Golaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Dagaalka Puntland

0
50

Hargeysa (Hubaal) Golaha Guurtida Somaliland oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa waxa loo qaybiyey warbixin la xidhiidha xad-gudubyada Maamulka Puntland iyo Dawlada Soomaaliya ku sameeyeen Dhulka Somaliland todobaadyadii u dambeeyey.

Fadhigan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa waxa Mudaneyaasha loo akhriyey qodobo ku saabsan xaalada ka taagan Xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana warbixintaas Golaha u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Siciid Jaamac.

Guddoomiyaha Golahaas oo hadal ka jeediyey fadhiga, ayaa daandaansi ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Soomaaliya ka wado deegaamada xuduudka u dhexeeya Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here