Gobtii la Gumeeyey.- W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

0
1

Konton iyo siddeed sano ayey da’daydu caawa garaacday laakiin waxba iiga dan ma’aha oo afar maalmood dhalashadaydii ka dibba waa nigii dib u saqiiray. Ubadka dhallaannimo ku dhinta Soomaalidu dundumooyinka ayey ku aasi jirtay ba e, aniga waa tii haadda la iiga tagay. Waa tii coomaadayaal cir weyn iyo gorgor garba weyni hadhcad ka gigtay hilbahaygii bari iyo bogoxba bacadyaalka u noqday daranyada iyo dugaaggaba.

 

Horta maxaa i watay? Hagaagba uga maan fekerin hadda ka hor. Maya maya. Wey ii caddayd waxa aan doonayey. Shanta oo israacdaan raadinayey. Midow quwad leh in la qaabeeyo ayaan quuddaraynayey. Soomaliyoo meel ka soo wada jeedsata oo samaata ayaan saadaalinayey. Laakiin anigii roonaa ayey i rogatay. Wax badso wax beel bay dhashaa ayey igu noqotay. Dalluun dheer waatii aan ka dhacay. God madow oo abeeso iyo halaq isku weheshadaan oo dusha laga goglay waatii aan ku dhacay. Qayladaydu waatii laba gabi dhexdood goor baas ka yeedhay. Meel aan ka soo noqdo waatii aan waayey. Wadkiiyoo warmihiisii sita waannagii hagaag isku waajahnay. Waatii uu middi saawira igu kirkiray. Waatii uu silic iyo saymo baas naftii igaga saaray. Ha dhib badnaato ama dhayal ha u dhacdo e, dhimashadu waa mid qudhahe, waatii indhahayga oo shana dhimasho aan guddoontay. Wan weyn iyada oo la gawraca mooyee indhihiisu cirka ma qabtaane, hadhcad waatii aan indhaha xagga kale ka rogay ee aan daawaday xiddigaha cirka oo cawaddaranta fiidkii cirka ku soo carraabaya.

 

Soddon iyo kow sano oo aan mootanaa axankaygii iyo fiddahaygiina meel walba lagu feeddagay ka dib, waatii aan dib u soo dhashay. Nafta oo xididdada igaga sii jirtay berigii aan dhintay iyo in dib naf kale la iigu soo afuufay ta ay noqotaba, waatii mar kale aan soo baraarugay. Qofka caqliga leh laba jeer god qudha laguma wada qaniino e, waatii aan ka irdhoobay waddadii aan waagii hore qaaday iyo wax kasta oo u sabab noqon kara in wadku igu soo degdego. Wax walba waatii aan kow ka soo bilaabay. Madaxbannaanidii aan kowda iyo soddonka sano ka hor godka madow ku riday waatii aan dib u baadi goobay ee boodhka ka jafay.

 

Jid wada qodxaha ah waatii aan sii dhex jibaaxay. Waatii gocondhada iyo carabanahdu i leeftay ee aan cagaha ka socon kari waayey. Waatii fallaadho maddiiddaysan oo afka waabay daran ku leh oo meel walba iga lusha aan ku waabariistay. Fallaadhi gilgilasho kaagama go’da e, waatii fallaadh weliba hilib weyn meel igala ruqday. Mid muruq la baxda, mid seed qaadata, mid halbowle wareenta oo uu dhiiggu i habo, iyo mid hibaaqyada kala saafta waatii ay noqdeen. Intii aan hore u socon lahaa waatii aan ku mashquulay nabarro mililaya dhayiddooda iyo boogo hanbaabuqaya baanashadooda.

 

Marraba umay muuqan wax aan ka soo doogi karayo iyo meel aan madaxa kala soo bixi karayo. Marraba tafeennadayda iyo tagoogahaygu umay muuqan in ay yeelan karaan tamar ay kaga soo kifaaxaan xayndaabkii geerida ee ku wareegsanaa. Laakiin waatii aan awooddayda qorsoon muujiyey ee aan mucjisooyinka soo bandhigay. Waatii aan gofanihii iyo gabaarraydii dhiigga iga jaqaysay dhibta aan u qooshay ee aan meel daran ku hubsaday. Dhuuggii iyo huryadii i ganaysay waatii aan iska kiciyey. Waatii aan tallaabo tallaabo u soo dhiigaystay. Waatii dharaaro ka dib aan dhogor gooyey ee aan dhismay.

 

Waatii aan cududahayga iyo cagahayga oo aan weli adkaan aan damcayn in aan isku taago. Waataan istaagayeen dhaqaaqay. Waataan kufayeen kacay. Waataan turaanturroodayeen toosay.

 

Markii aan arkay in cagahaygu xejin karaan culayska jidhkayga, waxa aan bilaabay in aan ka shaqaysiiyo waaxaha jidhkayga intii fadhiidka ahayd. Gudahayga ayaan ka bilaabay. Xubnahaygii colloobay baan heshiisiiyey. Nabad waarta iyo walaalnimo ayaan ka dhex beeray. Xurguftii dhex taallay ayaan ka turxaan bixiyey. Utumihii caabuqa lahaa ayaan ka dhayey.

 

Hore ayaan uga sii socday. Habkii iyo hannaankii haykal dowladeed ayaan bilaabay. Oday dhaqmeed sansaankii baarlamaan bilow ah leh ayaan ku bilaabay. Doorasho madaxweyne oo aan laga dayrin ayey qabteen durbadiiba. Dadka intii hubaysnayd ayaan dumbuqyadii ka dhigay, qaarkoodna ciidan qaran u qarameeyey.

