HUBAALMEDIA.COM
Golaha Amaanka Ee Midoobay Oo Jawaab Ka Soo Saaraya Codsigii Aqoonsiga Ee Shacabka Somaliland Saxeexay
August 25, 2016 - Written by admin

“Qoraal rasmi ah ayuu golaha Amaanku ka soo saari doonaa arrintan.”          Mr. Matthew Rycroft, safiirka UK U Fadhiya UN-ta

 

New York (Hubaal):- Safiirka qaramada Midoobay u fadhiya dalka Ingiriiska Mr. Matthew Rycroft, ayaa shaaca ka hbgqaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ah ka soo saari doono, jawaab ay ka bixinayaan codsi ay ku dalbanayeen aqoonsiga Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo Salaasaddii ku soo bandhigay Hargeysa codsi bulshada Somaliland oo tiradoodu kor u dhaaftay hal milyan qof ku dalbanayeen aqoonsi caalami ah oo dalkoodu ka helo beesha caalamka munaasibad uu goob joog ka ahaa  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu jawaab ka bixiyey safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Qaramadda Midoobay. Weriye Matthew Lee, oo qora shabakada Inner City Press, oo wax falanqeeya arrimaha Qaramadda Midoobay ayaa shalay  wax  ka   weydiiyey sida uu u arko mowqifka bulshadda Somaliland ku dalbanayso aqoonsi dalkoodu helo, Mr. Matthew Rycroft, safiirka Ingiriiska u fadhiya QM. Mr. Rycroft, oo jawaab kooban ka bixiyey ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ku soo saari doono jawaabta, waxaanu yidhi “Qoraal rasmi ah ayuu golaha Amaanku ka soo saari doonaa arrintan.” Warka codsigii shacabka Somaliland ku dalbanayeen in beesha caalamku aqoonsato dalkooda Somaliland ayuu sabab u noqday inuu gaadho xarunta Qarammada Midoobay,  dhinaca kale, gaadhitaanka dalabka codsiga shacabka Somaliland ee aqoonsiga dalkooda Golaha Amaanka ayaa noqon doonta mid wax badan ku soo kordhisa, kuna soo jeedisa dareenka beesha caalamka qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Gudgudenews

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews