Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Xeer Hore Dalka Buuq Uga Abuuray Oo Golaha Guurtidu Eegis & Wax-Ka-Beddel Ku Samaysay

0
1

Xeerka Booliska Xeer Lambar 63/2013 Oo Ay Golaha Guurtidu Wax Ka Beddel Ku Sameeyay Ayaa Ay Wakiilladu Shalay Waajibkooda Ka Guteen

Hargeysa (Hubaal) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay oo sabti ahayd ansixiyey Xeerka Ciidanka Booliiska, Xeer Lambar 63/2013, kaasi oo ka soo noqday Golaha Guurtida. Xeerka Booliiska oo sannadkii hore Dalka buuqa ka abuuray, ayaa hore Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, una gudbiyeen Guurtida, kuwaasi oo iyaguna soo eegay, wax ka beddelna ku sameeyay Qodobbada xeerkaasi qaarkood. Qodobbada Guurtidu wax ka beddelka ku sameeyeen waxa ka mid ah Qodobka 16-aad oo ka hadlaya Awoodaha Ciidanka Booliiska. Golaha Wakiillada ayaa hore u ansixiyey in Boolisku aanay rasaas nool u adeegsan karin dad aan hubaysnayn. Laakiin Golaha Guurtida ayaa qodobkaa ku sameeyay wax ka beddel, raaciyeyna ‘Haddii aanay nabadgalyada guud ee Qaranka waxba u dhimayn’, hase-ahaatee Golaha Wakiillada oo wax ka beddelka Guurtida ka dib, uu Xeerkaasi ku soo noqday ayaa Qodobkaa ku ansixiyey sidiisii hore ee ahayd ‘In Boolisku aanay rasaas nool u adeegsan karin Dad aan hubaysnayn.’

SHARE
Article horeMaxaad Ka Taqaannaa Caadifadda (Emotion)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here