Golaha Wakiillada Oo Waajibkooda Kaga Gutay Xeer Ay Dhawaan Guurtidu Kusoo Celisay Oo In Muddo Ah Miiska U Saarnaa

0
1

Hargaysa(Hubaal) Fadhigii Shalay ee golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland  oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada   Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaashu  waxa ay Cod Gacan taaga ah ku meel mariyeen xeerka qan-daraasyadda qaranka oo mudooyinkii u dambeeyay horyaalay mudanayaasha wakiilada. Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay Natiijadda Gacantaaga ay mudanayaasha golaha wakiilada somaliland u sameyeen ansixinta xeerkan qan-daraasyadda qaranka somaliland. “Fadhigan oo ay ka soo xaadireen sagaal iyo afartan mudan ayaa xeerkan waxa cod gacan taaga ku meel mariyay shan iyo afartan mudane afar mudane ayaa ka aamusay guddoomiyahuna muu coday sidaas ayaa uu ku dhaqan galay xeerka qan-daraasyadda qaranka somaliland.sidaas ayaa uu yidhi guddoomiye Baashe Maxamed Faarax

xeerka qan-daraasyadda qaranka somaliland ayaa waxa hore wax ka badal iyo kaabis ugu soo sameeyay mudanayaasha aqalka golaha guurtidda somaliland,waxaana ay mudanayaasha aqalka golaha wakiilada xeerkan shalay ku ansixiyeen cod aq-labiyad leh.

SHARE
Article horeAKHRI: Magacyada Golaha Wasiirrada Ee Xukuumadda Mustafe Cagjar Oo Maanta Uu Baarlamaanka DDSI Ansixiyey
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here