiine ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Han.
  • Uighurs waxay ka cabsi qabaan in dhaqankooda soo-jireenka ahaa uu meesha ka baxo.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews