“Golaha Wakiilladu Iyagoon Meelna Tegin Oo Wax Soo Qiimayn Ayay Wax Ansixiyeen”

0
1

“Lama Garanayo Sabab Looga Tegay Degmada Tog-wajaale Oo Aynu Ognahay Qiimaha Ay Dalka Ugu Fadhido” Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Warshadaha Ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo, Shucayb Maxamed Muuse

Hargaysa(Hubaal) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warshadaha ee xukuumadii Axmed Siilaanyo, Shucayb Maxamed Muuse ayaa kahor yimid xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka oo sabtidii doraad ay ansixiyeen golaha wakiillada, kaasi oo uu sheegay inuu ka muuqdo goldaloolooyin faro badan.

Ex- wasiir shucayb oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gabi ahaanba laga tago degmada tog-wajaale oo uu sheegay inay ka mid tahay degmooyinka ugu dhaqaalaha badan dalka, goluhuna gabi ahaanba aanay meelna ku xusin.

“Aniga waxay ila tahay xeerkan goluhu ansixiyey, runtii waxbadan oo ay sa,eeyeen way ku jiraan, laakiin qabyo badan baa ku jira, waxaanan aaminsanahay xagga degmooyinka marka laga hadlayo, runtii waan ku hambalyeynaya degmooyinka ay derejadooda iyo nidaamkooda sameeyeen. Laakiin anigu waxaan ka hadlayaa degmooyin badan baa jira oo degmooyinka dalka ugu muhiimsan, hadday ganacsi tahay iyo hadday dhinacyo kale tahayba. Degmada Wajaale oo kale oo ah degmo-ganacsiyeed, dhaqaalihii Somaliland yaallo, waa magaalada ugu ganacsiga badan dalka Somaliland, markaa inaanay xeerka intaa leeg aanay meelna kaga xusnayn degmada intaa le’eg waa arrin ayaan-darro ah. Golaha wakiilladu sabab ay u seegtay arrintaasi oo ay ku ilaabeen runtii maan fahmin.” Ayuu yidhi Shucayb Maxamed Muuse

Siyaasi shucayb ayaa golaha guurtida ugu baaqay dib loo soo celiyo xeerkaasi islamarkaana ay guddi u kala diraan dalka si ay usoo qiimeeyaan degmooyinka uqalma demonimo. “Si qabyooyinkaa looga saaro Waxaan leeyahay golaha guurtida dib ha loogu celiyo si dib loogu saxo degmooyinka aan xeerkan lagu xusin ee laga tegay.” Ayuu yidhi

SHARE
Article horeSomaliland: Bandhigga Caalamiga ah ee 12-aad ee Buugaagta Hargeysa Oo Shalay Furmay iyo Waxa Sannadkan Ku Cusub
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here