Gudaha Ka Akhriso: Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada Iyo Asxaabta Qaranka Oo Go’aan Ka Soo Saartay Khilaafka Xisbiga Kulmiye

0
38

Hargeysa:(Hubaal) -Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka ayaa maanta soo saaray go’aan rasmi ah oo ay ku caddaynayaan in ay sharci yihiin Liisaska Guddiyadii iyo go’aamadii ka soo baxay guddidii shirweynihii Saddexaas ee Xisbiga Kulmiye.

Go’aanka ay Guddida Diiwaangelintu soo saareen waxa ay ku sheegeen in aanu jirin Liisas kale ama go’aamo kale oo soo gaadhay xafiiskooda, isla markaana aanay arag wax cabasho ah oo ka soo gaadhay Garabka kale ee Kulmiye ee ay hogaaminayaan Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.

doorashooyinka

 

Qoraalka rasmiga ah eek a soo baxay Guddida Diiwaangelinta oo  Nuqul ka mid ah aanu helnay goor dhaweyd ayaa u dhigan sidan:

Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye

Og: Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaran JSL

Og: Madaxweynaha J.S.L

Ujeeddoo: Cadayn

Anagoo tixraacayna Xeer No: 14 qoddobkiisa 25aad faqraddiisa 4aad iyo 5aad oo u dhigan sidan:

4-(shirweynaha xisbiga waxa lagu dooranayaa

b. xubnaha hogaanka Xisbiga iyo guddida fulinta

t. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga

J. waxa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga)

5. (Liiska xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo nuqul xeer hoosaadkooda ka mid ah waxa loo gudbinayaa xeer ilaalinta, komishanka Doorashooyinka iyo guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka muddo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha kadib)

Anagoo tixraacayna qodobka 19aad ee distoorka Xisbiga Kulmiye xarafkiisa (x) faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan (marka laga reebo xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya qaabka ku xusan qodobka 27aad soo xulista xubnaha golaha dhexe waxa magacyadooda ergada goboladdu ku soo ururinayaan xoghaynta shirweynaha).

Anagoo tixraacayna qod 25aad ee Xeer No:14 ee u dhigan sidan (guddida diiwaangelinta wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye (reuglations) xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) iyo awaamiir (directives) aan ka hor imanayn xeerkan.

Gudidu waxay halkan ku cadaynaysaa

1.In uu na soo gaadhay go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye ee qabsoomay 28-29/04/2014

Go’aamadaas oo ah

doorashooyinka2

 

1.Go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye

2.Liiska hogaanka ee Xisbiga Kulmiye

3.Liiska Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye

4.Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Go’aamadan oo ay saxeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye.

2.In aan guddida haba yaraatee aanay soo gaadhin go’aamo, liisas kale iyo wax cabashooyin ahi.

3. Iyadoo guddidu xafiiska fadhiday illaa lixdii galabnimo 6:00pm ee 29/05/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd waqtigii uu Xeer No:14 qodobkiisa 25aad ee aynu soo sheegnay ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee lasoo gudbin karo go’aamada shirweynaha.

Sidaas darteed, waxay guddidu aqoonsatay inay go’aamadaas soo gaadhay ee ay ku saxeexan yihiin shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye yihiin kuwa sharciga ah.

Allaa Mahad Leh

Saxeexa Magacyada gudida:

1.C/risaaq Jaamac Cumar

2.Aadan Geedi Qayaad

3.Cumar Xassan Axmed

4.Xasan Axmed Ducaale

5.Cabdalle Ibraahim Maxamed

6.Maxamed Cabdi maalik

7.Ismaaciil C/laahi Cal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here