 

 

Kumaan hakane hore ayaan uga sii hinqaday. Xaaladdu markii ay u ekaatay in ay degtay, dadkiina indhuhu u furmeen ayaan habka xisbiyada badan iyo axsaabta qaranka u furay. Waa nidaam dowladeed oo casri ah oo qabiilkii beddeli kara. Laakiin waa mid ka mid ah isku dayada aanan weligood sidoodii ugu guulaysan.

 

Wixii loo aasaasay baa ahayde, xisbiyadii doorashooyin ayey u dareereen. Saddexdii ugu darajo sarreeyey ayaan xisbiyo qaran u qaatay. Saddexdan ayaa doorashadii madaxtinnimada foodda is daray. Gari laba nin kamada qosliso e, mid ayaa helay kuwii kalena wey hanbalyeeyeen. Waa halka aan u socdo. Waa halka quruxdu ku jirteen qaaraddayda guud ahaan iyo qoomiyado kale oo badan ba aan laga helin.

 

Waqtigu wuu iska socday anna kolba tallaabo ayaan la qaadayey. Fulaygaa barriiqdee halkudhiggaygu  wuxuu ahaa horyaalka Geeska iyo hormoodka Afrika. Tanna dedaal dheeri ah, isku tanaasul, iyo waxwada la haansho ayaa lagu gaadhi karaa. Iyadana waan muujiyey karaankay.

 

Guyaal gangoonsan ayaa gudbay durbaba. Doorashooyin baa la doonayaa in la qabto. Mid baan ka soo boodee tani waa tii saddexaadee madaxtinnimada. Sida ka soo muuqata kuwii hore wey ka duwanaan doontaa. Dadkaa koray. Jiil cusub ayaa yimid. Aqoon iyo horumar ayaa lagu tallaabsaday inkastoo gaabisna yimid. Si doorasho qurux badan loo galo waa in diwaangelin casri ah la maraa. Wax aan adduunka badankiisa ka dhicin Afrikadan la nagu uumayna aan laga maqal ayaan keenay. Waa sawirka bu’da isha iyo aalado casri ah. Cidi cid uma codayn karto cidna laba jeer iyo wax ka badan toona ma codayn karto. Alaab casriya uun adigu.

 

Markii laydha doorashadu i haysay waxa aan jarribaad iyo su’aalo jaangooyo ah u sameeyey musharraxiintii tartamaysay. Dood adag oo nin walba waxa uu isla hayo ku aaddan ayaa madasha lagu gorfeeyey oo lagu lafoguray. Iyana waa kaalin kale oo  hor leh oo aan Afrikada afar iyo kontonka waddan korka u dhaaftay ku hoggaaminayo.

 

Waqtiga isgurayaa maalintii doorashada na gaadhsii. Anigana Alle iguma xiline si xilkisnimo leh u gudtay waajibkaygii xilliga doorashada. Lagu sheeg doorasho taariikiya iyo tii sannadahaa dunida ba ka dhacday tii ugu cuddoonayd. Hoyga gobannimada ayaan ahaaye sidii kuwii hore kii helay loo hannee kuwii hadhayna la hanbalyee.

 

Hagaag. Waan guumaysooboo wiilkii aan labaatan iyo toddobada sano timaha u tidcayey baan  waayaye, xaggaa aragtaye bal xagganna baro.

 

Dunidu hadda waxa ay ku abtirsataa caddaalad, sinnaan, iyo horumar. Waxa ay sheegataa sharciyo caalamiya iyo xuquuqda aadamaha oo la dhowro. Nidaamka dowladnimo ee reer galbeedku ka macallinka yahay iyo waxa ay u bixiyeen dimukrasi oo qarankii soo mara la muuneeyo kii ka habaabana la daadifeeyo, ayey dunidu ku caanomaashay. Waa wax dusha ka qurux badan laakiin gudaha ka madhan. Waa hadal afka ah laakiin aan weligii uurka gaadhin. Waa majarahabaabin iyo karkaarka weydaarin dahsoon. Maxaa u caddayna? Weligay horumar aan gaadhay si calool fayow dunidu iiguma hanbalyeyn. Qurux kasta oo aan yeesho dabool madow ayey saaraan, daaha dabadiisa ayey haddana iga soo duraan. Sharcigooda marka loo eego xaqii aan ka mudnaa ima mariyaan e wey igala masuugan.

 

Hooyo Soomaaliya la odhan jiray  oo lixdankii mar mataano dihatay, mataanihiina maalmo ka dib saqireen iyana ka daba ummularoortay  ayey wanaaggayga oo dhan u sadqeeyaan. “Midnimada Soomaaliya ayaa la ilaalinayaa” ayey afgobaadsi ka dhigtaan iyada oo aan weligeed la arag Soomaali midaysan. Midnimada oo macnaheedu ahaa shantii Soomaaliyeed oo isku yimaadda, laakiin labadii is eeday bakhtigoodii qadhmuunkiisii saddexdii kale ka dideen in maanta hadhaaga labadii dhintay loogu yeedhaa waa ku gef garashada iyo magaca Soomaalinimada ba.

 

Gar iyo gardarraba, calaacal waa rag ceebtiiye cid aan Caadilka ahayn u caban maayo. Is ciilkaanbiyi maayo oo lixdankii u cadhoon maayo. Calankaygu wuu taagnaan. Wax ba yaan la i guursanoo aan guumooba e, hadafkayga mar uun baan gaadhi inta ummaddaydu utumaha dhexdooda aayar xallisanayso.

 

 

 

W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

 

Ubaxle959@gmail.com

SHARE
Article horeMadaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ka Hadlay DP World Iyo Dimuqraadiyadda Jabuuti
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here