Golaha Wakiillada Oo Laallay Cashuuro Badan & Tacriifado Cusub Oo Xukuumaddu Kusoo Dartay Orodoska Miisaaniyadda Ay shalay Meel-mariyeen

0
1

Akhri:    Go’aan Guddida Dhaqaalluhu Shalay Golaha Horkeeneen Oo Meesha Ka Saaraya Tacriifado Cusub iyo Kuwo koradhsiimo Ah Oo Odoroska Miisaaniyada Ugu Jiray   Lix Wasaaradood

“In qaab qoraalka Miisaniyadda wax laga bedelo isla markaana loo qoro sida miisaniyaddaha casriga ah” – Mid Ka Mid Ah 11 Qoddob Oo Goluhu Ku Lifaaqay Ansixinta Miisaaniyada

Hargeysa(Hubaal):- Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay  ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhigma 420 milyan oo dollar.

Kalfadhigan  shalay waxaa shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadirey lixdan xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

 

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada, waxaana u codeeyey 46 xildhibaan, 12 xildhibaana way diideen, hal xildhibaanna wuu ka aamusay gudoomiyuhuna ma codeyn.

 

Sidoo kale, ansixinta misaaniyada waxa lagu daray lifaaqii guddi hoosaadka dhaqaaalaha ee golaha Wakiilada ee ay kaga reebeen lix wasaaradood oo kordhiyey tacriifadii ay qaadi jireen,Intaas ka dibna waxa uu goluhu gallay fasax laba bilood ah.

Geesta kale waxa GoLaha Wakiilada JSL uu laallay   Cashuuro badan oo Miisaaniyada Xukuumadu ku soo dartay . cashuurahan oo ay odoroska miisaaniyada ka soo saareen guddida dhaqaallaha ee goluhu ayaa waxaa markii ay fadhigii shalay horkeeneen warbixintoodii soo jeediyeen go’aamo  ka koobnaa qoddobadan:

  1. In laga Saaro Miisaniyadda Sanadkan Tacriifadaha Cusub iyo Kuwa korarsiimaha ah ee Wasaaraddaha Horumarinta Reermiyiga iyo Degaanka, Wasaraadda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaraadda Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  Wasaraadda Warfaafinta iyo Dhaqanka, Wasaraadda horumarinta Kalluumaysiga iyo Xannaanada, Wasaraadda Horumarinta Biyaha.
  2. In Warbixin dhamays tiran oo faahfaahsan Wasaaraddu kasoo gudbiso mashaaricii ku jiray Miisaniyaddii 2018-ka

 

  1. In Miisaniyaddaha Dawladaha hoose laga saaro miisaniyadda Dawladda dhexe oo iyadana Goluhu gaar u ansixiyo

 

  1. In Miisaniyadda 2020 haddii Allah ka dhigo soo gudbinteeda loo raaco muddooyinka kuxusan Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka

 

  1. In qaab qoraalka Miisaniyadda wax laga bedelo isla markaana loo qoro sida miisaniyaddaha casriga ah.

 

6 In Gudida Dhaqaalaha iyo Gudida dabo galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu ay si wada jir ah usoo kormeeraan mashaariicaha ku jiray Miisaniyadda 2018-ka

 

  1. In Deeqaha Caalamiga iyo Mashaariicda ay hay’duhu ka wadaan dalka lagu soo daro Miisaniyadda 2020

 

  1. Madaama oo loo kordhiyey Agaasimaayasha Guud ee Xuukuumadda Gunnada, in labada Xoghayaha Guud ee Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida loo kordhiyo intii loo kordhiyey Agaasimayaasha Guud

 

  1. In 2% gobolada bari la Mashaariceeyo.

 

  1. In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2019-ka

 

  1. In xadiga lacagta eek u qoran Madax xigeenka(Subhead) 2110303(Gunno Hawleed) ee Golayaasha Barlamaanka loo wareejiyo Madax Xigaha 2110105
SHARE
Article horeWasiirka Shaqo-gelinta Somaliland oo Ka Sheekeysay Dhacdo Cajiib ah oo ay kala Kulantay Cusbitaal Hargeysa Ku Yaalla
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here