Golaha Wakiillada oo Codka Kalsoonida U Qaaday Xubnihii Uu Madaxweynuhu U Magacaabay Komishanka Maamul-wanaagga

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Fadhigii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee shalay oo uu ayuu Goluhu  ku ansixiyey shanta xubnood ee Komishanka Maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi.

Fadhigan oo uu guddoominayey Guddoomiyaha aqalka Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa golaha  ka soo xaadiray 49    Xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee Goluhu ka kooban yahay, waxaana ka hor ansixinta shanta xubnood ee Komishanka Maamul wanaagga fadhiga laga akhriyey taariikh nololeedka iyo khibrada shaqo ee shantaas xubnood oo dhammaantood goluhu meelmariyey shaqada madaxweynuhu u soo magacaabay.

Siduu ku soo warramay weriye ka tirsan wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Golaha Wakiilladu shanta xubnood ee Komishanka maamul wanaagga ugu kala codeeyeen sidan:-

1-Axmed Jaamac   Maxmed, waxa ogolaaday 35 Xildhibaan, 5 Mudane ayaa diiday, halka afar xildhibaanna ka aamuseen.

2-Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil, waxa ogolaaday 35 Xildhibaan, waxa diiday 5 xildhibaan, waxa ka aamusay 4 Mudane.

3-Maxamed Axmed Cawaale, waxa  ogolaaday 35 Mudane, waxa diiday lix xildhibaan, waxa ka aamusay 8 Xildhibaan.

4-Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi, Waxa u coddeeyey 34 xildhibaan, waxa diiday shan xildhibaan, waxa ka aamusay 8 Mudane.

5-Dayib Aadan X. Cali, waxa ogolaaday  39 xildhibaan, waxa diiday Shan Xildhibaan, halka Saddex Mudane ay ka aamuseen.

SHARE
Article horeWasiirkii Hore ee Maaliyadda oo Af-gobaadsi Kaga Jawaabay Xil-ka-qaadistiisa & Xubinta Loo Bedelay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here